ISHACYAAH Chapter 33

For English

Read ISHACYAAH Chapter 33 Online

Read ISHACYAAH Chapter 33 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ISHACYAAH in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of ISHACYAAH and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

ISHACYAAH 33

Cutub 33

1. Adaa iska hoogay, kaaga wax dhaca oo aan adiga wax lagaa dhicin oo wax khiyaaneeya oo aan adiga lagu khiyaanayn. Markaad waxdhicidda joojisid ayaa adiga wax lagaa dhici doonaa, oo markaad waxkhiyaanaynta joojisid ayaa adiga lagu khiyaanayn doonaa.

2. Rabbiyow, noo roonow, waayo, waannu ku sugaynay, subax kasta gacan noo ahow, oo wakhtiga dhibaatadana badbaado noo noqo.

3. Buuqa gurdanka ayaa dadyowgii ka carareen, oo sarajoogsigaaga ayay quruumihii la kala firdheen.

4. Oo boolidiinna waxaa loo soo urursan doonaa sida diirtu wax u urursato oo kale, oo waxaa loogu boodi doonaa sida ayaxu ugu boodboodo oo kale.

5. Rabbigu wuu sarreeyaa, waayo, meel saruu joogaa, oo wuxuu Siyoon ka buuxiyey caddaalad iyo xaqnimo.

6. Oo wakhtigaaguna wuxuu ahaan doonaa ammaan, iyo badbaado, iyo xigmad, iyo aqoon miidhan, oo cabsida Rabbiguna waxay tahay khasnaddiisa.

7. Bal eega, kuwoodii xoogga badnaa dibadday ka qaylinayaan, oo ergooyinkii nabadduna si qadhaadh bay u ooyayaan.

8. Jidadkii waaweynaa way baabba'san yihiin, oo dadkii mari jirayna way ka joogsadeen. Isagu axdigii wuu jebiyey, oo magaalooyinkiina wuu quudhsaday, oo ninna dan kama galo.

9. Dalku waa barooranayaa, waana taag gabayaa, Lubnaan way ceebowday, oo way engegtay, Shaaroon waa sida lamadegaan oo kale, oo Baashaan iyo Karmelna caleentii bay daadinayaan.

10. Rabbigu wuxuu leeyahay, Hadda waan kacayaa, hadda kor baan isu qaadayaa, oo hadda waan sara marayaa.

11. Waxaad uuraysan doontaan buunshe, oo waxaad dhali doontaan xaab, oo neeftiinnuna waa dab idin baabbi'in doona.

12. Oo dadkuna wuxuu noqon doonaa sida nuurad la shiday, iyo sida qodxan la jaray oo dab lagu gubay.

13. Kuwiinna fogow, waxaan sameeyey maqla, oo kuwiinna dhowow, xooggayga aqoonsada.

14. Dembilayaasha Siyoon dhex jooga way cabsanayaan, oo cibaadalaawayaashuna cabsi bay la gariirayaan, bal keennee baa dabkan wax gubaya dhex joogi doona? Oo keennee baa gubasho weligeed ah dhex joogi doona?

15. Kii si xaqnimo ah u socda, oo si qumman u hadla, oo faa'iidada dulmiga quudhsada, kii laaluush qaadashadiis ka gacmo jafjafta, oo maqlidda dhiigdaadinta dhegihiisa ka furaysta, oo indhihiisana isku qabsada si uusan wax shar ah u arag,

16. kaasu wuxuu fadhiyi doonaa meel sare, oo gabbaadkiisuna wuxuu noqon doonaa dhufays dhagaxyo ah, oo cuntadiisa baa la siin doonaa, oo biyihiisuna waxay ahaan doonaan kuwa la hubo.

17. Indhahaagu waxay arki doonaan Boqorka oo quruxdiisa huwan, oo waxay arki doonaan dhul ilaa meel fog kala baxsan.

18. Qalbigaagu wuxuu ka fikiri doonaa cabsida. Meeh karraanigii wax tirin jiray? Oo meeh kii baadda miisaami jiray? Oo meeh kii munaaradaha tirin jiray?

19. Mar dambe ma aad arki doontid dadka cadhada kulul, ee uusan hadalkoodu kuu dhicin, oo leh af qalaad oo aadan innaba garan karin.

20. Bal eeg Siyoon oo ah magaaladii iidaheenna. Indhahaagu waxay arki doonaan Yeruusaalem oo ah rug xasilloon, iyo teendho aan la qaadi doonin, oo aan dhidbeheedana weligood la rujin doonin, oo aan xadhkeheeduna go'i doonin.

21. Laakiinse Rabbiga haybadda badanu wuxuu halkaas inoogu noqon doonaa meel webiyo ballaadhan iyo durdurro leh, oo ayan huuriyo seeb lahu mari doonin, oo aan doonniyaha waaweynuna dhaafi doonin.

22. Waayo, Rabbigu waa xaakinkeenna, oo Rabbigu waa taliyaheenna, oo Rabbigu waa boqorkeenna wuuna ina badbaadin doonaa.

23. Xadhkihii way dabceen, oo salka daqalkiina lama xoojin karin, shiraaqiina lama kala fidin karin, markaasaa waxaa la qaybsaday booli badan, oo curyaankuna wixii la dhacay buu qaatay.

24. Oo kan halkaas deggan ma odhan doono, Waan bukaa, oo dadka dhexdeeda degganna xumaantooda waa laga cafiyi doonaa.

About ISHACYAAH Chapter 33

Read ISHACYAAH Chapter 33 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ISHACYAAH in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: ISHACYAAH
Chapter: 33
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading ISHACYAAH. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading ISHACYAAH Chapter 33 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is ISHACYAAH Chapter 33?

ISHACYAAH Chapter 33 is part of the Book of ISHACYAAH in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete ISHACYAAH Chapter 33 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Ishacyaah

  1. ISHACYAAH Chapter 59
  2. ISHACYAAH Chapter 50
  3. ISHACYAAH Chapter 25
  4. ISHACYAAH Chapter 5
  5. ISHACYAAH Chapter 47
  6. ISHACYAAH Chapter 22
  7. ISHACYAAH Chapter 30

Related Chapters & Readings

  1. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 8
  2. BOQORRADII KOWA Chapter 2
  3. TIRINTII Chapter 13
  4. ISHACYAAH Chapter 62
  5. GALATIYA Chapter 4
  6. MAAHMAAHYADII Chapter 6
  7. ISHACYAAH Chapter 20
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *