ISHACYAAH Chapter 62

For English

Read ISHACYAAH Chapter 62 Online

Read ISHACYAAH Chapter 62 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ISHACYAAH in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of ISHACYAAH and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

ISHACYAAH 62

Cutub 62

1. Jeeray xaqnimadeedu sida nuur u soo dhalaasho, oo ay badbaadadeeduna sida laambad baxaysa u soo dhalaasho, anigu Siyoon daraaddeed aamusi maayo, oo innaba Yeruusaalem daraaddeed nasan maayo.

2. Oo quruumuhu xaqnimadaaday arki doonaan, oo boqorrada oo dhammuna sharaftaaday arki doonaan, oo waxaa laguu bixin doonaa magac cusub oo Rabbiga afkiisu kugu magacaabi doono.

3. Oo weliba waxaad gacanta Rabbiga ku noqon doontaa taaj qurux ah, iyo cigaal boqornimo.

4. Mar dambe laguuguma yeedhi doono Tii la dayriyey, oo dalkaagana mar dambe looguma yeedhi doono Dhulka baabba'a ah, laakiinse waxaa lagugu magacaabi doonaa Xefsiibaah, oo dalkaagana waxaa lagu magacaabi doonaa Becuulaah, waayo, Rabbigu waa kugu farxaa, oo dalkaagana waa la guursan doonaa.

5. Waayo, sida barbaar inan bikrad ah u guursado oo kale ayaa wiilashaadu kuu guursan doonaan, oo sida ninkii aroos ahu uu aroosadda ugu farxo oo kale ayaa Ilaahaagu kuugu farxi doonaa.

6. Yeruusaalemay, derbiyadaada waxaan dul saaray waardiyayaal, oo iyana habeen iyo maalin toona ma ay aamusi doonaan. Kuwiinna Rabbiga xusuustow, ha aamusina,

7. oo isaga ha nasinina jeeruu Yeruusaalem dhiso oo ammaan dhulka kaga dhigo,

8. Rabbigu wuxuu ku dhaartay gacantiisa midig iyo dhudhunkiisa xoogga badan oo yidhi, Hubaal mar dambe hadhuudhkaaga cadaawayaashaada ma aan siin doono inuu cunto u noqdo, oo shisheeyayaalna mar dambe ma ay cabbi doonaan khamrigaagii aad ku hawshootay.

9. Laakiinse kuwii soo urursaday ayaa cuni doona, oo Rabbiga ayay ammaani doonaan, oo kuwii canabka soo urursaday ayaa barxadaha meeshayda quduuska ah khamriga ku cabbi doona.

10. Dhex mara, irdaha dhex mara, oo dadka jidkiisa hagaajiya. Jidka weyn dhisa, dhisa. Dhagaxyada ka wareejiya, oo dadyowga calan u taaga.

11. Bal eega, Rabbigu wuxuu tan iyo dhulka darafkiisa ku naadiyey oo yidhi, Magaalada Siyoon waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, badbaadadaadii waa soo socotaaye. Bal eeg, isagu abaalgudkiisii wuu wataa, oo abaalmarintiisuna way ka soo horraysaa.

12. Waxaa loogu yeedhi doonaa, Dadka quduuska ah iyo Kuwa Rabbigu soo furtay, oo waxaa lagugu magacaabi doonaa, Tii la doondoonay, iyo Magaalo aan la dayrin.

About ISHACYAAH Chapter 62

Read ISHACYAAH Chapter 62 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ISHACYAAH in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: ISHACYAAH
Chapter: 62
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading ISHACYAAH. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading ISHACYAAH Chapter 62 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is ISHACYAAH Chapter 62?

ISHACYAAH Chapter 62 is part of the Book of ISHACYAAH in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete ISHACYAAH Chapter 62 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Ishacyaah

  1. ISHACYAAH Chapter 34
  2. ISHACYAAH Chapter 22
  3. ISHACYAAH Chapter 18
  4. ISHACYAAH Chapter 28
  5. ISHACYAAH Chapter 8
  6. ISHACYAAH Chapter 2
  7. ISHACYAAH Chapter 37

Related Chapters & Readings

  1. YEREMYAAH Chapter 21
  2. WACDIYAHII Chapter 5
  3. YEREMYAAH Chapter 39
  4. AYUUB Chapter 6
  5. SABUURRADII Chapter 31
  6. SABUURRADII Chapter 119
  7. 2 KORINTOS Chapter 7
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *