Read YEXESQEEL Chapter 11 Online
Read YEXESQEEL Chapter 11 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YEXESQEEL in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of YEXESQEEL and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
YEXESQEEL 11
Cutub 11
1. Oo weliba ruuxii baa kor ii qaaday oo wuxuu i geeyey iriddii bari ee guriga Rabbiga oo xagga bari u sii jeedday, oo iridda albaabkeedii waxaan ku arkay shan iyo labaatan nin, oo waxaan dhexdooda ku arkay Ya'asanyaah ina Casuur iyo Felatyaah ina Benaayaah, oo labaduba waxay ahaayeen dadka amiirradoodii.
2. Oo markaasuu igu yidhi, Wiilka Aadamow, kuwaasu waa nimanka xumaanta hindisa, oo magaaladan dhexdeeda talo shar ah kaga taliya.
3. Oo waxay yidhaahdaan, Wakhtiga guryo la dhiso ma dhowa. Magaaladanu waa dheri weyn oo innaguna waxaynu nahay hilibkii.
4. Sidaas daraaddeed iyaga wax ka sii sheeg, Wiilka Aadamow, wax sii sheeg.
5. Markaasaa Ruuxii Rabbigu igu soo degay, oo wuxuu igu yidhi, Waxaad tidhaahdaa, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reer binu Israa'iilow, sidaasaad istidhaahdeen, waayo, waxyaalaha maankiinna soo gala waan ogahay.
6. Magaaladan dhexdeeda waxaad ku badiseen kuwiinnii la laayay, oo jidadkeedana kuwii la laayay waad ka buuxiseen.
7. Sidaas daraaddeed Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Meydadkiinna aad dhexdeeda dhigteen ayaa hilibka ah oo magaaladanuna waa dheriga weyn, laakiinse dhexdeedaa laydinka soo bixin doonaa.
8. Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Idinku seef baad ka cabsateen, oo seef baan idinku soo dayn doonaa.
9. Oo dhexdeedaan idinka soo bixin doonaa, oo waxaan idinku ridi doonaa shisheeyayaal gacmahooda, oo dhexdiinnana xukummo baan ku samayn doonaa.
10. Seef baad ku le'an doontaan, oo soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa, oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay.
11. Magaaladanu dherigiinna ma ay ahaan doonto, oo idinkuna hilibka ku dhex jira ma aad ahaan doontaan, laakiinse soohdinta dalka reer binu Israa'iil ayaan idinku xukumi doonaa.
12. Oo waxaad ogaan doontaan inaan anigu Rabbiga ahay, waayo, qaynuunnadaydii kuma aydaan socon, oo xukummadaydiina ma aydaan samayn, laakiinse waxaad samayseen sidii xukummadii quruumaha oo idinku wareegsanu ay samayn jireen.
13. Oo intaan wax sii sheegayay ayaa Felatyaah ina Benaayaah dhintay. Markaasaan wejiga u dhacay oo cod dheer baan ku qayliyey, oo idhi, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad doonaysaa inaad inta reer binu Israa'iil ka hadhay wada baabbi'iso?
14. Markaasaa eraygii Rabbigu ii yimid isagoo leh,
15. Wiilka Aadamow, walaalahaa oo ah walaalahaaga runta ah, iyo dadka xigaalkaaga ah, iyo kulli reer binu Israa'iil oo dhammu waa kuwii dadka Yeruusaalem degganu ay ku yidhaahdeen, Idinku Rabbiga ka fogaada. Dalkan annagaa dhaxal naloo siiyey.
16. Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, In kastoo aan iyaga quruumaha ku dhex fogeeyey, iyo in kastoo aan waddammada ku kala dhex firdhiyey, weliba waxaan iyaga waddammadii ay tageen ugu ahaan doonaa meel quduus ah.
17. Sidaas daraaddeed waxaad tidhaahdaa, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Waxaan idinka soo ururin doonaa dadyowga dhexdooda, oo waddammadii laydinku kala firdhiyey ayaan idinka soo shirin doonaa, oo waxaan idin siin doonaa dalka reer binu Israa'iil.
18. Oo iyagu halkaasay iman doonaan, oo waxay halkaas ka fogayn doonaan waxyaalaha la naco oo dhan iyo waxyaalaha karaahiyada ah oo dhanba.
19. Oo waxaan iyaga siin doonaa qalbi keliya, oo waxaan gelin doonaa ruux cusub, oo qalbigii dhagaxa ahaana jidhkooda waan ka dhex bixin doonaa, oo waxaan siin doonaa qalbi jiidh ah,
20. si ay iyagu qaynuunnadayda ugu socdaan, oo ay amarradayda u xajiyaan oo ay u sameeyaan, oo waxay ahaan doonaan dadkayga, aniguna Ilaahooda ayaan ahaan doonaa.
21. Laakiinse Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Kuwa qalbigoodu daba socdo waxyaalaha la naca iyo waxyaalahooda karaahiyada ahba jidkooda ayaan madaxooda kaga abaalmarin doonaa.
22. Markaasaa keruubiimtii baalashooda kor u qaadeen, oo giraangirihiina way dhinac yiilleen, oo ammaantii Ilaaha reer binu Israa'iilna iyagay ka korraysay.
23. Markaasaa ammaantii Rabbigu magaalada dhexdeedii ka kacday, oo waxay kor istaagtay buurta magaalada dhankeeda bari ku taal.
24. Oo markaasaa Ruuxii kor ii qaaday, oo Ruuxii Ilaah wuxuu wixii lay tusay igu keenay dalkii Kalday iyo maxaabiistii meeshaas joogtay. Oo markaasaa wixii lay tusay oo aan arkay kor iiga bexeen.
25. Markaasaan kuwii maxaabiista ahaa u sheegay waxyaalihii uu Rabbigu i tusay oo dhan.
About YEXESQEEL Chapter 11
Read YEXESQEEL Chapter 11 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of YEXESQEEL in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: YEXESQEEL
Chapter: 11
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading YEXESQEEL. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading YEXESQEEL Chapter 11 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is YEXESQEEL Chapter 11?
YEXESQEEL Chapter 11 is part of the Book of YEXESQEEL in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete YEXESQEEL Chapter 11 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from Yexesqeel
- YEXESQEEL Chapter 28
- YEXESQEEL Chapter 18
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 21
- YEXESQEEL Chapter 44
- YEXESQEEL Chapter 29
- YEXESQEEL Chapter 46