Read MAAHMAAHYADII Chapter 13 Online
Read MAAHMAAHYADII Chapter 13 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MAAHMAAHYADII and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
MAAHMAAHYADII 13
Cutub 13
1. Wiilkii caqli lahu wuxuu maqlaa edbinta aabbihiis, Laakiinse kii wax quudhsadaa canaanta ma maqlo.
2. Nin wuxuu wax wanaagsan ku cuni doonaa midhaha afkiisa, Laakiinse khaayinnada naftoodu waxay cuni doontaa midhaha dulmiga.
3. Kii afkiisa dhawraa wuxuu dhawraa naftiisa, Laakiinse kii bushimihiisa aad u kala qaadaa wuu baabbi'i doonaa.
4. Kii caajis ah naftiisu wax bay damacdaa, mana hesho, Laakiinse nafta kii dadaala waa la barwaaqaysiin doonaa.
5. Ninkii xaq ahu beenta wuu neceb yahay, Laakiinse ninkii shar lahu waa karaahiyo, wuuna ceeboobaa.
6. Xaqnimadu kii jidkiisu qumman yahay ayay ilaalisaa, Laakiinse sharnimadu dembilaha ayay afgembidaa.
7. Waxaa jira nin hodan iska dhiga laakiinse aan waxba haysan, Oo waxaa jira mid miskiin iska dhiga laakiinse maal badan leh.
8. Nin wuxuu noloshiisa ku furtaa maalkiisa, Laakiinse miskiinku canaanta ma maqlo.
9. Iftiinka kuwa xaqa ahu weligii wuu reyreeyaa, Laakiinse laambadda kuwa sharka leh waa la bakhtiin doonaa.
10. Isqabasho oo keliya ayaa kibir ka timaada, Laakiinse kii waanada qaata waxaa la jirta xigmad.
11. Maalkii degdeg lagu helaa wuu dhinmi doonaa, Laakiinse kan hawl wax ku soo urursadaa waa sii korodhsan doonaa.
12. Rajadii raagtaa qalbigay bukaysiisaa, Laakiinse markii wixii la doonayay la helo waa geed nololeed.
13. Ku alla kii erayga quudhsadaa halligaad ayuu isu keenaa, Laakiinse kii amarka ka cabsada waa loo abaalgudi doonaa.
14. Ninkii caqli leh waxbariddiisu waa il nololeed, In dabinnada dhimashada laga leexdo.
15. Waxgarashadii wanaagsan raalli baa laga noqdaa, Laakiinse jidka khaayinnadu waa xun yahay.
16. Nin kasta oo miyir lahu aqoon buu ku shaqeeyaa, Laakiinse nacasku nacasnimuu fidiyaa.
17. Wargeeyihii shar lahu xumaan buu ku dhex dhacaa, Laakiinse ergadii aamin ahu waa caafimaad.
18. Caydhnimo iyo ceebba waxaa lahaan doona kii edbinta diida, Laakiinse kii canaanta maqla waa la murwayn doonaa.
19. Wixii la doonayay oo la gaadhay nafta way u macaan tahay, Laakiinse nacasyadu aad bay u karhaan inay sharka ka fogaadaan.
20. Kii kuwa caqliga leh la socdaa, caqli buu yeelan doonaa, Laakiinse kii nacasyada raacaa waa baabbi'i doonaa.
21. Dembilayaasha waxaa eryada shar, Laakiinse kuwa xaqa ah abaal wanaagsan baa loo gudi doonaa.
22. Ninkii wanaagsanu dhaxal buu uga tagaa carruurta carruurtiisa, Oo maalka dembilahana waxaa loo kaydiyaa kuwa xaqa ah.
23. Beerta masaakiinta waxaa ku taal cunto badan, Laakiinse gardarro aawadeed in baa loo baabbi'iyaa.
24. Kii ushiisa ceshadaa wiilkiisuu neceb yahay; Laakiinse kii wiilkiisa jecelu aad buu u edbiyaa.
25. Kan xaqa ahu wax buu cunaa ilaa naftiisu dheregto, Laakiinse caloosha kuwa sharka lahu way baahnaan doontaa.
About MAAHMAAHYADII Chapter 13
Read MAAHMAAHYADII Chapter 13 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: MAAHMAAHYADII
Chapter: 13
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MAAHMAAHYADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading MAAHMAAHYADII Chapter 13 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is MAAHMAAHYADII Chapter 13?
MAAHMAAHYADII Chapter 13 is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete MAAHMAAHYADII Chapter 13 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from maahmaahyadii
- MAAHMAAHYADII Chapter 24
- MAAHMAAHYADII Chapter 6
- MAAHMAAHYADII Chapter 27
- MAAHMAAHYADII Chapter 11
- MAAHMAAHYADII Chapter 26
- MAAHMAAHYADII Chapter 25
- MAAHMAAHYADII Chapter 18