SABUURRADII Chapter 66

For English

Read SABUURRADII Chapter 66 Online

Read SABUURRADII Chapter 66 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SABUURRADII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

SABUURRADII 66

Cutub 66

1. Dadka dhulka oo dhammow, Ilaah farxad ugu qayliya,

2. Oo ammaanta magiciisa ku gabya, Ammaantiisana qurxiya.

3. Ilaah waxaad ku tidhaahdaan, Shuqulladaadu cabsi badanaa! Weynaanta xooggaaga aawadiis ayaa cadaawayaashaadu isugu kaa dhiibi doonaan.

4. Dadka dhulka oo dhammu adigay ku caabudi doonaan, Wayna kuu gabyi doonaan, Magacaagay u gabyi doonaan. (Selaah)

5. Bal kaalaya, oo arka shuqullada Ilaah, Xagga binu-aadmiga wuxuu ku sameeyey waa cabsi badan yihiin.

6. Wuxuu baddii ka dhigay dhul engegan, Oo iyagu webiga dhexdiisa waxay ku mareen lug, Oo halkaasaan isaga ku rayraynay.

7. Isagu weligiisba wuxuu ku taliyaa xooggiisa, Oo indhihiisuna waxay fiiriyaan quruumaha, Haddaba caasiyiintu yaanay kor isu qaadin. (Selaah)

8. Dadyahow, Ilaaheenna ammaana, Oo codka ammaantiisa ha la maqlo,

9. Kaasoo nafteenna nolol ku haya, Oo cagaheennana aan u oggolayn in la dhaqdhaqaajiyo.

10. Waayo, Ilaahow, adigu waad na imtixaantay, Oo waxaad noo tijaabisay sida lacagta loo tijaabiyo.

11. Waxaad na gelisay shabagga dabinka ah, Oo waxaad simaha naga saartay culaab weyn.

12. Dad baad madaxa naga saartay, Oo waxaannu dhex galnay dab iyo biyo, Laakiinse ugudambaysta waxaad na keentay meel barwaaqo ah.

13. Haddaba anigu gurigaaga waxaan la soo geli doonaa allabaryo la gubo, Oo waxaan kuu oofinayaa nidarradaydii

14. Bushimahaygu ay ku hadleen, Oo afkaygu sheegay markii aan dhibaataysnaa.

15. Oo waxaan allabaryo la gubo kuugu soo bixinayaa xoolo buurbuuran Iyo wanan iyo fooxood, Oo waxaan kuu soo bixin doonaa dibiyo iyo orgiyo. (Selaah)

16. Kulli intiinna Ilaah ka cabsataay, kaalaya oo maqla, Oo waxaan sheegayaa wuxuu naftayda u sameeyeye.

17. Isagaan afkayga ugu qayshaday, Oo waxaan ku ammaanay carrabkayga.

18. Haddaan dembi qalbigayga ku arkay, Sayidku ima uu maqleen,

19. Laakiinse sida runta ah Ilaah waa i maqlay, Oo codkii baryadaydana dhegtuu u dhigay.

20. Mahad waxaa leh Ilaaha Aan baryadayda diidin oo aan naxariistiisana gees iga marin.

About SABUURRADII Chapter 66

Read SABUURRADII Chapter 66 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: SABUURRADII
Chapter: 66
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SABUURRADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading SABUURRADII Chapter 66 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is SABUURRADII Chapter 66?

SABUURRADII Chapter 66 is part of the Book of SABUURRADII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete SABUURRADII Chapter 66 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 4
  4. YEXESQEEL Chapter 1
  5. YEXESQEEL Chapter 24
  6. YEXESQEEL Chapter 5
  7. YEXESQEEL Chapter 15

Explore More from Sabuurradii

  1. SABUURRADII Chapter 42
  2. SABUURRADII Chapter 12
  3. SABUURRADII Chapter 70
  4. SABUURRADII Chapter 63
  5. SABUURRADII Chapter 112
  6. SABUURRADII Chapter 79
  7. SABUURRADII Chapter 45

Related Chapters & Readings

  1. BOQORRADII LABA Chapter 6
  2. AYUUB Chapter 28
  3. MAAHMAAHYADII Chapter 19
  4. SABUURRADII Chapter 36
  5. TAARIIKHDII KOW Chapter 18
  6. SABUURRADII Chapter 9
  7. LAAWIYIINTII Chapter 6
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *