SABUURRADII Chapter 118

For English

Read SABUURRADII Chapter 118 Online

Read SABUURRADII Chapter 118 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SABUURRADII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

SABUURRADII 118

Cutub 118

1. Rabbiga ku mahadnaqa, maxaa yeelay, isagu waa wanaagsan yahay, Waayo, naxariistiisu weligeedba way waartaa.

2. Haddaba reer binu Israa'iil ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.

3. Oo reerka Haaruun hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.

4. Oo kuwa Rabbiga ka cabsadaa hadda ha yidhaahdeen, Naxariistiisu weligeedba way waartaa.

5. Anigoo cidhiidhi ku jira ayaan Rabbiga u qayshaday, Markaasaa Rabbigu ii jawaabay, oo wuxuu i taagay meel ballaadhan.

6. Rabbigu waa ila jiraa, oo anigu ma cabsan doono, Bal maxaa dad igu samayn karaa?

7. Rabbigu waa ila jiraa, oo wuxuu ku dhex jiraa kuwa i caawinaya, Haddaba waxaan kuwa i neceb ku arki doonaa waxaan doonayo.

8. Intii dad lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.

9. Intii amiirro lagu kalsoonaan lahaa Waxaa ka wanaagsan in Rabbiga laysku halleeyo.

10. Quruumihii oo dhammu way i wada hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.

11. Way i hareereeyeen, haah, oo way i hareereeyeen, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.

12. Waxay ii hareereeyeen sida shinni oo kale, oo iyaga waxaa loo demiyey sida dabka qodxanta oo kale, Oo anna magaca Rabbiga ayaan ku baabbi'in doonaa.

13. Adigu aad baad igu mudday si aan u dhaco aawadeed, Laakiinse Rabbigaa i caawiyey.

14. Rabbigu waa xooggayga iyo gabaygayga, Oo wuxuu ii noqday badbaadadayda.

15. Kuwa xaq ah teendhooyinkooda waxaa ku jira codkii rayraynta iyo badbaadada, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

16. Gacanta midig oo Rabbiga waa la sarraysiiyey, Gacanta midig oo Rabbiguna wax xoog leh bay samaysaa.

17. Anigu ma dhiman doono, laakiinse waan noolaan doonaa, Oo waxaan sheegi doonaa shuqullada Rabbiga.

18. Rabbigu aad buu ii edbiyey, Laakiinse dhimasho iima uu dhiibin.

19. Irdaha xaqnimada iga fura, Oo anna waan geli doonaa, oo Rabbigaan ku mahadnaqi doonaa.

20. Tanu waa iriddii Rabbiga, Oo waxaa geli doona kuwa xaqa ah.

21. Waan kugu mahadnaqi doonaa, waayo, waad ii jawaabtay, Oo waxaad ii noqotay badbaadadayda.

22. Dhagaxii kuwa wax dhisaa ay diideen, Kaasu wuxuu noqday madaxa rukunka.

23. Tanu xagga Rabbiga bay ka timid, Oo waa ku yaab indhahayaga.

24. Tanu waa maalinta Rabbigu sameeyey, Waannu rayrayn doonnaa oo waannu farxi doonnaa.

25. Rabbiyow, waan ku baryaynaaye, haatan na badbaadi, Oo waan ku baryaynaaye, Rabbiyow, haatan barwaaqo noo soo dir.

26. Waxaa barakaysan kan Rabbiga magiciisa ku imanaya, Waxaannu idinka ammaannay guriga Rabbiga.

27. Rabbigu waa Ilaah, oo wuxuu na siiyey iftiin, Allabariga xadhko ku xidha tan iyo meesha allabariga geeseheeda.

28. Waxaad tahay Ilaahay, oo anna waan kugu mahadnaqi doonaa, Waxaad tahay Ilaahay, oo waan ku sarraysiin doonaa.

29. Rabbiga ku mahadnaqa, waayo, isagu waa wanaagsan yahay, Oo naxariistiisuna weligeedba way waartaa.

About SABUURRADII Chapter 118

Read SABUURRADII Chapter 118 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: SABUURRADII
Chapter: 118
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SABUURRADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading SABUURRADII Chapter 118 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is SABUURRADII Chapter 118?

SABUURRADII Chapter 118 is part of the Book of SABUURRADII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete SABUURRADII Chapter 118 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Sabuurradii

  1. SABUURRADII Chapter 79
  2. SABUURRADII Chapter 146
  3. SABUURRADII Chapter 31
  4. SABUURRADII Chapter 88
  5. SABUURRADII Chapter 40
  6. SABUURRADII Chapter 29
  7. SABUURRADII Chapter 52

Related Chapters & Readings

  1. AYUUB Chapter 41
  2. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 18
  3. YEXESQEEL Chapter 12
  4. HOOSHEECA Chapter 7
  5. YASHUUCA Chapter 3
  6. SABUURRADII Chapter 77
  7. AYUUB Chapter 2
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *