Read MAAHMAAHYADII Chapter 25 Online
Read MAAHMAAHYADII Chapter 25 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MAAHMAAHYADII and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
MAAHMAAHYADII 25
Cutub 25
1. Oo weliba kuwanuna waa maahmaahyadii Sulaymaan, Oo boqorkii Yahuudah oo Xisqiyaah ahaa raggiisii ay soo guuriyeen.
2. Waa u ammaan Ilaah inuu xaal qariyo, Laakiinse waa u ammaan boqorrada inay xaal baadhaan.
3. Sida samadu u sarrayso, oo dhulkuna u gun dheer yahay, Ayaan qalbiga boqorrada loo baadhi karin.
4. Lacagta wasakhda ka qaad, Oo dabadeedna waxaa lacagshubaha uga soo bixi doona weel.
5. Boqorka hortiisa kuwa sharka leh ka fogee, Oo carshigiisuna xaqnimuu ku taagnaan doonaa.
6. Ha isweynweynayn boqorka hortiisa, Oo kuwa waaweyn meeshoodana ha istaagin.
7. Amiirkii aad indhahaaga ku aragtay Intii hortiisa lagu hoosaysiin lahaa, Waxaa kuu wanaagsan iyadoo lagu yidhaahdo, Halkan sare kaalay.
8. Dirir degdeg ha ugu bixin, Waaba intaasoo aad ugu dambaysta garan weydaa waxaad samayn lahayd, Markii uu deriskaagu ku ceebeeyey dabadeed.
9. Dacwadaada deriskaaga kala dood, Laakiinse mid kale xaalkiisa qarsoon ha sheegin,
10. Waaba intaas oo uu ku caayaa kii maqlaa, Oo aanay ceebtaadu kaa hadhin.
11. Hadalkii si hagaagsan loogu hadlaa Wuxuu la mid yahay tufaaxyo dahab ah oo lagu dhex sameeyey taswiiro lacag ah.
12. Kii caqli leh oo wax canaantaa wuxuu dhegta wax maqasha oo addeecda ula mid yahay Hilqado dahab ah iyo wax laysku sharraxo oo dahab saafiya ah.
13. Wargeeyihii aamin ahu wuxuu kuwii isaga soo diray ula mid yahay Qabowga barafka cad oo wakhtiga beergooyska, Waayo, isagu wuxuu qabowjiyaa nafta sayidyadiisa.
14. Ku alla kii hadiyad been ah isku faaniyaa Wuxuu la mid yahay daruuro iyo dabayl aan roob lahayn.
15. Waxaa xaakin wax lagu oggolaysiiyaa dulqaadasho badan, Carrab macaanuna laftuu jebiyaa.
16. Malab ma heshay? In kugu filan oo keliya ka cun, Waaba intaas oo intaad ka dheregto aad soo hunqaacdaaye.
17. Cagtaadu ha ku yaraato guriga deriskaaga, Waaba intaasoo uu kaa daalaa oo uu ku necbaadaaye.
18. Ninkii deriskiisa marag been ah ku furaa Waa sida budh iyo seef iyo fallaadh af badan oo kale.
19. In wakhtiga dhibaatada nin aaminlaawe ah laysku halleeyo Waa sida ilig jaban iyo cag murkacatay oo kale.
20. Kii qalbi murugaysan u gabyaa Waa sida mid maalin qabow huwiska iska qaada iyo sida khal soodhe lagu shubo oo kale.
21. Cadowgaagu hadduu gaajaysan yahay, wax uu cuno sii, Hadduu harraadsan yahayna waraabi,
22. Waayo, dhuxulo dab ah ayaad madaxiisa ku tuuli doontaa, Oo Rabbiguna waa kuu abaalgudi doonaa.
23. Dabaysha woqooyi roob bay keentaa, Sidaas oo kale carrabkii xan badanna weji cadhaysan buu keenaa.
24. In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.
25. Warkii wanaagsan oo dal fog ka yimaadaa Waa sida biyo qabow ay naf harraadsan u yihiin oo kale.
26. Ninkii xaq ah ee kii shar leh isu dhiibaa Waa sida durdur qasmay iyo sida il biyood oo wasakhowday oo kale.
27. In malab badan la cunaa ma wanaagsana, Sidaas oo kalena in ammaan la doondoontaa ammaan ma aha.
28. Kii aan ruuxiisa u talin karinu Waa sida magaalo duntay oo aan derbi lahayn oo kale.
About MAAHMAAHYADII Chapter 25
Read MAAHMAAHYADII Chapter 25 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: MAAHMAAHYADII
Chapter: 25
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MAAHMAAHYADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading MAAHMAAHYADII Chapter 25 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is MAAHMAAHYADII Chapter 25?
MAAHMAAHYADII Chapter 25 is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete MAAHMAAHYADII Chapter 25 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from maahmaahyadii
- MAAHMAAHYADII Chapter 29
- MAAHMAAHYADII Chapter 19
- MAAHMAAHYADII Chapter 27
- MAAHMAAHYADII Chapter 3
- MAAHMAAHYADII Chapter 30
- MAAHMAAHYADII Chapter 7
- MAAHMAAHYADII Chapter 6