TAARIIKHDII LAB Chapter 8

For English

Read TAARIIKHDII LAB Chapter 8 Online

Read TAARIIKHDII LAB Chapter 8 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TAARIIKHDII LAB in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of TAARIIKHDII LAB and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

TAARIIKHDII LAB 8

Cutub 8

1. Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan guriga Rabbiga iyo gurigiisiiba dhisayay,

2. ayuu Sulaymaan dhisay magaalooyinkii Xuuraam isaga siiyey, oo wuxuu halkaas dejiyey reer binu Israa'iil.

3. Oo haddana Sulaymaan wuxuu tegey Xamad Soobaah, wuuna ka adkaaday.

4. Oo cidladiina ayuu Tadmor ka dhisay, oo weliba wuxuu Xamaad ka dhisay magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo dhan.

5. Oo weliba wuxuu kaloo dhisay Beytxooroontii sare iyo Beytxooroontii hooseba, wuxuuna ka dhigay magaalooyin deyr leh oo ay derbiyo ku wareegsan yihiin oo irdo iyo qataarroba leh,

6. iyo weliba Bacalad, iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray oo uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa oo dhan, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem, iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan.

7. Oo weliba dadkii ka hadhay reer Xeed, iyo reer Amor, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus oo aan reer binu Israa'iil ahayn,

8. kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay, oo aanay reer binu Israa'iil baabbi'in, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo.

9. Laakiinse reer binu Israa'iil Sulaymaan shuqulkiisii addoommo ugama uu dhigan, waxayse ahaayeen rag dagaalyahan ah iyo madaxdii saraakiishiisa, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa iyo fardooleydiisaba.

10. Oo kuwanu waxay ahaayeen saraakiishii Boqor Sulaymaan oo ahaa laba boqol iyo konton nin oo dadka u taliya.

11. Markaasaa Sulaymaan gabadhii Fircoon ka soo kaxeeyey magaaladii Daa'uud oo wuxuu keenay gurigii uu iyada u dhisay, waayo, wuxuu yidhi, Naagtaydu degganaan mayso gurigii Daa'uud oo ahaa boqorkii reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, meelihii sanduuqa Rabbigu yimid waa wada quduus.

12. Oo haddana Sulaymaan wuxuu Rabbiga qurbaanno la gubo ugu bixiyey meeshii allabariga ee Rabbiga oo uu isagu ka dhisay balbalada horteedii.

13. Wuxuu bixiyey wixii Muuse amray in la bixiyo maalin kasta, iyo Sabtiyada, iyo markay bilaha cusubu dhashaan, iyo iidaha sannaddiiba saddex jeer loo amray, kuwaasoo ahaa Iiddii Kibista-aan-khamiirka-lahayn, iyo Iiddii Toddobaadyada, iyo Iiddii Taambuugyada.

14. Oo kooxihii wadaaddadu ku adeegi jireen iyo kuwii reer Laawi shuqulkooda loo amray ku samayn jireenba wuxuu ka dhigay si waafaqsan amarkii aabbihiis Daa'uud inay Rabbiga ammaanaan oo ay wadaaddada hortooda ka adeegaan sidii maalin kasta hawsheedii loo doonayay, oo weliba iridjoogayaashii ayuu kooxahoodii irid kasta ku taagay, waayo, sidaas waxaa amray Daa'uud oo ahaa ninkii Ilaah.

15. Oo iyana kama ay tegin amarkii boqorku ku amray wadaaddada iyo reer Laawi oo ku saabsanaa xaal kasta iyo xaggii khasnadahaba.

16. Haddaba Sulaymaan shuqulkiisa oo dhammu diyaar buu u ahaa maalintii guriga Rabbiga aasaaskiisa la dhigay iyo ilaa maalintii la dhammeeyey. Oo sidaasaa guriga Rabbiga loo ebyey.

17. Markaasaa Sulaymaan wuxuu tegey xagga Cesyoon Geber iyo Eelood oo ku yaal xeebta badda ee dalka Edom.

18. Oo Xuuraamna wuxuu gacanta addoommadiisii ugu sii dhiibay doonniyo iyo addoommo badda aqoon u leh, oo iyagu waxay addoommadii Sulaymaan u soo raaceen Oofir, oo halkaasayna Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo konton talanti oo dahab ah.

About TAARIIKHDII LAB Chapter 8

Read TAARIIKHDII LAB Chapter 8 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TAARIIKHDII LAB in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: TAARIIKHDII LAB
Chapter: 8
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading TAARIIKHDII LAB. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading TAARIIKHDII LAB Chapter 8 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is TAARIIKHDII LAB Chapter 8?

TAARIIKHDII LAB Chapter 8 is part of the Book of TAARIIKHDII LAB in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete TAARIIKHDII LAB Chapter 8 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Taariikhdii Lab

  1. TAARIIKHDII LAB Chapter 5
  2. TAARIIKHDII LAB Chapter 16
  3. TAARIIKHDII LAB Chapter 32
  4. TAARIIKHDII LAB Chapter 14
  5. TAARIIKHDII LAB Chapter 29
  6. TAARIIKHDII LAB Chapter 2
  7. TAARIIKHDII LAB Chapter 6

Related Chapters & Readings

  1. YASHUUCA Chapter 10
  2. FALIMAHA RASUUL Chapter 6
  3. TAARIIKHDII KOW Chapter 11
  4. TIRINTII Chapter 23
  5. TAARIIKHDII LAB Chapter 21
  6. BOQORRADII KOWA Chapter 13
  7. SHARCIGA KUNOQO Chapter 34
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *