Read BOQORRADII LABA Chapter 20 Online
Read BOQORRADII LABA Chapter 20 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BOQORRADII LABA in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of BOQORRADII LABA and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
BOQORRADII LABA 20
Cutub 20
1. Oo waagaas ayaa Xisqiyaah bukooday, oo geeri buu u dhowaaday. Markaasaa Nebi Ishacyaah oo ahaa ina Aamoos u yimid oo wuxuu ku yidhi, Rabbigu wuxuu leeyahay, Reerkaaga la dardaaran, waayo, waad dhimanaysaa oo sii noolaan maysid.
2. Oo isna markaasuu wejigiisii derbiga ku sii jeediyey, oo Rabbiga baryay, oo yidhi,
3. Rabbiyow, waan ku baryayaaye, bal haatan xusuuso sidaan hortaada ugu socday runta iyo qalbi qumman, iyo sidaan u sameeyey waxa hortaada ku wanaagsan. Xisqiyaahna aad buu u ooyay.
4. Oo intaanu Ishacyaah weli magaalada dhexe u bixin ayaa eraygii Rabbigu isagii u yimid oo ku yidhi,
5. Dib u noqo, oo Xisqiyaah oo ah amiirka dadkayga waxaad ku tidhaahdaa, Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Daa'uud wuxuu leeyahay, Baryootankaagii waan maqlay, ilmadaadiina waan arkay, haddaba waan ku bogsiinayaa, oo maalinta saddexaad waxaad u bixi doontaa guriga Rabbiga.
6. Oo cimrigaagiina waxaan kuugu dari doonaa shan iyo toban sannadood, oo adiga iyo magaaladanba waan ka samatabbixin doonaa gacanta boqorka Ashuur, oo waxaan magaaladan u daafici doonaa aniga daraadday iyo addoonkaygii Daa'uud daraaddiis.
7. Markaasaa Ishacyaah yidhi, Waxaad qaaddaan fud berde ah, oo iyana way qaadeen, oo waxay saareen kasoobixii, wuuna bogsaday.
8. Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Maxaa calaamad ii noqon doona in Rabbigu i bogsiinayo oo aan maalinta saddexaad guriga Rabbiga u baxayo?
9. Kolkaasaa Ishacyaah ku yidhi, Calaamadda xagga Rabbiga kaaga imanaysa in Rabbigu samaynayo wixii uu ballanqaaday waxay ahaan doontaa tan: hoosku ma inuu hore u socdaa toban derejo mase waa inuu dib u socdaa toban derejo?
10. Markaasaa Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Waa wax fudud in hoosku toban derejo hore u socdo; hase ahaatee, hoosku dib ha u soo noqdo toban derejo,
11. Markaasaa Nebi Ishacyaah u qayliyey Rabbiga; oo isna markaasuu hooskii toban derejo dib uga soo celiyey intuu hore uga socday derejooyinkii Aaxaas.
12. Waagaas Berodag Baladaan, oo ahaa ina Baladaan oo boqorkii Baabuloon ahaa ayaa warqado iyo hadiyad Xisqiyaah u soo diray, waayo, wuxuu maqlay in Xisqiyaah bukay.
13. Oo markaasuu Xisqiyaah iyagii maqlay oo wuxuu tusay dhammaan gurigii ay yiilleen waxyaalihiisii qaaliga ahaa, kuwaasoo ahaa lacagtii iyo dahabkii, iyo uunsigii iyo saliiddii qaaliga ahayd, iyo gurigiisii hubka, iyo kulli waxyaalihii khasnadihiisa ku jiray oo dhan. Oo Xisqiyaah wax uusan iyaga tusin laguma arag gurigiisa iyo dowladdiisa oo dhan.
14. Markaasaa Nebi Ishacyaah u yimid Boqor Xisqiyaah, oo wuxuu ku yidhi, War nimankanu maxay yidhaahdeen? Xaggee bayse kaaga yimaadeen? Kolkaasaa Xisqiyaah yidhi, Waxay ka yimaadeen dal fog, kaasoo ah Baabuloon.
15. Markaasuu ku yidhi, Maxay gurigaaga ku arkeen? Oo Xisqiyaah wuxuu ugu jawaabay, Way wada arkeen waxa gurigayga yaal oo dhan; oo khasnadahayga kuma jiraan wax aanan tusin.
16. Kolkaasaa Ishacyaah wuxuu Xisqiyaah ku yidhi, Haddaba bal maqal erayga Rabbiga.
17. Bal eeg, waxaa iman doona maalmaha waxa gurigaaga yaal oo dhan iyo wixii ay awowayaashaa ilaa maantadan kaydiyeen Baabuloon loo qaadan doono. Rabbigu wuxuu leeyahay, Waxba ma hadhi doonaan.
18. Wiilashaada kaa soo bixi doona oo aad dhali doontana waa la kaxaysan doonaa; oo iyana waxay ahaan doonaan bohommo jooga daarta boqorka Baabuloon.
19. Markaasaa Xisqiyaah wuxuu Ishacyaah ku yidhi, Erayga Rabbiga oo aad ku hadashay waa wanaagsan yahay. Oo weliba wuxuu kaloo yidhi, Mar haddii nabad iyo rumu ay jirayaan intaan noolahay, sow ma wanaagsana?
20. Haddaba Xisqiyaah falimihiisii kale, iyo xooggiisii oo dhan, iyo siduu u sameeyey balliga iyo biyomareenka, iyo siduu magaalada biyo ugu keenay, sow kuma qorna kitaabkii taariikhda boqorradii dalka Yahuudah?
21. Markaasaa Xisqiyaah dhintay oo la seexday awowayaashiis, oo waxaa meeshiisii boqor ka noqday wiilkiisii Manaseh.
About BOQORRADII LABA Chapter 20
Read BOQORRADII LABA Chapter 20 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BOQORRADII LABA in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: BOQORRADII LABA
Chapter: 20
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading BOQORRADII LABA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading BOQORRADII LABA Chapter 20 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is BOQORRADII LABA Chapter 20?
BOQORRADII LABA Chapter 20 is part of the Book of BOQORRADII LABA in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete BOQORRADII LABA Chapter 20 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from boqorradii-laba
- BOQORRADII LABA Chapter 2
- BOQORRADII LABA Chapter 15
- BOQORRADII LABA Chapter 5
- BOQORRADII LABA Chapter 3
- BOQORRADII LABA Chapter 25
- BOQORRADII LABA Chapter 24
- BOQORRADII LABA Chapter 4