SHARCIGA KUNOQO Chapter 20

For English

Read SHARCIGA KUNOQO Chapter 20 Online

Read SHARCIGA KUNOQO Chapter 20 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SHARCIGA KUNOQO in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SHARCIGA KUNOQO and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

SHARCIGA KUNOQO 20

Cutub 20

1. Markaad dagaal ugu baxdaan cadaawayaashiinna, oo aad aragtaan fardo iyo gaadhifardood iyo dad idinka sii badan, waa inaydaan ka cabsan, waayo, waxaa idinla jira Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar.

2. Oo markaad dagaalka ku soo dhowaataan, wadaadku waa inuu dadka u soo dhowaadaa oo la hadlaa,

3. oo ha ku yidhaahdo, Reer binu Israa'iilow, maqla, maanta waxaad ku soo dhowaanaysaan dagaal aad cadaawayaashiinna kula diriraysaan, haddaba qalbigiinnu yuusan itaal darnaan, oo ha cabsanina, hana gariirina, iyagana ha ka baqina,

4. maxaa yeelay, Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa ah kan idinla socda inuu idiin dagaallamo oo cadaawayaashiinna idiinka hiiliyo si uu idiin badbaadiyo.

5. Oo saraakiishu dadka ha la hadleen oo ha ku yidhaahdeen, Ninkee baa guri cusub dhistay oo aan weli u ducaysan? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale u ducaystaaye.

6. Oo ninkee baa beer canab ah beertay oo aan weli midhihiisii ku isticmaalin? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale midhihiisa ku isticmaalaaye.

7. Oo ninkee bay naagu u doonan tahay, oo aan weli guursan? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo intuu dagaalka ku dhinto uu nin kale guursadaaye.

8. Oo saraakiishu weliba dadka ha la sii hadleen oo ha ku yidhaahdeen, Ninkee baa cabsanaya oo qalbigiisu itaal daranyahay? Kaasu ha tago oo gurigiisii ha ku noqdo, waaba intaasoo qalbiga walaalihiis uu u baqaa sida qalbigiisoo kale.

9. Oo markay saraakiishu dadka lahadliddiisa dhammeeyaan waa inay doortaan saraakiil ciidameed inay dadka madax u noqdaan.

10. Markaad magaalo ugu soo dhowaataan inaad la dirirtaan, waxaad u naadisaan war nabdeed.

11. Oo hadday jawaab nabdeed idin siiyaan oo ay albaabka idinka furaan, waa inay dadka magaaladaas dhexdeeda laga helo oo dhammu addoommo idiin noqdaan oo ay idiin wada adeegaan.

12. Oo hadday idinla nabdi waayaan, laakiinse ay doonayaan inay idinla diriraan, markaas waa inaad hareeraysaan,

13. oo markii Rabbiga Ilaahiinna ahu uu magaalada idiin soo gacangeliyo, dadkeeda labka ah oo dhan waa inaad seef ku wada laysaan,

14. laakiinse dumarka iyo dhallaanka iyo xoolaha iyo waxa magaalada ku jira oo dhan, xataa wax kasta oo laga dhacaba waa inaad booli ahaan u qaadataan, oo waa inaad cuntaan xoolihii aad cadaawayaashiinna ka dhacdeen oo Rabbiga Ilaahiinna ahu uu idin siiyey.

15. Oo sidaas waa inaad u wada gashaan magaalooyinka idinka fog oo aan ahayn magaalooyinka quruumahan.

16. Laakiinse magaalooyinka dadyowga Rabbiga Ilaahiinna ahu uu dhaxalka idiin siiyey waa inaydaan wax nool oo neefsada dhexdooda ku reebin,

17. illowse waa inaad dhammaantood u wada baabbi'isaan, kuwaasoo ah reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Kancaan, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuusba, siduu Rabbiga Ilaahiinna ahu idiinku amray,

18. si ayan idiin barin inaad samaysaan waxyaalahooda karaahiyada ah oo ay ilaahyadooda ku sameeyeen oo dhan, oo aydaan idinku saas ugu dembaabin Rabbiga Ilaahiinna ah.

19. Oo markaad wakhti dheer magaalo dagaal ku hareeraynaysaan si aad u qabsataan, waa inaydaan dhirteeda faas ku baabbi'in, waayo, wax baad ka cuni karaysaan, saas aawadeed waa inaydaan jarin. Waayo, bal geedka duurka ma nin baa oo aad saas darteed u weerartaan?

20. Waxaad keliyahoo baabbi'isaan oo jartaan dhirta aad garanaysaan inayan ahayn dhir la cuno, oo magaalada idinla dirirayso waa inaad hareeraheeda ka dhisataan dhufaysyo ilaa ay dhacdo.

About SHARCIGA KUNOQO Chapter 20

Read SHARCIGA KUNOQO Chapter 20 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SHARCIGA KUNOQO in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: SHARCIGA KUNOQO
Chapter: 20
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SHARCIGA KUNOQO. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading SHARCIGA KUNOQO Chapter 20 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is SHARCIGA KUNOQO Chapter 20?

SHARCIGA KUNOQO Chapter 20 is part of the Book of SHARCIGA KUNOQO in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete SHARCIGA KUNOQO Chapter 20 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Sharciga Kunoqo

  1. SHARCIGA KUNOQO Chapter 31
  2. SHARCIGA KUNOQO Chapter 30
  3. SHARCIGA KUNOQO Chapter 6
  4. SHARCIGA KUNOQO Chapter 29
  5. SHARCIGA KUNOQO Chapter 32
  6. SHARCIGA KUNOQO Chapter 21
  7. SHARCIGA KUNOQO Chapter 13

Related Chapters & Readings

  1. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 20
  2. MUUJINTII Chapter 16
  3. SABUURRADII Chapter 69
  4. XAAKINNADA Chapter 8
  5. SABUURRADII Chapter 142
  6. YEXESQEEL Chapter 45
  7. CIBRAANIYADA Chapter 2
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *