Read MAAHMAAHYADII Chapter 23 Online
Read MAAHMAAHYADII Chapter 23 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MAAHMAAHYADII and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
MAAHMAAHYADII 23
Cutub 23
1. Markaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid, Aad uga fiirso waxa hortaada yaal,
2. Oo mindi cunaha iska saar Haddaad tahay nin hunguri weyn.
3. Cuntadiisa macaan ha damcin, Waayo, waa cunto khiyaaneed.
4. Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso.
5. Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale.
6. Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin, Cuntadiisa macaanna ha damcin,
7. Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro.
8. Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa, Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan.
9. Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa.
10. Soohdintii hore ha durkin, Beeraha agoommadana ha dhex gelin,
11. Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay; Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona.
12. Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta.
13. Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono.
14. Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She'ool ka samatabbixin doontaa.
15. Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa.
16. Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan.
17. Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso.
18. Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go'i doonto.
19. Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi.
20. Ha dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna,
21. Waayo, kii sakhraan ah iyo kii hunguri weynuba way caydhoobi doonaan, Oo lulona nin calal bay u xidhi doontaa.
22. Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo.
23. Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada.
24. Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa.
25. Aabbahaa iyo hooyadaaba ha farxeen, Oo tii ku dhashayna ha rayrayso.
26. Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen.
27. Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah.
28. Sida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada.
29. Bal yaa hoog leh? Oo yaa caloolxumo leh? Oo yaa murammo leh? Oo yaa calaacal badan leh? Oo yaa u dhaawacan sababla'aan? Oo yaa indho casaan ah leh?
30. Waa kuwa wakhti dheer ku raaga khamriga, Waana kuwa u taga inay doondoontaan khamri laysku daray.
31. Ha fiirin khamrigu markuu casaado, Markuu koobka ka dhex dhalaalo, Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba.
32. Ugu dambaysta wuxuu wax u qaniinaa sida abeesada, Oo sida jilbiskana wax buu u qaniinaa.
33. Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan.
34. Oo waxaad ahaan doontaa sida kan badda dhexdeeda jiifsada, Ama sida ka dakhalka dhaladiisa sare seexda.
35. Waxaad odhan doontaa, Wax bay igu dhufteen, laakiin waxba ima yeelin. Way i garaaceen, iskamana aanan garan; Bal goormaan toosi doonaa? Weli mar kalaan doonan doonaa.
About MAAHMAAHYADII Chapter 23
Read MAAHMAAHYADII Chapter 23 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: MAAHMAAHYADII
Chapter: 23
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MAAHMAAHYADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading MAAHMAAHYADII Chapter 23 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is MAAHMAAHYADII Chapter 23?
MAAHMAAHYADII Chapter 23 is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete MAAHMAAHYADII Chapter 23 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from maahmaahyadii
- MAAHMAAHYADII Chapter 11
- MAAHMAAHYADII Chapter 26
- MAAHMAAHYADII Chapter 31
- MAAHMAAHYADII Chapter 25
- MAAHMAAHYADII Chapter 21
- MAAHMAAHYADII Chapter 24
- MAAHMAAHYADII Chapter 20