ISHACYAAH Chapter 41

For English

Read ISHACYAAH Chapter 41 Online

Read ISHACYAAH Chapter 41 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ISHACYAAH in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of ISHACYAAH and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

ISHACYAAH 41

Cutub 41

1. Gasiiradahow, hortayda ku aamusa, oo dadkuna xooggooda ha cusboonaysiisteen, ha soo dhowaadeen, oo ha hadleen. Aynu dhammaanteen garsoorid u soo wada dhowaanno.

2. Waa kuma kan mid xagga bari ka soo kiciyey, oo isaga xaqnimo ugu yeedhay inuu raaco? Quruumaha hortiisuu ku siiyaa, oo isaga ka dhigaa inuu boqorro u taliyo. Iyaga wuxuu seeftiisa kaga dhigaa sida boodh oo kale, oo qaansadiisana wuxuu kaga dhigaa sida xaab bidaya oo kale.

3. Isagu wuu eryadaa iyaga, oo ammaan buu ku dhaafaa jid uusan mar hore marin.

4. Yaa waxan sameeyey oo sidan yeelay isagoo facaca bilowgii uga yeedhaya? Anigoo Rabbiga ah, oo ah Kan ugu horreeya iyo Kan kuwa dambe la jira, isagaan ahay.

5. Gasiiradahu way arkeen, wayna cabsadeen, oo dhulka darafyadiisuna way gariireen, wayna soo dhowaadeen oo yimaadeen.

6. Midkood waluba wuxuu caawiyey deriskiisii, oo midkood waluba wuxuu walaalkiis ku yidhi, Dhiirranow.

7. Markaasuu nijaarkii dahabtumihii dhiirrigeliyey, oo kii dubbaha wax ku simi jirayna birtumihii buu dhiirrigeliyey, isagoo leh, Laxaamaddu way wanaagsan tahay. Markaasuu masaamiir ku sii adkeeyey si ayan u dhaqdhaqaaqin.

8. Laakiinse reer binu Israa'iilow, waxaad tihiin addoommadayda, reer Yacquubkii aan doortayow, farcankii saaxiibkay Ibraahimow,

9. waxaan idinka soo kaxaystay dhulka darafyadiisa, oo geesihiisa waan idiinka yeedhay, oo waxaan idinku idhi, Waxaad tihiin addoommadayda, waanan idin doortay, idinmana xoorin.

10. Ha cabsanina, waayo, waan idinla jiraa, ha nixina, maxaa yeelay, Ilaahiinna baan ahay, waan idin xoogayn doonaa, waanan idin caawin doonaa, oo waxaan idinku tiirin doonaa midigtayda xaqa ah.

11. Bal eega, kuwa idinku cadhaysan oo dhammu way wada ceeboobi doonaan, wayna sharafjabi doonaan, oo kuwa idinla dirirayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin, wayna wada halligmi doonaan.

12. Waad doondooni doontaan, mana aad heli doontaan, xataa kuwa idinla diriraya, kuwa idinla dagaallamayaana waxay noqon doonaan sida wax aan jirin oo kale, iyo sida wax baabbah ah.

13. Waayo, anigoo ah Rabbiga Ilaahiinna ah ayaa gacanta midig idinku qaban doona anoo idinku leh, Ha cabsanina, anigaa idin caawin doone.

14. Dixiriga reer Yacquub ahow, ha cabsan, dadkiinnan reer binu Israa'iilow, waan idin caawin doonaa, ayuu leeyahay Rabbiga Bixiyihiinna ah oo ah Kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

15. Bal eega, waxaan idinka dhigi doonaa alaab cusub oo af badan oo ilka leh oo wax lagu tumo, oo waxaad tumi doontaan buuraha, waanad daqiijin doontaan, oo kurahana waxaad ka dhigi doontaa sida buunshe oo kale.

16. Waad haadin doontaan, oo dabayshaa kaxaysan doonta, cirwareentuna way kala firdhin doontaa, oo waxaad ku rayrayn doontaan Rabbiga, waanad ku faani doontaan kan Quduuska ah ee reer binu Israa'iil.

17. Masaakiinta iyo saboolka baahanuba biyay doondoonaan, mana jiraan, carrabkoodiina oon buu la engegay, anigoo Rabbiga ah ayaa u jawaabi doona, anigoo ah Ilaaha reer binu Israa'iil ma dayrin doono.

18. Meelaha sarsare ayaan webiyo ka furi doonaa, ilona dhooxooyinka dhexdood ayaan ka soo dayn doonaa. Oo cidladana waxaan ka dhigi doonaa balli biya ah, dhulka engeganna durdurro biya ah.

19. Waxaan cidlada ku soo beeri doonaa geedaha la yidhaahdo kedar, iyo qudhac, iyo hadaas, iyo geedsaliid, oo lamadegaankana waxaan ka soo bixin doonaa geedaha ah beroosh, iyo tidhaar, iyo te'ashuur,

20. in la arko, oo la ogaado, oo laga fiirsado, oo dhammaan la wada garto in gacanta Rabbigu ay waxaas samaysay, iyo in kan Quduuska ah oo reer binu Israa'iil uu waxaas uumay.

21. Rabbigu wuxuu leeyahay, Dacwadiinna keena. Boqorka reer Yacquub wuxuu leeyahay, Sababihiinna adag soo saara.

22. Iyagu ha soo saareen, oo waxa dhici doona ha noo sheegeen. Waxyaalihii jiri jiray iyo waxay yihiin noo sheega, si aannu uga fiirsanno, oo aannu u ogaanno waxay ugudambaystoodu noqon doonto, amase waxyaalaha iman doona na tusa.

23. Waxyaalaha hadda dabadeed iman doona noo sheega si aannu u ogaanno inaad idinku ilaahyo tihiin. Bal wanaag ama shar sameeya, si aannu u naxno, oo aannu dhammaantayo u wada fiirinno.

24. Bal eega, idinku waxaad tihiin sida waxaan jirin oo kale, oo shuqulkiinnuna waa baabba', oo kii idin doortaana waa karaahiyo.

25. Mid baan xagga woqooyi ka soo kiciyey, wuuna yimid, kaasoo tan iyo marka qorraxdu soo baxdo magacayga ku baryootama, oo wuxuu amiirro ugu dul tuman doonaa sida dhoobada malaasta ah loogu tunto oo kale, iyo sida dheryasameeyuhu dhoobada ugu tunto oo kale.

26. Kumaase waa hore sii sheegay, si aannu u nidhaahno, Waa runtiis? Hubaal mid wax sheega ma jiro, oo mid wax tusa ma jiro, oo mid erayadiinna maqla ma jiro.

27. Anaa ah Kan ugu horreeya oo Siyoon ku yidhi, Bal eega, bal eega iyaga, oo waxaan Yeruusaalem siin doonaa mid war wanaagsan u keena.

28. Oo markaan eego, ninna ma jiro, oo markaan wax weyddiiyana taliye eray iigu jawaabi kara dhexdooda laguma arag.

29. Bal eega, kulligood shuqulladoodu waa wax aan waxba ahayn, waana baabba' oo sanamyadooda la shubayna waa dabayl iyo wax aan micne lahayn.

About ISHACYAAH Chapter 41

Read ISHACYAAH Chapter 41 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ISHACYAAH in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: ISHACYAAH
Chapter: 41
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading ISHACYAAH. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading ISHACYAAH Chapter 41 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is ISHACYAAH Chapter 41?

ISHACYAAH Chapter 41 is part of the Book of ISHACYAAH in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete ISHACYAAH Chapter 41 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Ishacyaah

  1. ISHACYAAH Chapter 34
  2. ISHACYAAH Chapter 50
  3. ISHACYAAH Chapter 58
  4. ISHACYAAH Chapter 46
  5. ISHACYAAH Chapter 13
  6. ISHACYAAH Chapter 66
  7. ISHACYAAH Chapter 10

Related Chapters & Readings

  1. BILOWGII Chapter 20
  2. TAARIIKHDII LAB Chapter 25
  3. MIIKAAH Chapter 5
  4. BAXNIINTII Chapter 12
  5. TIRINTII Chapter 18
  6. MAAHMAAHYADII Chapter 17
  7. SABUURRADII Chapter 117
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *