ISHACYAAH Chapter 52

For English

Read ISHACYAAH Chapter 52 Online

Read ISHACYAAH Chapter 52 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ISHACYAAH in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of ISHACYAAH and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

ISHACYAAH 52

Cutub 52

1. Siyoonay, toos oo toos, oo xooggaaga xidho. Yeruusaalemay, magaalada quduuska ahay, dharkaaga quruxda badan xidho, waayo, hadda ka dib kuwa buuryoqab ah iyo kuwa nijaas ah toona kuma ay soo geli doonaan.

2. Yeruusaalemay, boodhka iska jaf oo ka kac, oo fadhiiso, magaalada Siyoon oo maxbuusad ahayday, iska fur waxa qoorta lagaaga xidhay.

3. Waayo, Rabbigu wuxuu leeyahay, Idinka waxaa laydinku iibiyey wax aan waxba ahayn, oo haddana lacagla'aan baa laydinku soo furan doonaa.

4. Waayo, Sayidka Rabbiga ahu wuxuu leeyahay, Dadkaygii waa horay Masar ku dhaadheceen inay halkaas joogaan, oo kii reer Ashuurna sababla'aan buu u dulmay.

5. Haddaba sidaas daraaddeed Rabbigu wuxuu leeyahay, Bal maxaa halkan ii jira marka dadkayga waxaan waxba ahayn lagu kaxaystay? Rabbigu wuxuu leeyahay, Kuwa iyaga u taliyaa way qayliyaan, oo magacaygana had iyo goor maalin kastaba waa la caayaa.

6. Sidaas daraaddeed dadkaygu magacaygay aqoonsan doonaan, oo sidaas daraaddeed waxay maalintaas garan doonaan inaan anigu ahay kan hadla, bal eega, waa i kane.

7. Buuraha dushooda ku qurux badanaa cagaha kan warka wanaagsan keena, oo nabadda naadiya, oo waxyaalaha wanaagsan warka wanaagsan ka keena, oo badbaadada naadiya, oo Siyoon ku yidhaahda, Ilaahaagii baa boqornimada haysta.

8. Waa ka codka waardiyayaashaadu! Codkooday kor u qaadayaan, oo dhammaantood way wada heesayaan, waayo, indhahooday ku arki doonaan markii Rabbigu Siyoon ku soo noqonayo.

9. Yeruusaalem meelaheeda baabba'ayow, dhammaantiin farxa, oo kulligiin hees ku dhufta, waayo, Rabbigu dadkiisii wuu qalbi qaboojiyey, oo Yeruusaalemna wuu soo furtay.

10. Waayo, Rabbigu wuxuu gacantiisii quduuska ahayd bayaan ugu muujiyey quruumaha oo dhan hortooda, oo dhulka darafyadiisa oo dhammuna waxay wada arki doonaan badbaadinta Ilaaheenna.

11. Kuwiinna weelasha Rabbiga sidow, taga, oo taga, oo halkaas ka soo baxa, ha taabanina wax aan daahir ahayn, oo iyada ka dhex baxa, oo daahir ahaada.

12. Waayo, degdeg kuma bixi doontaan oo qixidna kuma carari doontaan, maxaa yeelay, Rabbiga ayaa idin hor kici doona, oo Ilaaha reer binu Israa'iil ayaa idin daba socon doona.

13. Bal eega, addoonkaygu caqli buu yeelan doonaa, oo waa la sarraysiin doonaa, oo kor baa loo kicin doonaa, wuxuuna noqon doonaa mid aad u sarreeya.

14. Waxaa jaahiisii loo xumeeyey si ka daran sida nin kale loo xumeeyo, suuraddiisiina waxaa loo xumeeyey si ka daran sida binu-aadmiga loo xumeeyo oo kale, haddaba sidii kuwa badanu ula yaabi jireen oo kale,

15. ayuu isaguna quruumo badan uga yaabin doonaa, oo boqorraduna waxay afkooda u xidhi doonaan isaga aawadiis, waayo, waxay arki doonaan wax aan weligood loo sheegin, oo waxay ka fiirsan doonaan wax ayan weligood maqal.

About ISHACYAAH Chapter 52

Read ISHACYAAH Chapter 52 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ISHACYAAH in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: ISHACYAAH
Chapter: 52
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading ISHACYAAH. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading ISHACYAAH Chapter 52 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is ISHACYAAH Chapter 52?

ISHACYAAH Chapter 52 is part of the Book of ISHACYAAH in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete ISHACYAAH Chapter 52 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Ishacyaah

  1. ISHACYAAH Chapter 58
  2. ISHACYAAH Chapter 4
  3. ISHACYAAH Chapter 45
  4. ISHACYAAH Chapter 51
  5. ISHACYAAH Chapter 7
  6. ISHACYAAH Chapter 19
  7. ISHACYAAH Chapter 40

Related Chapters & Readings

  1. ISHACYAAH Chapter 39
  2. SEKARYAAH Chapter 5
  3. RUUD Chapter 4
  4. SABUURRADII Chapter 51
  5. MAAHMAAHYADII Chapter 15
  6. BILOWGII Chapter 2
  7. YOONIS Chapter 4
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *