SABUURRADII Chapter 135

For English

Read SABUURRADII Chapter 135 Online

Read SABUURRADII Chapter 135 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SABUURRADII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

SABUURRADII 135

Cutub 135

1. Rabbiga ammaana. Ammaana magaca Rabbiga, Rabbiga addoommadiisow, isaga ammaana,

2. Kuwiinna guriga Rabbiga Iyo barxadaha guriga Ilaaheenna dhex taaganow.

3. Rabbiga ammaana, waayo, Rabbigu waa wanaagsan yahay, Magiciisa ammaan ugu gabya, waayo, wuu wacan yahay.

4. Waayo, Rabbigu reer Yacquub nafsaddiisuu u doortay, Hantidiisa gaarka ah ayuu u doortay reer binu Israa'iil.

5. Waayo, waan ogahay in Rabbigu weyn yahay, Iyo in Sayidkeennu ka wada sarreeyo ilaahyada oo dhan.

6. Rabbigu wax alla wixii uu jeclaystayba wuu ku sameeyey Samada iyo dhulka, iyo badaha iyo moolalka oo dhan dhexdooda.

7. Isagaa ka dhiga in dhulka darafyadiisa uumi ka soo kaco, Roobkana wuxuu u sameeyaa hillaac, Oo dabayshana isagaa khasnadihiisa ka soo saara.

8. Isagaa laayay curadyadii Masar, Kuwii dadka iyo kuwii duunyadaba.

9. Masaray, isagu wuxuu dhexdaada u soo diray calaamooyin iyo yaabab, Oo wax buu ku soo kor daayay Fircoon iyo addoommadiisii oo dhanba.

10. Wuxuuna laayay quruumo badan, Oo wuxuu dilay boqorro xoog badan, kuwaas oo ahaa

11. Siixon oo ahaa boqorkii reer Amor, Iyo Coog oo ahaa boqorkii Baashaan, Iyo boqortooyooyinkii reer Kancaan oo dhan,

12. Oo dalkoodiina dhaxal ahaan buu u bixiyey, Oo wuxuu dhaxal u siiyey dadkiisa reer binu Israa'iil.

13. Rabbiyow, magacaagu weligiisba wuu waaraa, Rabbiyow, xusuustaadu waxay gaadhaa qarni kasta.

14. Waayo, Rabbigu dadkiisuu u garsoori doonaa, Oo addoommadiisana wuu u naxariisan doonaa.

15. Sanamyada quruumuhu waa lacag iyo dahab, Oo waa wax ay dad gacmaha ku sameeyeen.

16. Afaf way leeyihiin, laakiinse ma hadlaan, Indhona way leeyihiin, laakiinse waxba ma arkaan,

17. Dhegona way leeyihiin, laakiinse waxba ma maqlaan, Oo afkoodana neefu kuma jirto.

18. Kuwa iyaga sameeyaana sidooda oo kale ayay noqon doonaan, Iyo xataa mid kasta oo iyaga isku halleeyaaba.

19. Reer binu Israa'iilow, Rabbiga ammaana, Reer Haaruunow, Rabbiga ammaana,

20. Reer Laawiyow, Rabbiga ammaana, Kuwiinna Rabbiga ka cabsadow, Rabbiga ammaana.

21. Rabbiga Yeruusaalem deggan ha laga ammaano Siyoon. Rabbiga ammaana.

About SABUURRADII Chapter 135

Read SABUURRADII Chapter 135 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: SABUURRADII
Chapter: 135
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SABUURRADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading SABUURRADII Chapter 135 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is SABUURRADII Chapter 135?

SABUURRADII Chapter 135 is part of the Book of SABUURRADII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete SABUURRADII Chapter 135 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEXESQEEL Chapter 3
  2. YEREMYAAH Chapter 1
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 24
  5. YEXESQEEL Chapter 5
  6. YEXESQEEL Chapter 4
  7. YEXESQEEL Chapter 15

Explore More from Sabuurradii

  1. SABUURRADII Chapter 100
  2. SABUURRADII Chapter 79
  3. SABUURRADII Chapter 117
  4. SABUURRADII Chapter 19
  5. SABUURRADII Chapter 66
  6. SABUURRADII Chapter 65
  7. SABUURRADII Chapter 128

Related Chapters & Readings

  1. SABUURRADII Chapter 129
  2. BOQORRADII LABA Chapter 15
  3. BOQORRADII KOWA Chapter 7
  4. SABUURRADII Chapter 97
  5. LUUKOS Chapter 6
  6. TAARIIKHDII KOW Chapter 23
  7. YEREMYAAH Chapter 3
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *