CIBRAANIYADA Chapter 4

For English

Read CIBRAANIYADA Chapter 4 Online

Read CIBRAANIYADA Chapter 4 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of CIBRAANIYADA in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of CIBRAANIYADA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

CIBRAANIYADA 4

Cutub 4

1. Sidaas daraaddeed aynu cabsanno, inta ballan nasashadiisa lagu gelayaa jiro, inaan midkiinna u ekaan mid gaadhi waayay.

2. Waayo, innagana war wanaagsan baa laynagu wacdiyey sidooda oo kale, laakiin hadalkay maqleen waxba uma uu tarin iyaga, maxaa yeelay, kuwii maqlay rumaysad kuma ay darin.

3. Waayo, kuweenna rumaystay, nasashadaas waynu galnaa, siduu u yidhi, Sidaas daraaddeed anigoo cadhaysan ayaan waxaan ku dhaartay, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan, in kastoo ay shuqulladii ka dhammaadeen aasaaska dunida.

4. Waayo, isagu meel buu maalintii toddobaad sidan ka yidhi, Maalintii toddobaad Ilaah baa shuqulladiisii oo dhan ka nastay.

5. Meeshatanna mar kale wuxuu yidhi, Iyagu nasashadayda ma geli doonaan.

6. Haddaba waxaa hadhay qaar gelaya, oo kuwii kolkii hore warkii wanaagsanaa lagu wacdiyey way geli waayeen caasinimo aawadeed.

7. Taas daraaddeed haddana mar kale maalintoo buu gooni u dhigay, isagoo wakhti dheer dabadeed qorniinka Daa'uud ku leh, Maanta, sidii kolkii hore la yidhi, Maanta haddaad codkiisa maqashaan, Qalbiyadiinna ha adkaynina.

8. Waayo, haddii Yashuuca iyagii nasiyey, Ilaah markaas dabadeed kama uu hadleen maalin kale.

9. Sidaas daraaddeed waxaa dadka Ilaah u hadha nasasho.

10. Waayo, kii nasashadiisa galay, isaga qudhiisuna waa ka nastay shuqulladiisii sidii Ilaah kuwiisii uga nastay.

11. Haddaba aynu u dadaalno inaynu nasashadaas galno inaan ninna caasinimadaas oo kale ku dhicin.

12. Waayo, hadalka Ilaah wuu nool yahay, waana shaqeeyaa, oo waa ka af badan yahay seef kasta oo laba af leh, isagoo ka dhex dusaya ilaa kala soocniinta nafta iyo ruuxa, iyo xubnaha iyo dhuuxaba, waana kala gartaa fikirrada iyo waxyaalaha qalbiga ku jira.

13. Oo uun aan hortiisa ka muuqani ma jiro, laakiin wax waliba way qaawan yihiin oo bannaan yihiin indhihiisa hortooda, kan aynu ku tirsan nahay.

14. Haddaba innagoo leh wadaad sare oo weyn, kan samooyinka sii dhex maray, kaas oo ah Ciisoo Wiilka Ilaah ah, aynu qirashadeenna xajinno.

15. Waayo, ma aynu lihin wadaad sare oo aan itaaldarradeenna ka nixi karin, laakiin waxaynu leennahay mid si walba loo jirrabay sideenna oo kale, oo aan weliba dembi lahayn.

16. Haddaba aynu carshiga nimcada dhiirranaan ugu soo dhowaanno si aynu naxariis u qaadanno oo aynu u helno nimco ina caawisa wakhtiga baahida.

About CIBRAANIYADA Chapter 4

Read CIBRAANIYADA Chapter 4 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of CIBRAANIYADA in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: CIBRAANIYADA
Chapter: 4
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading CIBRAANIYADA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading CIBRAANIYADA Chapter 4 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is CIBRAANIYADA Chapter 4?

CIBRAANIYADA Chapter 4 is part of the Book of CIBRAANIYADA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete CIBRAANIYADA Chapter 4 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdiga Cusub

  1. MARKOS Chapter 5
  2. MARKOS Chapter 1
  3. MARKOS Chapter 2
  4. MARKOS Chapter 10
  5. MARKOS Chapter 4
  6. MARKOS Chapter 12
  7. MARKOS Chapter 11

Explore More from cibraaniyada

  1. CIBRAANIYADA Chapter 10
  2. CIBRAANIYADA Chapter 11
  3. CIBRAANIYADA Chapter 1
  4. CIBRAANIYADA Chapter 7
  5. CIBRAANIYADA Chapter 12
  6. CIBRAANIYADA Chapter 2
  7. CIBRAANIYADA Chapter 9

Related Chapters & Readings

  1. SABUURRADII Chapter 75
  2. ISHACYAAH Chapter 64
  3. WACDIYAHII Chapter 7
  4. SABUURRADII Chapter 84
  5. YOO’EEL Chapter 3
  6. BOQORRADII KOWA Chapter 22
  7. YEXESQEEL Chapter 32
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *