Read SABUURRADII Chapter 48 Online
Read SABUURRADII Chapter 48 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SABUURRADII and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
SABUURRADII 48
Cutub 48
1. Rabbigu waa weyn yahay, waana in aad loogu ammaanaa Ilaaheenna magaaladiisa, iyo buurtiisa quduuska ah.
2. Waxaa dhererka ku quruxsan, oo farxad u ah dunida oo dhan Buur Siyoon oo dhanka woqooyi ah, Meeshaas oo ah magaalada Boqorka weyn.
3. Ilaah wuxuu daaraheeda dhaadheer isku muujiyey inuu magangal yahay.
4. Waayo, bal eeg, boqorradii way iswada urursadeen, Dhammaantood way wada dhaafeen.
5. Oo kolkay arkeen ayay yaabeen, Oo argaggexeen, markaasay haddiiba carareen.
6. Iyagii halkaasay ku gariireen, Wayna ku xanuunsadeen sida naag foolanaysa.
7. Doonniyaha Tarshiish waxaad ku jejebisaa Dabaysha bari.
8. Annagu sidaan maqalnay, ayaan ku dhex aragnay Magaalada Rabbiga ciidammada, taasoo ah magaalada Ilaaheenna, Ilaah ayaa weligeedba adkayn doona. (Selaah)
9. Ilaahow, raxmaddaada ayaan ka fikirnay Markaan macbudkaaga ku jirnay.
10. Ilaahow, sida magacaagu yahay Ayaa ammaantaaduna ku tahay dhulka darafyadiisa oo dhan, Gacantaada midigna waxaa ka buuxda xaqnimo.
11. Buur Siyoon ha faraxdo, Oo gabdhaha reer Yahuudah ha ku reyreeyeen xukummadaada daraaddood.
12. Siyoon hareeraheeda socda, oo ku soo wareega, Oo munaaradaheeda tiriya.
13. Bal aad ugu fiirsada qalcadaheeda, Oo ka fikira daaraheeda dhaadheer, Si aad ugu sheekaysaan farcanka soo socda.
14. Waayo, weligiis iyo weligiisba Ilaahan ayaa Ilaah inoo ah, Oo isagaa hoggaamiye inoo ahaan doona xataa tan iyo dhimashada.
About SABUURRADII Chapter 48
Read SABUURRADII Chapter 48 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: SABUURRADII
Chapter: 48
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SABUURRADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading SABUURRADII Chapter 48 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is SABUURRADII Chapter 48?
SABUURRADII Chapter 48 is part of the Book of SABUURRADII in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete SABUURRADII Chapter 48 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from Sabuurradii
- SABUURRADII Chapter 62
- SABUURRADII Chapter 73
- SABUURRADII Chapter 76
- SABUURRADII Chapter 40
- SABUURRADII Chapter 130
- SABUURRADII Chapter 149
- SABUURRADII Chapter 111