MAAHMAAHYADII Chapter 17

For English

Read MAAHMAAHYADII Chapter 17 Online

Read MAAHMAAHYADII Chapter 17 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MAAHMAAHYADII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

MAAHMAAHYADII 17

Cutub 17

1. Wuxoogaa cunto qallalan ah oo xasilloonaanu la jirto Ayaa ka wanaagsan guri hilib allabari ka buuxo oo diriru la jirto.

2. Addoonkii caqli lahu wuxuu xukumi doonaa wiilkii ceeb soo jiida, Oo walaalaha ayuu la dhaxal geli doonaa.

3. Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Laakiinse Rabbigu qalbiyaduu imtixaamaa.

4. Xumaanfaluhu wuxuu maqlaa bushimaha shar leh, Oo beenaaluhuna wuxuu dhegaystaa carrabka xun.

5. Ku alla kii miskiinka ku majaajiloodaa wuxuu caayaa Kan sameeyey, Kii belaayooyin ku farxaana ma taqsiir la'aan doono.

6. Odayaasha waxaa taaj u ah carruurta carruurtooda, Oo sharafta carruurtuna waa aabbayaashood.

7. Hadalkii weynu nacas uma eka, Sidaas oo kalena bushimihii been sheegaa amiir uma eka.

8. Hadiyaddu waxay kii haysta la tahay sida dhagax qaali ah, Oo meel alla meeshay u leexataba way ku barwaaqowdaa.

9. Kii xadgudub qariyaa jacayl buu doondoonaa, Laakiinse kii xaal ku noqnoqdaa saaxiibbuu kala kaxeeyaa.

10. Canaantu waxay ninkii garasho leh u tartaa In ka badan boqol jeedal oo nacas lagu dhuftay ay u taraan.

11. Ninkii shar lahu wuxuu doondoonaa caasinimo keliya, Sidaas daraaddeed waxaa isaga lagu diri doonaa farriingeeye aan naxariis lahayn.

12. Nin ha la kulmo orso dhasheeda laga xaday, Intuu nacas nacasnimo samaynaya la kulmi lahaa.

13. Ku alla kii wanaag xumaan ku celiyaa, Gurigiisa xumaanu ka fogaan mayso.

14. Muranka bilowgiisu waa sida biyo la soo faruuray. Haddaba isqabashada iska daa intaan lays ilaaqin.

15. Kii kan sharka leh xaq ka dhiga, iyo kii kan xaqa ah gardarro ku xukuma, Labadaba Rabbigu aad buu u karhaa.

16. Lacagta nacaska gacantiisa ku jirtaa bal maxay u tartaa inuu xigmad ku soo iibsado, Waayo, isagu garasho ma leh?

17. Had iyo goor saaxiibba saaxiibkii wuu jecel yahay, Walaalna wuxuu u dhashay dhibaato.

18. Ninkii garaaddaranu gacan buu dhaar ugu dhiibaa, Oo wuxuu dammiin ku noqdaa deriskiisa hortiisa.

19. Kii xadgudub jecelu muran buu jecel yahay, Oo kii iriddiisa sarraysiiyaana wuxuu doondoontaa baabba'.

20. Kii qalbi qalloocan lahu wanaag ma helo, Oo kii carrab maroorsan lahuna wuxuu ku dhex dhacaa belaayo.

21. Kii nacas dhalaa murugtiisuu u dhalaa, Oo nacas aabbihiisna farxad ma leh.

22. Qalbigii faraxsanu waa dawo wanaagsan, Laakiinse qalbigii jabanu lafahuu engejiyaa.

23. Ninkii shar lahu laabtuu laaluush ka qaataa, Si uu jidadka garta u qalloociyo.

24. Xigmaddu waxay hor joogtaa kii garasho leh; Laakiinse nacaska indhihiisu waxay eegaan dhulka darafkiisa.

25. Wiilkii nacas ahu waa u murug aabbihiis, Waana u qadhaadh tii dashay.

26. Weliba ma wanaagsana in kii xaq ah la taqsiiro, Ama in kuwa sharafka leh qummanaantooda aawadeed wax loogu dhufto.

27. Kii hadalkiisa yareeyaa, aqoon buu leeyahay, Oo kii qalbigiisu qabow yahayna waa nin garasho leh.

28. Xataa nacasku markuu iska aamusan yahay waxaa loo yaqaan mid caqli leh, Kii bushimihiisa isku qabtana nin miyir leh.

About MAAHMAAHYADII Chapter 17

Read MAAHMAAHYADII Chapter 17 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: MAAHMAAHYADII
Chapter: 17
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MAAHMAAHYADII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading MAAHMAAHYADII Chapter 17 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is MAAHMAAHYADII Chapter 17?

MAAHMAAHYADII Chapter 17 is part of the Book of MAAHMAAHYADII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete MAAHMAAHYADII Chapter 17 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from maahmaahyadii

  1. MAAHMAAHYADII Chapter 12
  2. MAAHMAAHYADII Chapter 22
  3. MAAHMAAHYADII Chapter 5
  4. MAAHMAAHYADII Chapter 8
  5. MAAHMAAHYADII Chapter 14
  6. MAAHMAAHYADII Chapter 30
  7. MAAHMAAHYADII Chapter 15

Related Chapters & Readings

  1. 2 KORINTOS Chapter 3
  2. YEXESQEEL Chapter 40
  3. SHARCIGA KUNOQO Chapter 3
  4. YOOXANAA Chapter 12
  5. MIIKAAH Chapter 4
  6. MAAHMAAHYADII Chapter 6
  7. BOQORRADII KOWA Chapter 12
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *