TAARIIKHDII KOW Chapter 3

For English

Read TAARIIKHDII KOW Chapter 3 Online

Read TAARIIKHDII KOW Chapter 3 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TAARIIKHDII KOW in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of TAARIIKHDII KOW and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

TAARIIKHDII KOW 3

Cutub 3

1. Haddaba kuwanu waxay ahaayeen wiilashii Daa'uud, oo isaga ugu dhashay Xebroon, oo curadkiisu wuxuu ahaa Amnoon, oo ay dhashay Axiinocam tii reer Yesreceel, oo kii labaadna wuxuu ahaa Daanyeel, oo ay dhashay Abiigayil tii reer Karmel,

2. oo kii saddexaadna wuxuu ahaa Absaaloom oo ay dhashay Macakaah oo ahayd boqorkii Geshuur oo Talmay ahaa gabadhiisii, oo kii afraadna wuxuu ahaa Adoniiyaah oo ay Haggiid dhashay,

3. kii shanaadna wuxuu ahaa Shefatyaah oo ay Abiital dhashay, kii lixaadna, wuxuu ahaa Yitrecaam oo uu ka dhalay naagtiisii Ceglaah.

4. Lix waxay ugu dhasheen Xebroon, oo Xebroon wuxuu boqor ka ahaa toddoba sannadood iyo lix bilood, oo Yeruusaalemna wuxuu boqor ku ahaa saddex iyo soddon sannadood.

5. Oo kuwanuna waxay isaga ugu dhasheen Yeruusaalem: Shimcaa, iyo Shoobaab, iyo Naataan, iyo Sulaymaan, afartaas oo ay dhashay Batshuuca oo ahayd ina Cammii'eel,

6. iyo Yibxaar, iyo Eliishaamaac, iyo Eliifeled,

7. iyo Nogah, iyo Nefeg, iyo Yaafiica,

8. iyo Eliishaamaac, iyo Elyaadaac, iyo Eliifeled, oo iyana waxay ahaayeen sagaal.

9. Oo kuwaas oo dhammu waxay ahaayeen ilmaha Daa'uud, oo wiilashiisii uu addoommaha ka dhalayna kuma ay jirin, oo Taamaarna waxay ahayd walaashood.

10. Oo Sulaymaan wiilkiisiina wuxuu ahaa Rexabcaam, Rexabcaam wiilkiisiina wuxuu ahaa Abiiyaah, Abiiyaah wiilkiisiina wuxuu ahaa Aasaa, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yehooshaafaad,

11. wiilkiisiina wuxuu ahaa Yooraam, wiilkiisiina wuxuu ahaa Axasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yoo'aash,

12. wiilkiisiina wuxuu ahaa Amasyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Casaryaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yootam,

13. wiilkiisiina wuxuu ahaa Aaxaas, wiilkiisiina wuxuu ahaa Xisqiyaah, wiilkiisiina wuxuu ahaa Manaseh,

14. wiilkiisiina wuxuu ahaa Aamoon, wiilkiisiina wuxuu ahaa Yoosiyaah.

15. Wiilashii Yoosiyaahna waa kuwan: curadkiisii Yooxaanaan, kii labaadna Yehooyaaqiim, kii saddexaadna Sidqiyaah, kii afraadna Shalluum.

16. Wiilashii Yehooyaaqiimna waxay ahaayeen: wiilkiisii Yekonyaah, iyo wiilkiisii Sidqiyaah.

17. Oo maxbuuskii Yekonyaah ahaa wiilashiisii waxay ahaayeen:

18. wiilkiisii Salaatii'eel, iyo Malkiiraam, iyo Fedaayaah, iyo Shen'asar, iyo Yeqamyaah, iyo Hooshaamaac, iyo Nedabyaah.

19. Wiilashii Fedaayaahna waxay ahaayeen Serubaabel, iyo Shimcii, oo wiilashii Serubaabelna waxay ahaayeen Meshullaam, iyo Xananyaah, oo Shelomiidna waxay ahayd walaashood,

20. iyo Xashubaah, iyo Ohel, iyo Berekyaah, iyo Xasadyaah, iyo Yuushabxesed, oo iyana waxay ahaayeen shan.

21. Wiilashii Xananyaahna waxay ahaayeen Felatyaah, iyo Yeshaacyaah, oo waxaa kaloo jiray wiilashii Refaayaah, iyo wiilashii Arnaan, iyo wiilashii Cobadyaah, iyo wiilashii Shekaanyaah.

22. Wiilashii Shekaanyaahna waxay ahaayeen Shemacyaah, wiilashii Shemacyaahna waxay ahaayeen Xatuush, iyo Yigaal, iyo Baarii'ax, iyo Necaryaah, iyo Shaafaad, oo waxay ahaayeen lix.

23. Wiilashii Necaryaahna waxay ahaayeen Eliyooceenay, iyo Xisqiyaah, iyo Casriiqaam, oo waxay ahaayeen saddex.

24. Wiilashii Eliyooceenayna waxay ahaayeen, Hoodawyaah, iyo Eliyaashiib, iyo Felaayaah, iyo Caquub, iyo Yooxaanaan, iyo Delaayaah, iyo Canaanii, waxayna ahaayeen toddoba.

About TAARIIKHDII KOW Chapter 3

Read TAARIIKHDII KOW Chapter 3 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TAARIIKHDII KOW in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: TAARIIKHDII KOW
Chapter: 3
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading TAARIIKHDII KOW. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading TAARIIKHDII KOW Chapter 3 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is TAARIIKHDII KOW Chapter 3?

TAARIIKHDII KOW Chapter 3 is part of the Book of TAARIIKHDII KOW in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete TAARIIKHDII KOW Chapter 3 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from taariikhdii-kow

  1. TAARIIKHDII KOW Chapter 10
  2. TAARIIKHDII KOW Chapter 19
  3. TAARIIKHDII KOW Chapter 1
  4. TAARIIKHDII KOW Chapter 14
  5. TAARIIKHDII KOW Chapter 21
  6. TAARIIKHDII KOW Chapter 26
  7. TAARIIKHDII KOW Chapter 8

Related Chapters & Readings

  1. DAANYEEL Chapter 5
  2. WACDIYAHII Chapter 4
  3. SABUURRADII Chapter 107
  4. MUUJINTII Chapter 19
  5. SABUURRADII Chapter 57
  6. GALATIYA Chapter 1
  7. MATAYOS Chapter 11
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *