SABUURRADII Chapter 35

For English

Read SABUURRADII Chapter 35 Online

Read SABUURRADII Chapter 35 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SABUURRADII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

SABUURRADII 35

Cutub 35

1. Rabbiyow, la dirir kuwa ila dirira, Oo la dagaallan kuwa ila dagaallama.

2. Gaashaan iyo gabbaad qaado. Oo caawimaaddayda daraaddeed u istaag.

3. Waran la soo bax, oo kuwa i eryanaya jidka ka goo, Oo naftayda waxaad ku tidhaahdaa, Anigu waxaan ahay badbaadadaada.

4. Kuwa naftayda doondoonayaa ha ceeboobeen, oo sharafdarro ha ku soo degto, Oo kuwa waxyeelladayda u arrinsanayana dib ha loo celiyo, oo ha wareereen.

5. Ha noqdeen sida buunshe dabaysha hor socda, Oo malaa'igta Rabbigu horay u sii kaxaynayso.

6. Jidkoodu ha noqdo gudcur iyo meel simbiriirixo leh, Oo malaa'igta Rabbigu ha eryato.

7. Waayo, iyagu sababla'aan bay dabin god iigu qarsheen, Oo sababla'aan bay naftayda god ugu qodeen.

8. Isagoo aan iska jirin halligaadu ha ku soo degto, Oo dabinkiisuu qariyey isaga ha qabsado, Oo isagu halligaaddaas ha ku dhaco.

9. Oo naftayduna Rabbigay aad ugu farxi doontaa, Oo waxay ku rayrayn doontaa badbaadintiisa.

10. Lafahayga oo dhammu waxay odhan doonaan, Rabbiyow, bal yaa kula mid ah? Kaaga kii miskiin ah ka samatabbixiya kii isaga ka xoog badan, Haah, oo kii miskiin ah iyo kan baahanba ka samatabbixiya kii dhaca.

11. Waxaa kaca markhaatiyaal xaqdarro ah, Oo waxay i weyddiiyaan waxyaalo aanan ogayn.

12. Wanaag xumaan bay iigaga abaalgudaan Oo naftayda way gacal tiraan.

13. Laakiinse markay bukeen, dharkaygu wuxuu ahaa joonyado, Oo naftaydana soon baan ku dhibay, Oo tukashadayduna laabtayday ku soo noqotay.

14. Anigu waxaan u qaatay sidii isagoo ah saaxiibkay ama walaalkay, Oo waxaan la foororsaday baroorasho sida mid hooyadiis u baroorta.

15. Laakiinse anigu markaan turunturooday ayay reyreeyeen, oo way isa soo wada urursadeen, Oo waxmatarayaashii ayaa dhammaantood ii wada shiray, oo anna ma aan ogayn innaba, Way i dildillaacsadeen oo imana ay dayn.

16. Sida labawejiilayaashu diyaafado uga dhex majaajiloodaan Ayay igu ilko jirriqsadeen.

17. Sayidow, ilaa goormaad sii fiirinaysaa? Naftayda halligaaddooda ka badbaadi, Noloshaydana libaaxyada ka badbaadi.

18. Waxaan kaaga mahadnaqi doonaa shirka weyn dhexdiisa, Oo dad fara badan dhexdooda ayaan kugu ammaani doonaa.

19. Kuwa sida qaladka ah cadowga iigu ahi, yaanay igu rayrayn, Oo kuwa sababla'aanta ii necebuna yaanay isu il jebin.

20. Waayo, iyagu nabad kuma hadlaan, Laakiinse waxay hadallo khiyaano miidhan ah ugu hindisaan kuwa dalka ku xasilloon.

21. Afkoodii aad bay iigu fureen, Oo waxay yidhaahdeen, Ahaa, ahaa, annagaa indhahayaga ku aragnay.

22. Rabbiyow, adigu waad aragtay, haddaba ha iska aamusin, Sayidow, ha iga fogaan.

23. Sara joogso, oo garsooriddayda u toos, Oo dacwadayda dhegayso, Ilaahayow, Sayidkayow.

24. Rabbiyow, Ilaahayow, igu xukun sida ay xaqnimadaadu tahay, Oo yaanay igu rayrayn.

25. Yaanay qalbigooda iska odhan, Ahaa, sidaasaannu doonaynaa, Yaanay odhan, Isagii waannu liqnay.

26. Kuwa waxyeelladayda ku reyreeyaa ha wada ceeboobeen oo ha isku wareereen dhammaantood, Oo iyagu ha huwadeen ceeb iyo sharafdarro kuwa iska kay weynaysiiyaa.

27. Kuwa xaqnimadayda jecelu farxad ha ku dhawaaqeen, oo ha farxeen, Oo had iyo goorba ha yidhaahdeen, Rabbiga ha la weyneeyo, Waayo, isagu wuxuu ku farxaa barwaaqada addoonkiisa.

28. Oo maalinta oo dhan carrabkaygu wuxuu ka hadli doonaa Xaqnimadaada iyo ammaantaadaba.

About SABUURRADII Chapter 35

Read SABUURRADII Chapter 35 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: SABUURRADII
Chapter: 35
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SABUURRADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading SABUURRADII Chapter 35 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is SABUURRADII Chapter 35?

SABUURRADII Chapter 35 is part of the Book of SABUURRADII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete SABUURRADII Chapter 35 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Sabuurradii

  1. SABUURRADII Chapter 9
  2. SABUURRADII Chapter 33
  3. SABUURRADII Chapter 20
  4. SABUURRADII Chapter 41
  5. SABUURRADII Chapter 4
  6. SABUURRADII Chapter 95
  7. SABUURRADII Chapter 25

Related Chapters & Readings

  1. YOOXANAA Chapter 12
  2. SHARCIGA KUNOQO Chapter 20
  3. YEREMYAAH Chapter 29
  4. SABUURRADII Chapter 9
  5. BAXNIINTII Chapter 2
  6. BAXNIINTII Chapter 30
  7. ESTEER Chapter 6
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *