MAAHMAAHYADII Chapter 26

For English

Read MAAHMAAHYADII Chapter 26 Online

Read MAAHMAAHYADII Chapter 26 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MAAHMAAHYADII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

MAAHMAAHYADII 26

Cutub 26

1. Sida wakhtiga kulul aan baraf cad ugu habboonayn, oo wakhtiga beergooyska aan roob ugu habboonayn, Ayaan sharaf nacas ugu habboonayn.

2. Sida shimbir iska wareegaysa iyo sida dabafallaadh iska duulaysa, Ayaan habaarkii sababla'aan ahu cidna ugu dhacayn.

3. Jeedal faras buu ku habboon yahay, dacayna dameer, Ulina dhabarka nacaska.

4. Nacas ha ugu jawaabin sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo aad sidiisa oo kale noqotaaye.

5. Nacas ugu jawaab sida nacasnimadiisu tahay, Waaba intaasoo uu isla caqli weynaadaaye.

6. Kii nacas gacantiis farriin u sii dhiibaa Cagahuu iska gooyaa oo khasaaruu cabbaa.

7. Sida lugaha curyaanku u laalaadaan Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

8. Kii nacas sharaf siiyaa Wuxuu la mid yahay mid wadhaf dhagax ku xidha oo kale.

9. Sida qodaxdu u dhex gasho sakhraan gacantiis, Ayuu masaalkuna u yahay afka nacasyada.

10. Kii nacaska ama kuwa jidka maraya kiraystaa Waa sida qaansoole dadka oo dhan dhaawaca oo kale.

11. Nacas nacasnimadiisa ku noqnoqdaa Waa sida eey mantaggiisa ku noqnoqda oo kale.

12. Nin isla caqli weyn ma aragtay? Waxaa isaga ka rajo roon nacas.

13. Ninkii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa waddada jooga; Libaax baa jidka taagan.

14. Sida albaabku birihiisa ugu noqnoqdo, Ayaa kii caajis ahuna sariirtiisa isugu rogrogaa.

15. Kii caajis ahu wuxuu gacantiisa geliyaa xeedhadiisa, Oo inuu afkiisa ku soo celiyona waa ku dhib isaga.

16. Kii caajis ahu waa iskala caqli badan yahay Toddoba nin oo xigmad ku jawaabi karta.

17. Kii isagoo jidka iska maraya isku dhex dara dirir aanu waxba ku lahayn, Wuxuu la mid yahay mid eey dhegaha qabta oo kale.

18. Sida nin waalan oo rida dab, Iyo fallaadho, iyo dhimasho,

19. Ayuu yahay kii intuu deriskiisa khiyaaneeyo, Haddana yidhaahda, Miyaanan cayaarayn?

20. Xaabola'aanta dabku waa bakhtiyaa, Oo meeshii aan mid xan badanu jooginna muranku waa ka joogsadaa.

21. Sida dhuxuli raran u sii shiddo, qoryona dab u sii belbeliyaan, Ayuu ninkii muran badanuna dirir u sii kiciyaa.

22. Kii xan badan erayadiisu waa sida cunto macaan, Oo waxay ku degaan meelaha caloosha ugu hooseeya.

23. Bushimihii macaan iyo qalbigii shar lehba Waxay la mid yihiin weel dhoobo ah oo lagu dahaadhay lacag wasakhdeed.

24. Kii wax necebu bushimihiisuu isku yeelyeelaa, Laakiinse uurkiisuu khiyaano ku kaydsadaa.

25. Markuu si wacan u hadlo ha rumaysan, Waayo, waxaa qalbigiisa ku jira toddoba karaahiyo.

26. In kastoo nacaybkiisu khiyaano isku daboolo, Xumaantiisa ayaa shirka lagu hor muujin doonaa.

27. Ku alla kii bohol qodaaba isagaa ku dhex dhici doona, Oo kii dhagax giringiriyana, isaguu ku soo rogman doonaa.

28. Carrabkii been sheega wuxuu neceb yahay kuwuu dhaawacay, Oo afkii wax faaniyaana wuxuu ka shaqeeyaa baabba'.

About MAAHMAAHYADII Chapter 26

Read MAAHMAAHYADII Chapter 26 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: MAAHMAAHYADII
Chapter: 26
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MAAHMAAHYADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading MAAHMAAHYADII Chapter 26 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is MAAHMAAHYADII Chapter 26?

MAAHMAAHYADII Chapter 26 is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete MAAHMAAHYADII Chapter 26 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from maahmaahyadii

  1. MAAHMAAHYADII Chapter 25
  2. MAAHMAAHYADII Chapter 16
  3. MAAHMAAHYADII Chapter 31
  4. MAAHMAAHYADII Chapter 13
  5. MAAHMAAHYADII Chapter 15
  6. MAAHMAAHYADII Chapter 3
  7. MAAHMAAHYADII Chapter 2

Related Chapters & Readings

  1. GABAYGII SULAYM Chapter 5
  2. AYUUB Chapter 8
  3. YOOXANAA Chapter 9
  4. BAXNIINTII Chapter 1
  5. SABUURRADII Chapter 18
  6. SABUURRADII Chapter 44
  7. BILOWGII Chapter 37
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *