Read MAAHMAAHYADII Chapter 20 Online
Read MAAHMAAHYADII Chapter 20 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MAAHMAAHYADII and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
MAAHMAAHYADII 20
Cutub 20
1. Khamri waa dadquudhsade, waxa lagu sakhraamona waa qaylokiciye, Oo ku alla kii ku qaldamaana caqli ma laha.
2. Boqorka cabsigeliddiisu waa sida libaaxa cidiisa, Oo ku alla kii ka xanaajiyaa, naftiisuu ku dembaabaa.
3. Nin inuu dirir ka joogsado waa u sharaf, Laakiinse nacas waluba wuu ilaaqtamaa.
4. Kii caajis ahu qabowga aawadiis beer ma jeexo, Oo sidaas daraaddeed wakhtiga beergooyska wuu baryootami doonaa, oo waxba ma heli doono.
5. Talada dadka qalbigiisa ku jirtaa waa sida biyo gun dheer, Laakiinse ninkii garasho leh ayaa ka soo dhaansan doona.
6. Dadka intooda badanu waxay naadiyaan raxmaddooda, Laakiinse nin aamin ah bal yaa heli kara?
7. Ninka xaqa ah oo daacadnimadiisa ku socda, Carruurtiisu way barakaysnaadaan isaga dabadiis.
8. Boqorkii carshiga garsooridda ku fadhiyaa Indhihiisuu sharka oo dhan ku kala firdhiyaa.
9. Bal yaa odhan kara, Qalbigayga waan nadiifiyey, Oo dembigayga waan ka daahirsanahay?
10. Miisaanno kala cayn ah iyo qiyaaso kala cayn ah, Labaduba Rabbiga waa u karaahiyo.
11. Xataa ilmo yar waxaa lagu yaqaan falimihiisa, Inuu shuqulkiisu daahir yahay iyo inuu hagaagsan yahayba.
12. Dhegta wax maqasha iyo isha wax aragtaba, Labadaba Rabbigaa sameeyey.
13. Hurdo ha jeclaan, waaba intaas oo aad caydhowdaaye. Indhaha kala qaad, oo cuntaad ka dhergi doontaa.
14. Kan wax iibsadaa wuxuu yidhaahdaa, Waa xun yahay, waa xun yahay, Laakiinse markuu tago ayuu faanaa.
15. Waxaa jira dahab iyo luul badan, Laakiinse bushimihii aqoon lahu waa jawharad qaali ah.
16. Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo markuu shisheeyayaal dammiinto, isaga rahmad ahaan u hay.
17. Cuntadii khiyaano lagu helaa dadka way u macaan tahay, Laakiinse dabadeed afkiisa waxaa ka buuxsami doona quruurux.
18. Qasdi kasta waxaa lagu taagaa talo, Oo waano wanaagsan ku dagaallan.
19. Kii sida mid xan badan u warwareegaa wuxuu daaha ka qaadaa waxyaalo qarsoon, Haddaba sidaas daraaddeed kii bushimihiisa kala qaada ha ku darsamin.
20. Kii aabbihiis ama hooyadiis caaya, Laambaddiisa waxaa lagu bakhtiin doonaa gudcur dam ah.
21. Dhaxalkii markii hore degdeg lagu helay, Ugu dambaysta ma barakoobi doono.
22. Ha odhan, Shar baan ka abaalgudayaa. Rabbiga sug, oo isna wuu ku badbaadin doonaa.
23. Miisaanno kala cayn ahu Rabbiga waa u karaahiyo, Oo kafaddii khiyaano ahuna ma wanaagsana.
24. Nin socodkiisu waa xagga Rabbiga, Haddaba sidaas daraaddeed dad sidee buu jidkiisa u garan karaa?
25. Waa u dabin nin inuu nacasnimo ku yidhaahdo, Waa quduus, Oo uu dabadeed u nidraa inuu wax weyddiiyo.
26. Boqorkii caqli lahu kuwa sharka leh wuu hufaa, Oo wuxuu dushooda marsiiyaa giringirta.
27. Dadka ruuxiisu waa laambaddii Rabbiga, Oo wuxuu baadhaa caloosha meelaha ugu hooseeya oo dhan.
28. Naxariista iyo runtu boqorkay ilaaliyaan, Oo carshigiisuna wuxuu ku taagnaadaa naxariis.
29. Dhallinyarada xooggoodu waa ammaantooda, Oo cirrada odayaashuna waa quruxdooda.
30. Garaaciddii nabro yeeshaa waxay dadka ka nadiifisaa sharka, Oo dilidda karbaashkuna sidaas oo kalay u gashaa caloosha meelaha ugu hooseeya.
About MAAHMAAHYADII Chapter 20
Read MAAHMAAHYADII Chapter 20 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: MAAHMAAHYADII
Chapter: 20
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MAAHMAAHYADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading MAAHMAAHYADII Chapter 20 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is MAAHMAAHYADII Chapter 20?
MAAHMAAHYADII Chapter 20 is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete MAAHMAAHYADII Chapter 20 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from maahmaahyadii
- MAAHMAAHYADII Chapter 27
- MAAHMAAHYADII Chapter 25
- MAAHMAAHYADII Chapter 10
- MAAHMAAHYADII Chapter 14
- MAAHMAAHYADII Chapter 28
- MAAHMAAHYADII Chapter 30
- MAAHMAAHYADII Chapter 5