Read MAAHMAAHYADII Chapter 21 Online
Read MAAHMAAHYADII Chapter 21 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MAAHMAAHYADII and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
MAAHMAAHYADII 21
Cutub 21
1. Boqorka qalbigiisu wuxuu ku jiraa gacanta Rabbiga sida webiyada biyaha ah, Oo wuxuu u leexiyaa meel alla meeshuu doonayo.
2. Nin jidkiis waluba waa la qumman yahay isaga, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu miisaamaa.
3. Waxaa Rabbigu allabari ka sii jecel yahay In xaqnimo iyo gar la sameeyo.
4. Indho qab weyn iyo qalbi kibirsan, Kuwaas oo ah kuwa sharka leh laambaddoodu waa dembi.
5. Kuwa dadaala fikirradoodu waxay u geeyaan barwaaqo. Laakiinse ku alla kii degdeg badanu wuxuu u degdegaa inuu wax u baahdo oo keliya.
6. Khasnadihii carrab been badan lagu helaa waa sida ceeryaamo hor iyo dib loo kaxeeyey, Oo kuwa doondoontaana dhimashay doonaan.
7. Kuwa sharka leh dhacoodu iyaguu baabbi'in doonaa, Maxaa yeelay, iyagu waxay diidaan inay gar sameeyaan.
8. Ninkii eed badan qaba jidkiisu aad buu u qalloocan yahay, Laakiinse kii daahirsan shuqulkiisu waa hagaagsan yahay.
9. In guriga dushiisa dhinac laga joogo ayaa ka roon In guri weyn naag muran badan lala joogo.
10. Kii shar leh naftiisu xumaan bay doonaysaa, Oo deriskiisuna raallinimo kama helo hortiisa.
11. Markii mid wax quudhsada la taqsiiro, garaadlaawahu wuu caqliyaystaa, Oo kii caqli leh marka la edbiyona aqoon buu helaa.
12. Kii xaq ahu wuxuu ka fikiraa kii shar leh gurigiisa, Iyo sida kuwa sharka leh loogu afgembiyo sharnimadooda daraaddeed.
13. Kii dhegihiisa u fureeyaa si aanu qaylada miskiinka u maqlin, Isaga qudhiisuna wuu qaylin doonaa, laakiinse lama maqli doono.
14. Hadiyaddii qarsoodi lagu bixiyaa xanaaqay qabowjisaa, Oo laaluushkii laabta laysu geliyaana cadho kulul buu qabowjiyaa.
15. Kii xaq ahu inuu gar sameeyo waa u farxad, Laakiinse kuwa xumaanta ka shaqeeya waa u baabba'.
16. Ninkii jidka waxgarashada ka habaabaa Wuxuu la joogi doonaa ururka kuwii dhintay.
17. Kii raaxaysi jecelu miskiin buu ahaan doonaa, Oo kii khamri iyo saliid jeceluna taajir ma noqon doono.
18. Kii shar lahu wuxuu furasho u noqon doonaa kii xaq ah, Khaayinkuna wuxuu furasho u noqon doonaa kii qumman.
19. In lamadegaanka la joogo ayaa ka roon In naag muran iyo cadho badan lala joogo.
20. Khasnad qaali ah iyo saliid baa ku jira kan caqliga leh gurigiisa, Laakiinse nacasku wixiisa wuu wada liqaa.
21. Kii xaqnimo iyo naxariis raacaa Wuxuu helaa nolol iyo xaqnimo iyo sharaf.
22. Kii caqli lahu kor buu ugu baxaa magaalada kuwa xoogga badan derbigeeda, Oo weliba xoogga ay isku hallaynayaan oo dhan ayuu hoos u ridaa.
23. Ku alla kii afkiisa iyo carrabkiisa dhawraa Naftiisuu dhibaatooyin ka dhawraa.
24. Ninkii kibirsan ee qab weyn waxaa magiciisa la yidhaahdaa quudhsade, Oo wuxuu ku shaqeeyaa cadhada kibirka.
25. Ninkii caajis ah waxaa dila damaciisa, Waayo, gacmihiisu waxay diidaan inay hawshoodaan.
26. Waxaa jira kuwo maalinta oo dhan si hunguri weyn wax u damca, Laakiinse kii xaq ahu wax buu bixiyaa oo ma ceshado.
27. Ka sharka leh allabarigiisu waa karaahiyo, Oo markuu niyo xun ku bixiyona way ka sii daran tahay!
28. Markhaatifuraha beenta ahu waa baabbi'i doonaa, Laakiinse ninkii wax maqla hadalkiisu waa raagi doonaa.
29. Ninkii shar lahu wejigiisuu adkeeyaa, Laakiinse kii qummanu jidadkiisuu u fiirsadaa.
30. Ma jirto xigmad ama waxgarasho Ama talo Rabbiga ka gees ah.
31. Faraska waxaa loo diyaariyaa maalinta dagaalka, Laakiinse guusha waxaa leh Rabbiga.
About MAAHMAAHYADII Chapter 21
Read MAAHMAAHYADII Chapter 21 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: MAAHMAAHYADII
Chapter: 21
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MAAHMAAHYADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading MAAHMAAHYADII Chapter 21 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is MAAHMAAHYADII Chapter 21?
MAAHMAAHYADII Chapter 21 is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete MAAHMAAHYADII Chapter 21 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from maahmaahyadii
- MAAHMAAHYADII Chapter 31
- MAAHMAAHYADII Chapter 2
- MAAHMAAHYADII Chapter 28
- MAAHMAAHYADII Chapter 17
- MAAHMAAHYADII Chapter 9
- MAAHMAAHYADII Chapter 1
- MAAHMAAHYADII Chapter 5