TIRINTII Chapter 25

For English

Read TIRINTII Chapter 25 Online

Read TIRINTII Chapter 25 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TIRINTII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of TIRINTII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

TIRINTII 25

Cutub 25

1. Oo reer binu Israa'iilna waxay iska degeen Shitiim, markaasay dadkii bilaabeen inay ka dhillaystaan gabdhihii reer Moo'aab,

2. waayo, dadkii bay ugu yeedheen allabaryadii ilaahyadooda, markaasay dadkii wax cuneen, oo waxay u sujuudeen ilaahyadoodii.

3. Oo reer binu Israa'iil waxay isku dareen Bacal Fecoor. Markaasaa Rabbiga cadhadiisii aad ugu kululaatay reer binu Israa'iil.

4. Kolkaasaa Rabbigu Muuse ku yidhi, Dadka madaxdiisa oo dhan soo wado oo maalin cad ku deldel Rabbiga hortiisa in cadhadii kululayd oo Rabbigu ay ka soo noqoto reer binu Israa'iil.

5. Kolkaasaa Muuse wuxuu xaakinnadii reer binu Israa'iil ku yidhi, Idinka mid waluba ha dilo nimankiisii Bacal Fecoor isku daray.

6. Oo bal eeg, mid reer binu Israa'iil ah ayaa walaalihiis ula yimid naag reer Midyaan ah Muuse hortiisa iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan hortooda iyagoo ku ooyaya iriddii teendhadii shirka horteeda.

7. Oo Fiinexaas ina Elecaasaar oo ahaa wadaadkii Haaruun wiilkiisii markuu taas arkay ayuu shirka dhexdiisii ka kacay oo wuxuu gacanta ku qaatay waran.

8. Oo teendhadii ayuu uga daba galay ninkii reer binu Israa'iil, oo ninkii reer binu Israa'iil iyo naagtii labadiiba calooshuu ka wareemay. Markaasaa belaayadii laga joojiyey reer binu Israa'iil.

9. Oo intii belaayadii u dhimatay waxay ahaayeen afar iyo labaatan kun.

10. Kolkaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,

11. Waxaa cadhadaydii reer binu Israa'iil ka celiyey Fiinexaas ina Elecaasaar oo ah wiilkii wadaadka Haaruun ah, waayo, dhexdooda ayuu iiga qiirooday, oo sidaas daraaddeed anigu qiiradaydii kuma aan baabbi'in reer binu Israa'iil.

12. Haddaba sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Bal eeg, anigu waxaan isaga la dhiganayaa axdigaygii nabadda.

13. Oo isaga iyo farcankiisa ka dambeeyaba buu u ahaan doonaa axdiga wadaadnimo weligeed ah, maxaa yeelay, Ilaahiis buu qiiro u qabay, oo reer binu Israa'iil ayuu u kafaaro guday.

14. Haddaba ninkii reer binu Israa'iil oo la dilay, oo naagtii reer Midyaan lala dilay, magiciisu wuxuu ahaa Simrii ina Saaluu oo amiir u ahaa qoladiisa reer Simecoon.

15. Oo naagtii reer Midyaan oo la dilay magaceedu wuxuu ahaa Kaasbii ina Suur, oo aabbeheed wuxuu madax u ahaa qolo ka mid ah reer Midyaan.

16. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

17. Reer Midyaan dhib oo laa iyaga,

18. waayo, waxay idinku dhibeen khiyaanadooda ay idinku khiyaaneeyeen xagga xaalkii Fecoor iyo xaalkii Kaasbii oo ahayd gabadhii amiirka reer Midyaan oo walaashood ahayd, taasoo maalintii belaayada la dilay xaalkii Fecoor aawadiis.

About TIRINTII Chapter 25

Read TIRINTII Chapter 25 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TIRINTII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: TIRINTII
Chapter: 25
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading TIRINTII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading TIRINTII Chapter 25 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is TIRINTII Chapter 25?

TIRINTII Chapter 25 is part of the Book of TIRINTII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete TIRINTII Chapter 25 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Tirintii

  1. TIRINTII Chapter 18
  2. TIRINTII Chapter 15
  3. TIRINTII Chapter 21
  4. TIRINTII Chapter 36
  5. TIRINTII Chapter 19
  6. TIRINTII Chapter 14
  7. TIRINTII Chapter 10

Related Chapters & Readings

  1. TAARIIKHDII LAB Chapter 17
  2. SABUURRADII Chapter 101
  3. BAXNIINTII Chapter 25
  4. CIBRAANIYADA Chapter 10
  5. LUUKOS Chapter 18
  6. MUUJINTII Chapter 5
  7. SABUURRADII Chapter 128
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *