SABUURRADII Chapter 102

For English

Read SABUURRADII Chapter 102 Online

Read SABUURRADII Chapter 102 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SABUURRADII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

SABUURRADII 102

Cutub 102

1. Rabbiyow, baryootankayga maqal, Qayladayduna ha ku soo gaadho.

2. Wejigaaga ha iga qarin maalinta aan dhibaataysnahay, Dhegta ii dhig, Oo maalinta aan ku baryo, dhaqso iigu soo jawaab.

3. Waayo, maalmahaygu waxay u dhammaadaan sida qiiq oo kale, Oo lafahayguna waxay u gubtaan sida qori ololaya oo kale.

4. Wadnahayga wax baa lagu dhuftay, sida caws oo kalena wuu engegay, Waayo, waan iska illoobaa inaan kibistayda cuno.

5. Codkii taahiddayda daraaddiis Ayaa lafahaygu jidhkayga ku dhegaan.

6. Anigu waxaan la mid ahay haad cantalyaa ah oo cidlada joogta, Oo waxaan la mid noqday haad guumays ah oo lamadegaanka dhex joogta.

7. Waan soo jeedaa, oo waxaan noqday Sidii shimbir yar oo keligeed guri dhaladiis saaran.

8. Maalinta oo dhan cadaawayaashaydu way i caayaan, Oo kuwa ii cadhaysanuna magacaygay ku caytamaan.

9. Waayo, dambas baan u cunay sidii kibis oo kale, Oo cabniinkaygiina waxaan ku darsaday ilmadaydii.

10. Sababtuna waa dhirifkaagii iyo cadhadaadii aawadood, Waayo, kor baad ii qaadday, dabadeedna waad i xoortay.

11. Cimrigaygu waa sida hoos sii libdhaya, Oo waxaan u engegay sida caws oo kale.

12. Laakiinse Rabbiyow, adigu weligaaba waad sii jiri doontaa, Oo waa lagu sii xusuusan doonaa ka ab ka ab.

13. Waad sara joogsan doontaa, oo Siyoon baad u naxariisan doontaa, Waayo, waa wakhtiga iyada loo jixinjixo, haah, oo wakhtigii la ballamay waa yimid.

14. Waayo, addoommadaadu waxay u bogaan dhagaxyadeeda, Oo waxay u jixinjixaan ciiddeeda.

15. Haddaba quruumuhu waxay ka cabsan doonaan magaca Rabbiga, Boqorrada dunida oo dhammuna ammaantaada,

16. Waayo, Rabbigu wuxuu dhisay Siyoon, Oo wuxuu ka dhex muuqday ammaantiisii,

17. Wuxuu u fiirsaday kuwa dan daraysan tukashadoodii, Oo baryadoodiina ma uu quudhsan.

18. Tan waxaa loo qori doonaa farcanka soo socda, Oo dad la abuuri doono ayaa Rabbiga ammaani doona.

19. Waayo, isagu wuxuu wax ka soo fiiriyey meeshiisa sare oo quduuska ah, Rabbigu dhulkuu ka soo eegay samada,

20. Inuu maqlo taaha maxbuuska, Iyo inuu sii daayo kuwa dilka lagu xukumay,

21. Si dadku magaca Rabbiga uga sheego Siyoon dhexdeeda, Ammaantiisana Yeruusaalem dhexdeeda,

22. Markii dadyowgu isu soo wada ururaan, Iyo xataa boqortooyooyinkuba, inay Rabbiga u adeegaan aawadeed.

23. Isagu xooggayguu ku dhex dhimay jidka, Oo cimrigaygiina wuu gaabiyey.

24. Anigu waxaan idhi, Ilaahayow, ha i sii qaadin cimrigayga oo badh ah, Sannadahaagu waxay sii waaraan tan iyo ka ab ka ab.

25. Waa hore ayaad aasaaska dhulka dhigtay, Samooyinkuna waa shuqulkii gacmahaaga.

26. Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii waari doontaa, Haah, oo kulligood waxay u duugoobi doonaan sida dhar oo kale, Oo waxaad iyaga u beddeli doontaa sida maro oo kale, wayna beddelmi doonaan,

27. Laakiinse adigu isku si uun baad tahay had iyo goorba, Oo sannadahaaguna ma idlaan doonaan.

28. Carruurta addoommadaadu way sii jiri doonaan, Oo farcankooduna hortaaday ku xoogaysan doonaan.

About SABUURRADII Chapter 102

Read SABUURRADII Chapter 102 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SABUURRADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: SABUURRADII
Chapter: 102
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SABUURRADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading SABUURRADII Chapter 102 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is SABUURRADII Chapter 102?

SABUURRADII Chapter 102 is part of the Book of SABUURRADII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete SABUURRADII Chapter 102 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Sabuurradii

  1. SABUURRADII Chapter 82
  2. SABUURRADII Chapter 50
  3. SABUURRADII Chapter 73
  4. SABUURRADII Chapter 1
  5. SABUURRADII Chapter 75
  6. SABUURRADII Chapter 128
  7. SABUURRADII Chapter 30

Related Chapters & Readings

  1. SABUURRADII Chapter 49
  2. YOOXANAA Chapter 2
  3. SABUURRADII Chapter 1
  4. YEREMYAAH Chapter 16
  5. FALIMAHA RASUUL Chapter 16
  6. MUUJINTII Chapter 1
  7. 2 TESALONIIKA Chapter 2
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *