Read MAAHMAAHYADII Chapter 28 Online
Read MAAHMAAHYADII Chapter 28 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MAAHMAAHYADII and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
MAAHMAAHYADII 28
Cutub 28
1. Kuwa sharka lahu waxay cararaan iyadoo aan ciduna eryanayn, Laakiinse kuwa xaqa ahu waxay u dhiirran yihiin sida libaax oo kale.
2. Waddan xadgudubkiisa aawadiis amiirradu way badan yihiin, Laakiinse ninkii waxgarasho iyo aqoon leh dowladdiisu way sii raagtaa.
3. Miskiin masaakiinta dulmaa Waa sida roob dhulka xaadha oo aan cunto ka tegin.
4. Kuwa sharciga ka tagaa waxay ammaanaan kuwa sharka leh, Laakiinse kuwa sharciga dhawra ayaa iyaga la dirira.
5. Nimanka sharka lahu garsooridda ma gartaan, Laakiinse kuwa Rabbiga doondoonaa wax walbay gartaan.
6. Kii jidad qalloocan ku socda, in kastoo uu taajir yahay, Waxaa ka roon miskiinka daacadnimadiisa ku socda.
7. Ku alla kii sharciga dhawraa waa wiil caqli leh, Laakiinse kii raaca kuwa cirta weyn, aabbihiisuu ceebeeyaa.
8. Kii korsaar iyo ribo maalkiisa ku korodhsadaa, Wuxuu u ururin doonaa mid masaakiinta u naxariista.
9. Kii dhegtiisa ka leexiya inuu sharciga maqlo, Xataa baryootankiisu waa karaahiyo.
10. Ku alla kii kuwa xaqa ah jid shar ah ku ambiyaa, Isagaa ku dhici doona godkiisa, Laakiinse kuwa qummanu wax wanaagsan bay dhaxli doonaan.
11. Taajirku waa isla caqli weyn yahay, Laakiinse miskiinka waxgarashada leh ayaa isaga kashifa.
12. Kuwa xaqa ahu markay guulaystaan, waxaa jirta ammaan weyn, Laakiinse markii kuwa sharka lahu sara kacaan dadku waa dhuuntaa.
13. Kii xadgudubyadiisa qariyaa ma liibaani doono, Laakiinse kii qirta oo haddana ka tagaa, naxariis buu heli doonaa.
14. Ninkii mar kasta cabsadaa waa barakaysan yahay, Laakiinse kii qalbigiisa sii adkeeyaa masiibuu ku dhici doonaa.
15. Taliyihii shar lahu wuxuu dadka masaakiintaa ku yahay Sida libaax ciyaya iyo sida orso weerar ah oo kale.
16. Amiirkii garaaddaranu waa nin dulun weyn, Laakiinse kii neceb faa'iidada xaqdarrada ah cimrigiisuu dheerayn doonaa.
17. Ninkii nin dhiiggiis qabaa Wuxuu u carari doonaa godka, oo ninna yaanu ka joojin.
18. Ku alla kii si qumman u socda waa la samatabbixin doonaa, Laakiinse kii si qalloocan laba jid ugu socdaa haddiiba wuu dhici doonaa.
19. Kii dhulkiisa beertaa, cunto badan buu ka dhergi doonaa, Laakiinse kii waxmatarayaal raacaa wuxuu ka dhergi doonaa caydhnimo.
20. Ninkii aamin ahu aad buu u barakoobi doonaa, Laakiinse kii taajirnimo ku degdegaa ma taqsiir la'aan doono.
21. Ma wanaagsana in dadka loo kala eexdo, Iyo inuu nin xabbad kibis ah u xadgudbo toona.
22. Kii taajirnimo ku degdegaa waa qumay, Mana oga inuu caydhoobi doono.
23. Kii nin canaantaa wuxuu marka dambe heli doonaa Raallinimo ka badan kan carrabka ku faaniya.
24. Kii aabbihiis ama hooyadiis wax ka dhaca oo haddana yidhaahda, Taasu xadgudub ma aha, Wuxuu saaxiib la yahay kii wax dumiya.
25. Kii hunguri weynu muran buu kiciyaa, Laakiinse kii Rabbiga isku halleeya waa la barwaaqaysiin doonaa.
26. Kii qalbigiisa isku halleeyaa waa nacas, Laakiinse ku alla kii si caqli ah u socda waa la samatabbixin doonaa.
27. Kii miskiinka wax siiyaa ma baahan doono, Laakiinse kii indhaha ka qarsada aad baa loo habaari doonaa.
28. Markii kuwa sharka lahu kacaan dadku waa dhuuntaa, Laakiinse markay halligmaan, kuwa xaqa ahu way sii kordhaan.
About MAAHMAAHYADII Chapter 28
Read MAAHMAAHYADII Chapter 28 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: MAAHMAAHYADII
Chapter: 28
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MAAHMAAHYADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading MAAHMAAHYADII Chapter 28 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is MAAHMAAHYADII Chapter 28?
MAAHMAAHYADII Chapter 28 is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete MAAHMAAHYADII Chapter 28 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from maahmaahyadii
- MAAHMAAHYADII Chapter 30
- MAAHMAAHYADII Chapter 17
- MAAHMAAHYADII Chapter 1
- MAAHMAAHYADII Chapter 5
- MAAHMAAHYADII Chapter 15
- MAAHMAAHYADII Chapter 11
- MAAHMAAHYADII Chapter 12