BAXNIINTII Chapter 11

For English

Read BAXNIINTII Chapter 11 Online

Read BAXNIINTII Chapter 11 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BAXNIINTII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of BAXNIINTII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

BAXNIINTII 11

Cutub 11

1. Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Weli belaayo kale ayaan Fircoon iyo Masar ku soo dejin doonaa; oo dabadeedna wuu idin sii dayn doonaa inaad halkan ka tagtaan, oo markuu idin sii daayo, giddigiin ayuu halkan idinka sii wada eryi doonaa.

2. Haddaba dadka dhegihiisa maqashii, oo nin waluba ha weyddiisto deriskiisa, naag walubana ha weyddiisato deriskeeda alaab lacag ah iyo alaab dahab ah.

3. Rabbiguna Masriyiintii ayuu dadkii raalli uga dhigay. Oo weliba ninkii Muuse ahaa wuxuu dalka Masar ku ahaa mid aad u weyn xagga Fircoon addoommadiisa iyo xagga dadkaba.

4. Muusena wuxuu yidhi, Waxaa Rabbigu leeyahay, Habeenbadhka baan dalka Masar ku dhex soconayaa,

5. oo curadyada dalka Masar jooga oo dhammu way wada dhiman doonaan, curadka Fircoon oo ku fadhiya carshigiisa, ilaa la gaadho curadka gabadha addoonta ah oo ka dambaysa dhagaxshiidka, iyo curadyada xoolaha oo dhan.

6. Oo waxaa dalka Masar oo dhan jiri doonta oohin weyn, taas oo kale aan hore loo arag, hadda kaddibna aan la arki doonin marnaba.

7. Laakiinse reer binu Israa'iil dad iyo duunyo toona xataa eeyna afka u kala qaadi maayo, si aad u ogaataan in Rabbigu kala duway Masriyiinta iyo reer binu Israa'iil.

8. Oo addoommadaadan oo dhammu anigay ii iman doonaan, oo anigay ii sujuudi doonaan, iyagoo leh, Iska bax, adiga iyo dadka kula socda oo dhammuba; oo markaas dabadeed ayaan bixi doonaa. Oo wuxuu Fircoon kaga tegey cadho aad u kulul.

9. Markaasaa Rabbigu wuxuu Muuse ku yidhi, Fircoon hadalkaaga dhegaysan maayo, inay cajaa'ibyadaydu dalka Masar ku sii bataan aawadeed.

10. Muuse iyo Haaruunna cajaa'ibyadan oo dhan waxay ku sameeyeen Fircoon hortiisa; Rabbiguna waa sii qallafiyey qalbigii Fircoon oo isna ma uusan sii dayn reer binu Israa'iil inay dalkiisa ka baxaan.

About BAXNIINTII Chapter 11

Read BAXNIINTII Chapter 11 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BAXNIINTII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: BAXNIINTII
Chapter: 11
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading BAXNIINTII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading BAXNIINTII Chapter 11 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is BAXNIINTII Chapter 11?

BAXNIINTII Chapter 11 is part of the Book of BAXNIINTII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete BAXNIINTII Chapter 11 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEXESQEEL Chapter 3
  2. YEREMYAAH Chapter 1
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 4
  5. YEXESQEEL Chapter 24
  6. YEXESQEEL Chapter 5
  7. YEXESQEEL Chapter 15

Explore More from Baxniintii

  1. BAXNIINTII Chapter 8
  2. BAXNIINTII Chapter 5
  3. BAXNIINTII Chapter 15
  4. BAXNIINTII Chapter 14
  5. BAXNIINTII Chapter 23
  6. BAXNIINTII Chapter 13
  7. BAXNIINTII Chapter 16

Related Chapters & Readings

  1. MAAHMAAHYADII Chapter 24
  2. BOQORRADII KOWA Chapter 13
  3. 1 YOOXANAA Chapter 1
  4. ROOMA Chapter 10
  5. MIIKAAH Chapter 6
  6. YEREMYAAH Chapter 37
  7. MATAYOS Chapter 7
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *