Read ESTEER Chapter 6 Online
Read ESTEER Chapter 6 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ESTEER in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of ESTEER and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
ESTEER 6
Cutub 6
1. Habeenkaasna boqorkii wuu seexan kari waayay, kolkaasuu amray in loo keeno buuggii taariikhda wakhtigaas, oo waxaa lagu akhriyey boqorka hortiisa.
2. Oo waxaa laga dhex helay oo ku qornaa in Mordekay sheegay Bigtaan iyo Teresh oo ahaa boqorka labadiisii midiidin oo ka mid ahaa kuwii iridda dhawri jiray, kuwaas oo doonay inay Boqor Ahashwerus dilaan.
3. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Taas aawadeed maxaa maamuus iyo derejo ah oo Mordekay loo sameeyey? Kolkaasaa addoommadii boqorka u adeegi jiray waxay isagii ku yidhaahdeen, Waxba looma samayn.
4. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Yaa barxadda jooga? Haddaba Haamaan ayaa yimid guriga boqorka barxaddiisa dibadda ah inuu boqorka kala hadlo in Mordekay lagu deldelo qorigii deldelaadda oo uu isaga u diyaariyey.
5. Markaasaa boqorka addoommadiisii waxay isaga ku yidhaahdeen, Bal eeg, Haamaan baa taagan barxadda. Kolkaasaa boqorkii yidhi, Ha soo galo.
6. Markaasuu Haamaan soo galay, oo boqorkii wuxuu ku yidhi, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso maxaa loo yeelaa? Haddaba Haamaan wuxuu qalbigiisa iska yidhi, Bal yaa boqorku ku farxi lahaa inuu maamuuso in ka badan intuu i maamuuso?
7. Oo Haamaan wuxuu boqorkii ku yidhi, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso
8. ha loo keeno dharkii boqornimada oo boqorku xidhan jiray, iyo faraska boqorku fuulo, oo madaxana ha loo saaro taajka boqorka,
9. oo dharka iyo faraska gacanta ha loo geliyo boqorka amiirradiisa sharafta leh midkood, in loo lebbiso ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso. Oo isaga inta faras la fuushiiyo, jidka magaalada dhexdeeda ha la mariyo, oo hortiisa ha laga naadiyo, Ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso sidaasaa loo yeelaa.
10. Markaasaa boqorkii wuxuu Haamaan ku yidhi, Haddaba soo dhaqso, oo waxaad soo qaaddaa dharkii iyo faraskii aad sheegtay, oo wixii aad sheegtay oo dhan u samee Mordekay oo ah Yuhuudiga fadhiya boqorka iriddiisa; oo wixii aad sheegtay oo dhan yaan waxba ka dhinnaan.
11. Kolkaasaa Haamaan wuxuu soo qaaday dharkii iyo faraskii oo wuxuu u lebbisay Mordekay, oo isagoo faraskii fuushan ayuu mariyey jidka magaalada, oo wuxuu hortiisa ka naadiyey, Sidaasaa loo yeelaa ninkii boqorku ku farxo inuu maamuuso.
12. Haddaba Mordekay wuxuu mar kale ku soo noqday boqorka iriddiisii. Laakiinse Haamaan isagoo murugaysan oo hagoogan ayuu gurigiisii dhaqso u tegey.
13. Markaasaa Haamaan wuxuu naagtiisii Seresh iyo saaxiibbadiis oo dhan uga sheekeeyey wixii isaga ku dhacay oo dhan. Kolkaasaa raggiisii xigmadda lahaa iyo naagtiisii Seresh waxay ku yidhaahdeen, Mordekay oo aad bilowday inaad hortiisa ku dhacdo, hadduu yahay farcanka Yuhuudda, ka adkaan maysid, laakiinse hubaal hortiisaad ku dhici doontaa.
14. Oo weliba intay isagii la sii hadlayeen waxaa yimid boqorka midiidinnadiisii, oo u soo dhaqsaday inay haddiiba Haamaan keenaan martiqaadkii Esteer diyaarisay.
About ESTEER Chapter 6
Read ESTEER Chapter 6 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ESTEER in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: ESTEER
Chapter: 6
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading ESTEER. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading ESTEER Chapter 6 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is ESTEER Chapter 6?
ESTEER Chapter 6 is part of the Book of ESTEER in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete ESTEER Chapter 6 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from esteer
- ESTEER Chapter 4
- ESTEER Chapter 8
- ESTEER Chapter 2
- ESTEER Chapter 1
- ESTEER Chapter 3
- ESTEER Chapter 10
- ESTEER Chapter 7