MAAHMAAHYADII Chapter 3

For English

Read MAAHMAAHYADII Chapter 3 Online

Read MAAHMAAHYADII Chapter 3 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MAAHMAAHYADII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

MAAHMAAHYADII 3

Cutub 3

1. Wiilkaygiiyow, waxbariddayda ha illoobin, Laakiin qalbigaagu amarradayda ha hayo,

2. Waayo, iyagu waxay kuu kordhin doonaan Maalmo badan iyo cimri dheer iyo nabad.

3. Naxariista iyo runtu yaanay kaa tegin, Iyaga qoorta ku xidh, Oo looxa qalbigaaga ku qor,

4. Sidaasaad Ilaah iyo dadka hortooda Nicmo iyo sharaf uga heli doontaa.

5. Qalbigaaga dhammaantii Rabbiga ku aamin, Oo waxgarashadaadana ha isku hallayn.

6. Jidadkaaga oo dhan isaga ku qiro, Oo isna waddooyinkaaguu toosin doonaa.

7. Ha isla weynaan; Rabbiga ka cabso; oo sharka ka fogow.

8. Taasu waxay xundhurtaada u noqon doontaa caafimaad, Oo lafahaagana waxay u noqon doontaa dhuux.

9. Rabbiga ku murwee maalkaaga Iyo midhaha ugu horreeya waxa kuu kordha oo dhan;

10. Sidaasay maqsinnadaadu barwaaqo uga buuxsami doonaan, Macsarooyinkaaguna waxay la buuxdhaafi doonaan khamri cusub.

11. Wiilkaygiiyow, Rabbiga edbintiisa ha quudhsan, Oo canaantiisana ha ka daalin,

12. Waayo, Rabbigu ninkuu jecel yahay wuu canaantaa Sida aabbe u canaanto wiilkii uu ku faraxsan yahay.

13. Waxaa barakaysan ninkii xigmadda hela, Iyo ninkii waxgarashada mulkiya.

14. Waayo, baayacmushtarigeedu waa ka sii wanaagsan yahay baayacmushtariga lacagta, Oo faa'iidadeeduna waa ka sii wanaagsan tahay dahabka saafiga ah.

15. Way ka sii qaalisan tahay luulka, Oo waxaad jeclaan kartid oo dhanna iyada lalama simo.

16. Gacanteeda midig waxaa ku jira cimri dheeri; Gacanteeda bidixna waxaa ku jira hodonnimo iyo sharaf.

17. Jidadkeedu waa jidad farxadeed, Oo waddooyinkeeda oo dhammuna waa nabad.

18. Kuwii iyada qabsada waxay u tahay geed nololeed; Oo waxaa barakaysan ku alla kii iyada xajista.

19. Rabbigu wuxuu dhulka ku aasaasay xigmadda, Oo samooyinkana wuxuu ku dhisay waxgarashada.

20. Aqoontiisa ayaa moolalku ku dillaaceen, Oo cirkuna wuxuu soo daadiyaa sayax.

21. Wiilkaygiiyow, waxyaalahanu yaanay indhahaaga ka tegin. Xigmadda iyo digtoonaanta xajiso.

22. Sidaasay naftaada nolol ugu noqon doonaan, Qoortaadana nimco.

23. Markaasaad jidkaaga ammaan ku mari doontaa, Oo cagtaaduna ma turunturoon doonto.

24. Markaad jiifsatidna ma cabsan doontid; Haah, waad jiifsan doontaa, oo hurdadaaduna way kuu macaanaan doontaa.

25. Ha ka baqin cabsi kedis ah, Iyo baabbi'inta kuwa sharka leh toona markii ay timaado.

26. Waayo, Rabbigu wuxuu kuu ahaan doonaa Kan aad ku kalsoonaan karto. Oo cagtaadana wuu dhawri doonaa si aan loo qabsan.

27. Wanaag ha u diidin kuwa uu ku habboon yahay in loo sameeyo, Markaad awood u leedahay inaad u samayso.

28. Deriskaaga ha ku odhan, Tag oo soo noqo, Berri baan ku siin doonaaye, Haddii aad markaas haysid.

29. Deriskaaga innaba xumaan ha u fikirin, Maxaa yeelay, isagu nabadgelyo buu kuu ag fadhiyaa.

30. Ninna sababla'aan ha kula diririn, Haddaanu xumaan kugu samayn.

31. Ha ka hinaasin nin dadka dulmiya, Oo jidadkiisana midnaba ha dooran.

32. Maxaa yeelay, kuwa qalloocanu waa u karaahiyo Rabbiga, Laakiinse wuxuu sir la leeyahay kuwa qumman.

33. Rabbigu wuxuu inkaaraa guriga kii shar leh, Laakiinse rugta kuwa xaqa ah wuu barakeeyaa.

34. Hubaal kuwa wax quudhsada ayuu isagu quudhsadaa, Kuwa is-hoosaysiiyase nicmuu siiyaa.

35. Kuwa xigmadda leh waxay dhaxli doonaan sharaf, Laakiinse nacasyadu waxay u dallici doonaan ceeb.

About MAAHMAAHYADII Chapter 3

Read MAAHMAAHYADII Chapter 3 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: MAAHMAAHYADII
Chapter: 3
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MAAHMAAHYADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading MAAHMAAHYADII Chapter 3 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is MAAHMAAHYADII Chapter 3?

MAAHMAAHYADII Chapter 3 is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete MAAHMAAHYADII Chapter 3 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from maahmaahyadii

  1. MAAHMAAHYADII Chapter 9
  2. MAAHMAAHYADII Chapter 11
  3. MAAHMAAHYADII Chapter 7
  4. MAAHMAAHYADII Chapter 29
  5. MAAHMAAHYADII Chapter 22
  6. MAAHMAAHYADII Chapter 17
  7. MAAHMAAHYADII Chapter 4

Related Chapters & Readings

  1. BOQORRADII LABA Chapter 23
  2. NEXEMYAAH Chapter 7
  3. MUUJINTII Chapter 16
  4. MUUJINTII Chapter 14
  5. TIRINTII Chapter 15
  6. BAXNIINTII Chapter 36
  7. YEXESQEEL Chapter 7
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *