ISHACYAAH Chapter 17

For English

Read ISHACYAAH Chapter 17 Online

Read ISHACYAAH Chapter 17 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ISHACYAAH in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of ISHACYAAH and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

ISHACYAAH 17

Cutub 17

1. Kanu waa warka culus ee Dimishaq ku saabsan. Bal eega, Dimishaq inay magaalo sii ahaato waa laga joojiyey, oo waxay ahaan doontaa tuulmooyin burbur ah.

2. Magaalooyinkii Carooceer waa laga wada tegey. Waxay noqon doonaan meelo adhyuhu daaqaan oo ay iska fadhiistaan, oo ciduna ma didin doonto.

3. Rabbiga ciidammadu wuxuu leeyahay, Qalcaddu reer Efrayim way ka baabbi'i doontaa, oo boqortooyaduna Dimishaq way ka dhammaan doontaa, oo kuwa Suuriya ka hadhi doonaana waxay noqon doonaan sida sharaftii dadkii Israa'iil.

4. Oo maalintaas sharafta reer Yacquub way daciifi doontaa, oo baruurta jidhkiisuna way macaluuli doontaa.

5. Oo waxay noqon doontaa sida marka beeragooyuhu balka soo urursho oo gacantiisuna ay sabuullada soo gurato, oo waxay noqon doontaa sida mid sabuullo laga tegey ka guranaya dooxada Refaa'iim.

6. Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil wuxuu leeyahay, Weli canab xaabxaab ah ayaa ku hadhi doona, oo sida geed saytuun ah oo la ruxay ayaa laba ama saddex xabbadood ku hadhi doonaan laanta geedka ugu korraysa dhaladeeda, laamaha ugu shisheeya oo midhaha badanna waxaa ku hadhi doona afar ama shan xabbadood.

7. Oo maalintaas nin baa wuxuu fiirin doonaa Abuurihiisii, oo indhihiisuna waxay u jeedsan doonaan Kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil.

8. Oo isagu ma uu fiirin doono meelaha allabariga ee uu gacmihiisa ku sameeyey, umana uu jeedsan doono wixii ay farihiisu sameeyeen, kuwaasoo ah geedaha Asheeraah, iyo sanamyada qorraxda.

9. Oo maalintaas magaalooyinkiisa xoogga badanu waxay noqon doonaan sida meelaha ay reer Xiwi iyo reer Amor kaga tageen reer binu Israa'iil hortood, oo waxaa jiri doona baabba'.

10. Maxaa yeelay, waxaad illowday Ilaaha badbaadadaada, oo kamana aad fikirin Dhagaxa xoogga kuu ah, sidaas daraaddeed waxaad beertaa geedo wacan, waxaadna tallaashaa geedo qalaad oo canab ah.

11. Maalintii aad beerto ayaad xeraysaa, subaxdiina waxaad ubax ka keentaa abuurkaaga, laakiinse beergoosadku wuxuu carari doonaa maalin murug iyo caloolxumo badan.

12. Dadka faraha badanu aad bay u buuqayaan, oo waxay u hugmaan sida hugunka badda! Quruumuhu aad bay u bulxamayaan, oo waxay u guuxaan sidii guuxa biyo xoog badan!

13. Quruumuhu waxay u guuxi doonaan sida guuxa biyo faro badan, laakiinse wuu canaanan doonaa, oo meel fog bay u carari doonaan, oo waxaa loo eryi doonaa sida xaabka buuraha ee dabayshu kaxayso iyo sida boodh cirwareen ah.

14. Bal eega, makhribkii cabsi baa jirta, oo aroortii ka horna ma jiraan. Taasu waa waxa ku dhaca kuwa na booba iyo qaybtii kuwa na dhaca.

About ISHACYAAH Chapter 17

Read ISHACYAAH Chapter 17 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ISHACYAAH in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: ISHACYAAH
Chapter: 17
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading ISHACYAAH. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading ISHACYAAH Chapter 17 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is ISHACYAAH Chapter 17?

ISHACYAAH Chapter 17 is part of the Book of ISHACYAAH in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete ISHACYAAH Chapter 17 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Ishacyaah

  1. ISHACYAAH Chapter 31
  2. ISHACYAAH Chapter 41
  3. ISHACYAAH Chapter 40
  4. ISHACYAAH Chapter 11
  5. ISHACYAAH Chapter 13
  6. ISHACYAAH Chapter 18
  7. ISHACYAAH Chapter 5

Related Chapters & Readings

  1. AYUUB Chapter 16
  2. TAARIIKHDII KOW Chapter 10
  3. TIRINTII Chapter 16
  4. BOQORRADII LABA Chapter 15
  5. 1 KORINTOS Chapter 11
  6. SABUURRADII Chapter 44
  7. BOQORRADII KOWA Chapter 18
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *