YEREMYAAH Chapter 12

For English

Read YEREMYAAH Chapter 12 Online

Read YEREMYAAH Chapter 12 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YEREMYAAH in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of YEREMYAAH and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

YEREMYAAH 12

Cutub 12

1. Rabbiyow, xaq baad tahay markaan kula muddaco, haddaba bal aan xukummadaada kaala hadlo. Sharrowyada jidkoodu bal muxuu u hagaagaa? Oo kuwa khiyaano kula macaamiloodo oo dhammuna bal maxay u nabdoon yihiin?

2. Iyagaad beertay, oo weliba xidid bay yeesheen, way koraan, oo midhay dhalaan. Adigu afkooda waad ku dhow dahay, laakiinse qalbigooda waad ka fog tahay.

3. Laakiinse, Rabbiyow, adigu waad i taqaan, waanad i aragtaa, oo qalbigaygana xaggaagaad u tijaabisaa. Iyaga u soo bixi sida ido la gowracayo, oo u diyaari maalinta gowracidda.

4. Ilaa goormuu dalku sii barooranayaa, oo uu waddanka oo dhan dooggiisu engegayaa? Xumaanta kuwa dhex deggan aawadeed ayaa xayawaankii iyo shimbirrihiiba wada baabbe'een, maxaa yeelay, dadku waxay yidhaahdeen, Isagu ugudambaystayada ma uu arki doono.

5. Haddaad rag lug ah la orodday oo ay ku daaliyeen, haddaba bal sidee baad fardo ula tartami kartaa? Oo haddii lagugu daaliyo dalkii nabadda ahaa oo aad isku hallaynaysay, haddaba bal maxaad ku dhex samayn doontaa kibirka Webi Urdun?

6. Waayo, xataa walaalaha iyo reerkii aabbahaaba khiyaano bay kugula macaamiloodeen, oo weliba aad bay kaaga soo daba qayliyeen. In kastoo ay erayo wanaagsan kugula hadlaan, ha rumaysan.

7. Anigu gurigaygii waan ka tegey, oo dhaxalkaygiina waan iska xooray, oo tii ay naftaydu aad u jeclaydna waxaan gacanta u geliyey cadaawayaasheedii.

8. Tan dhaxalkaygii ahayd waxay igu noqotay sidii libaax kaynta ku jira oo kale, codkeeday kor iigu qaadday, oo sidaas daraaddeed waan nebcaaday.

9. Tan dhaxalkaygii ahayd waxay igu tahay xaad birdhicyo leh oo kale, oo xaadka hareereheeda ku wareegsan oo dhammuna waa ku col iyada. Taga oo xayawaanka duurka oo dhan soo wada ururiya, oo soo wada kaxeeya ha cuneene.

10. Adhijirro badan ayaa beertaydii canabka ahayd baabbi'iyey, qaybtaydii cagta bay kula tunteen, oo qaybtaydii wanaagsanaydna waxay ka dhigeen lamadegaan cidla ah.

11. Cidla bay ka dhigeen, oo iyadoo cidla ah ayay xaggayga u soo baroorataa. Dalkii oo dhan cidla waa laga dhigay, waayo, ninna dan kama galo.

12. Meelaha dhaadheer oo cidlada ku dhex yaal oo dhan waxaa ku soo kacay baabbi'iyayaashii, waayo, seefta Rabbiga ayaa wax ka baabbi'isa dalka darafkiisan iyo ilaa darafka kale inta ka dhex leh, oo binu-aadmiga oo dhan midnaba nabad ma leh.

13. Iyagu waxay beerteen sarreen, laakiinse qodxan bay soo goosteen, aad bay u daaleen, laakiinse innaba ma ay faa'iidaan. Waxaad ku ceeboobi doontaan midhaha aad goosanaysaan, waana Rabbiga cadhadiisa kulul aawadeed.

14. Derisyadayda sharka ah oo dhan oo taabta dhaxalkii aan dadkayga reer binu Israa'iil dhaxalsiiyey, Rabbigu wuxuu ka leeyahay, Bal ogaada, iyagaan dalka ka rujin doonaa, oo dadka Yahuudahna waan ka rujin doonaa dhexdooda.

15. Oo markaan iyaga rujiyo dabadeed waan soo noqon doonaa oo iyagaan u naxariisan doonaa, oo mar kalaan ku soo celin doonaa nin kasta dhaxalkiisii iyo dhulkiisii.

16. Oo hadday jidadka dadkayga aad u bartaan oo ay magacayga ku dhaartaan iyagoo leh, Rabbiga nool baannu ku dhaaranaynaa, xataa siday dadkayga u bareen inay Bacal ku dhaartaan, markaas iyagaa lagu dhisi doonaa dadkayga dhexdiisa.

17. Laakiinse Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadday i dhegaysan waayaan, quruuntaas waan wada rujin doonaa, oo waan baabbi'in doonaa.

About YEREMYAAH Chapter 12

Read YEREMYAAH Chapter 12 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YEREMYAAH in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: YEREMYAAH
Chapter: 12
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading YEREMYAAH. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading YEREMYAAH Chapter 12 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is YEREMYAAH Chapter 12?

YEREMYAAH Chapter 12 is part of the Book of YEREMYAAH in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete YEREMYAAH Chapter 12 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 24
  5. YEXESQEEL Chapter 5
  6. YEXESQEEL Chapter 4
  7. YEXESQEEL Chapter 15

Explore More from Yeremyaah

  1. YEREMYAAH Chapter 34
  2. YEREMYAAH Chapter 42
  3. YEREMYAAH Chapter 40
  4. YEREMYAAH Chapter 50
  5. YEREMYAAH Chapter 5
  6. YEREMYAAH Chapter 11
  7. YEREMYAAH Chapter 27

Related Chapters & Readings

  1. BILOWGII Chapter 6
  2. BAXNIINTII Chapter 3
  3. SABUURRADII Chapter 123
  4. CAAMOOS Chapter 1
  5. CESRAA Chapter 4
  6. ROOMA Chapter 7
  7. CIBRAANIYADA Chapter 4
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *