SABUURRADII Chapter 34

For English

Read SABUURRADII Chapter 34 Online

Read SABUURRADII Chapter 34 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SABUURRADII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

SABUURRADII 34

Cutub 34

1. Wakhti kasta ayaan Rabbiga ammaani doonaa, Oo had iyo goorba ammaantiisu afkaygay ku jiri doontaa.

2. Naftaydu waxay ku faani doontaa Rabbiga, Oo waxaa maqli doona kuwa camalka qabow, oo weliba way ku farxi doonaan.

3. Rabbiga ila weyneeya, Oo aynu magiciisa wada sarraysiinno.

4. Rabbigaan doondoonay, oo isna wuu ii jawaabay, Oo wuxuu iga samatabbixiyey waxyaalihii aan ka cabsaday oo dhan.

5. Iyagu waxay fiiriyeen isaga, oo way iftiimeen, Oo wejigooduna weligood ceeboobi maayo.

6. Ninkan miskiinka ahu wuu qayshaday, oo Rabbiguna wuu maqlay, Oo wuxuu ka badbaadshay dhibaatooyinkiisii oo dhan.

7. Malaa'igta Rabbigu waxay hareeraysaa kuwa isaga ka cabsada, Oo weliba way samatabbixisaa.

8. Bal dhadhamiya oo arka in Rabbigu wanaagsan yahay, Waxaa barakaysan ninkii isaga isku halleeya.

9. Kuwiinna quduusiintiisa ahow; Rabbiga ka cabsada, Waayo, kuwa isaga ka cabsadaa waxba uma baahna.

10. Aaranka libaaxa wax baa ka dhimman, wayna gaajoodaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax wanaagsan uma baahnaan doonaan.

11. Carruurtoy, kaalaya oo i dhegaysta, Oo anna waxaan idin bari doonaa Rabbiga ka cabsashadiisa.

12. Bal waa ayo ninka nolol jecel, Oo cimriga dheer doonayaa, Si uu wanaag u arko?

13. Carrabkaaga shar ka jooji, Bushimahaagana inay khiyaano ku hadlaan ka ilaali.

14. Shar ka leexo, oo wanaag samee, Nabad doondoon, oo raacdayso iyada.

15. Rabbiga indhihiisu waxay fiiriyaan kuwa xaqa ah, Oo dhegihiisuna waxay u furan yihiin baryadooda.

16. Wejiga Rabbigu waa ka gees kuwa sharka sameeya Inuu iyaga xusuustooda dhulka ka baabbi'iyo.

17. Kuwa xaqa ahu way qayshadeen, oo Rabbigaa maqlay, Oo wuxuu iyaga ka samatabbixiyey dhibaatooyinkoodii oo dhan.

18. Rabbigu waa u dhow yahay kuwa dembigooda ka caloolyaysan, Oo kuwa ruuxoodu qoomamaysan yahayna wuu badbaadiyaa.

19. Kan xaqa ah dhibaatooyinkiisu way tiro badan yihiin, Laakiinse Rabbigu waa ka samatabbixiyaa dhammaantoodba.

20. Isagu wuxuu dhawraa lafihiisa oo dhan, Oo middoodna ma jabna.

21. Xumaan baa dili doonta kuwa sharka leh, Oo kuwa neceb kan xaqa ahna waa la eedayn doonaa.

22. Rabbigu nafta addoommadiisa wuu soo furtaa, Oo kuwa isaga isku halleeya, midkoodna lama eedayn doono.

About SABUURRADII Chapter 34

Read SABUURRADII Chapter 34 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: SABUURRADII
Chapter: 34
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SABUURRADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading SABUURRADII Chapter 34 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is SABUURRADII Chapter 34?

SABUURRADII Chapter 34 is part of the Book of SABUURRADII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete SABUURRADII Chapter 34 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Sabuurradii

  1. SABUURRADII Chapter 70
  2. SABUURRADII Chapter 110
  3. SABUURRADII Chapter 54
  4. SABUURRADII Chapter 69
  5. SABUURRADII Chapter 83
  6. SABUURRADII Chapter 102
  7. SABUURRADII Chapter 12

Related Chapters & Readings

  1. BAROORASHADII Y Chapter 1
  2. MATAYOS Chapter 27
  3. ISHACYAAH Chapter 65
  4. ISHACYAAH Chapter 12
  5. TAARIIKHDII LAB Chapter 11
  6. YASHUUCA Chapter 4
  7. XAGGAY Chapter 2
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *