Read ISHACYAAH Chapter 61 Online
Read ISHACYAAH Chapter 61 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ISHACYAAH in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of ISHACYAAH and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
ISHACYAAH 61
Cutub 61
1. Ruuxii Sayidka Rabbiga ah ayaa i dul jooga, waayo, wuxuu Rabbigu ii subkay inaan war wanaagsan masaakiinta ku wacdiyo, wuxuuna ii soo diray inaan kuwa qalbiga jaban bogsiiyo, iyo inaan maxaabiista xornimada ogeysiiyo, kuwa xidhanna furriinnimada,
2. iyo inaan dadka ogeysiiyo sannadda qaabbilaadda ah ee Rabbiga iyo maalintii aarsashada Ilaahayaga, iyo inaan kuwa baroorta oo dhan u qalbi qaboojiyo,
3. iyo inaan kuwa Siyoon ku baroorta meeshii dambaska qurux madaxooda ka saaro, oo meeshii baroorashadana aan saliiddii farxadda ka siiyo, oo meeshii qalbijabna aan dharkii ammaanta ka siiyo, in iyaga lagu magacaabo geedihii xaqnimada iyo beeriddii Rabbiga, si uu isagu u ammaanmo.
4. Iyagu waxay dhisi doonaan burburkii hore, oo waxay kor u taagi doonaan wixii waa hore dumay, oo waxay cusboonayn doonaan magaalooyinkii burburay iyo wixii qarniyo badan baabba' ahaan jiray.
5. Oo shisheeyayaalna halkaasay joogi doonaan adhigiinnay daajin doonaan, oo kuwa qariibka ahuna waxay idiin noqon doonaan beerfalayaal iyo kuwa beercanabka ka shaqeeya.
6. Laakiinse idinka waxaa laydinku magacaabi doonaa wadaaddadii Rabbiga, oo dadku waxay idiinku yeedhi doonaan midiidinnadii Ilaahayaga. Waxaad cuni doontaan maalka quruumaha, oo sharaftooda ayaad ku faani doontaan.
7. Meeshii ceebtiinna sharaf labanlaab ah baad ka heli doontaan, oo meeshii qasmiddana waxay ku rayrayn doonaan qaybtooda, sidaas daraaddeed iyagu dalkooda qayb labanlaab ah bay ku hantiyi doonaan, oo waxaa iyaga u ahaan doonta farxad weligeed ah.
8. Waayo, anigoo Rabbiga ahu caddaalad baan jeclahay, waxdhicidda iyo xumaantase waan nebcahay. Si daacad ah ayaan iyaga ugu abaalgudi doonaa, oo waxaan la dhigan doonaa axdi weligiis ah.
9. Oo farcankoodana quruumahaa lagu dhex aqoon doonaa, oo carruurtoodana dadyowga dhexdoodaa lagu aqoon doonaa, oo wax alla wixii iyaga arka oo dhammuba way aqoonsan doonaan inay iyagu yihiin farcankii Rabbigu barakeeyey.
10. Si weyn baan Rabbiga ugu rayrayn doonaa, oo naftayduna Ilaahayga bay ku farxi doontaa, waayo, wuxuu ii xidhay dharkii badbaadada, oo wuxuu i huwiyey khamiiskii xaqnimada, sida aroos dharkiisa quruxdasan isku sharraxa iyo sida aroosad jowharadaheeda isku soo sharraxda.
11. Waayo, sida dhulku biqilkiisa u soo bixiyo, iyo sida beertu wixii lagu dhex abuuray u soo bixiso, ayaa Sayidka Rabbiga ahu ka dhigi doonaa in xaqnimo iyo ammaanu ay quruumaha oo dhan ka soo hor baxaan.
About ISHACYAAH Chapter 61
Read ISHACYAAH Chapter 61 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ISHACYAAH in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: ISHACYAAH
Chapter: 61
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading ISHACYAAH. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading ISHACYAAH Chapter 61 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is ISHACYAAH Chapter 61?
ISHACYAAH Chapter 61 is part of the Book of ISHACYAAH in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete ISHACYAAH Chapter 61 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 4
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 24
- YEXESQEEL Chapter 5
- YEXESQEEL Chapter 15
Explore More from Ishacyaah
- ISHACYAAH Chapter 43
- ISHACYAAH Chapter 13
- ISHACYAAH Chapter 32
- ISHACYAAH Chapter 57
- ISHACYAAH Chapter 17
- ISHACYAAH Chapter 12
- ISHACYAAH Chapter 5