Read BILOWGII Chapter 47 Online
Read BILOWGII Chapter 47 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BILOWGII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of BILOWGII and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
BILOWGII 47
Cutub 47
1. Markaasaa Yuusuf gudaha galay oo uu Fircoon u warramay, wuxuuna ku yidhi, Aabbahay iyo walaalahay, iyo adhigoodii, iyo lo'doodii, iyo waxay haystaan oo dhammu way ka yimaadeen dalkii Kancaan, oo bal eeg, haatan waxay joogaan dalka Goshen.
2. Oo walaalihiisna wuxuu ka kaxeeyey shan nin, oo wuxuu hor taagay Fircoon.
3. Markaasaa Fircoon wuxuu Yuusuf walaalihiis ku yidhi, Shuqulkiinnu waa maxay? Markaasay waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Annagoo addoommadaada ah waxaannu nahay adhijirro, annaga iyo awowayaashayoba.
4. Oo waxay Fircoon ku yidhaahdeen, Inaannu qariib ahaan dhulka u joogno ayaannu u nimid, waayo, adhiga addoommadaadu daaq ma haysto, maxaa yeelay, abaartu aad bay ugu xun tahay dalkii Kancaan; haddaba waxaannu kaa baryaynaa inaannu annagoo addoommadaada ah degno dalka Goshen.
5. Markaasaa Fircoon la hadlay Yuusuf, oo wuxuu ku yidhi, Aabbahaa iyo walaalahaa aday kuu yimaadeen.
6. Dalka Masarna wuu ku hor yaal; haddaba dalka meesha ugu wanaagsan aabbahaa iyo walaalahaa deji, oo dalka Goshen ha degeen. Oo haddaad ku garanaysid rag karti leh, de ka dhig kuwo xoolahayga u taliya.
7. Markaasaa Yuusuf aabbihiis Yacquub gudaha soo geliyey, oo wuxuu soo hor taagay Fircoon; Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey.
8. Fircoonna wuxuu Yacquub ku yidhi, Immisa jir baad tahay?
9. Markaasaa Yacquub wuxuu Fircoon ku yidhi, Sannadihii aan qariibka ahaa waa boqol iyo soddon; cimrigaygu waa yaraa, wuuna xumaa, mana gaadhin cimrigii awowayaashay qariibka ahaayeen.
10. Yacquubna Fircoon wuu u duceeyey, markaasuu Fircoon hortiisa ka tegey.
11. Markaasuu Yuusuf aabbihiis iyo walaalihiis dejiyey dalkii Masar oo uu ka siiyey meel hanti ah, taasoo ah meeshii dalka ugu wanaagsanayd oo ku tiil dalka la yidhaahdo Racmeses, sidii Fircoon ku amray.
12. Yuusufna aabbihiis iyo walaalihiis, iyo reerkii aabbihiis oo dhan, sidii ay carruurtoodii tiradoodii ahayd, ayuu u quudiyey.
13. Dalkii oo dhanna cunto ma jirin; waayo, abaartu aad bay u xumayd, sidaas daraaddeed dalkii Masar iyo dalkii Kancaan abaartay la taag darnaadeen.
14. Yuusufna wuxuu ururiyey lacagtii dalka Masar tiil oo dhan, iyo tii dalka Kancaan tiil oo dhan, waayo, hadhuudh bay kaga iibsadeen; Yuusufna lacagtii wuxuu keenay gurigii Fircoon.
15. Oo markii lacagtii ka wada dhammaatay dalkii Masar iyo dalkii Kancaanba ayay Masriyiintii oo dhammu u yimaadeen Yuusuf, oo waxay ku yidhaahdeen, Cunto na sii, waayo, maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa? Maxaa yeelay, lacagtayadii way naga dhammaatay.
16. Markaasaa Yuusuf wuxuu ku yidhi, Haddii lacagtii idinka dhammaatay, xoolihiinna keena, oo anna xoolihiinna ayaan cunto idinka siin doonaa.
17. Markaasay xoolahoodii Yuusuf u keeneen, Yuusufna wuxuu iyagii cunto ugu beddelay fardihii, iyo adhigii, iyo lo'dii iyo dameerradii; oo sannaddaas ayuu quudiyey oo xoolahoodii oo dhan cunto ugu beddelay.
18. Oo markii sannaddaasi dhammaatay ayay sannaddii labaad u yimaadeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Sayidkaygiiyow, kaa qarin mayno in lacagtayadii oo dhammu naga idlaatay, ishkinkii lo'da ahaana adigaa leh, sayidkaygiiyow, waxba kuma hadhin hortaada, sayidkaygiiyow, jidhkayaga iyo dhulalkayaga mooyaane.
19. De haddaba maxaannu hortaada ugu dhimanaynaa annaga iyo dhulkayaguba? Annaga iyo dhulkayagaba cunto nagu iibso, oo annaga iyo dhulkayaguba Fircoon baannu addoommo u noqon doonnaa. Abuur la beero na sii inaannu noolaanno, oo aannan dhiman, dhulkayaguna uusan baabbi'in.
20. Yuusufna dhulkii Masar oo dhan Fircoon buu u iibiyey, waayo, Masriyiintii nin waluba wuxuu iibiyey beertiisii, maxaa yeelay, abaartaa ku xumayd iyaga; dhulkiina waxaa yeeshay Fircoon.
21. Dadkiina wuxuu u wareejiyey magaalooyinka dhulka Masar darafkiisa ilaa darafka kale.
22. Wuxuusan iibsan dhulkii wadaaddada oo keliya, waayo, wadaaddadu qayb bay ku lahaan jireen Fircoon, oo waxay cuni jireen qaybtii Fircoon siin jiray, oo sidaas daraaddeed ma ay iibsan dhulkoodii.
23. Markaasaa Yuusuf wuxuu dadkii ku yidhi, Bal eega, maantaan Fircoon idiin iibiyey idinka iyo dhulkiinnaba; haddaba abuurkan qaata oo dhulka ku beera.
24. Markii aad wax soo goosataan, waxaad Fircoon siisaan shan meelood meel, afarta kalena waxay idiin ahaan doonaan abuur aad beerta ku abuurtaan iyo cuntadiinna iyo cuntadii reerihiinna iyo cuntadii dhallaankiinnaba.
25. Markaasay iyana waxay yidhaahdeen, Adigu noloshayada waad badbaadisay, haddaba, sayidkayagiiyow, naga raalli ahow, oo annana waxaannu Fircoon u noqon doonnaa addoommo.
26. Yuusufna wuxuu sameeyey qaynuun ku saabsan dhulka Masar in ilaa maantadan la joogo Fircoon lahaado shantii meeloodba meel, Fircoonna wuxuusan yeelan dhulkii wadaaddada oo keliya.
27. Reer binu Israa'iilna waxay degeen dalka Masar, xagga dhulka Goshen; oo halkaas bay maal ka heleen, wayna bateen, oo aad iyo aad bay u tarmeen.
28. Yacquubna wuxuu dalka Masar ku noolaa toddoba iyo toban sannadood, oo Yacquub cimrigiisu wuxuu ahaa boqol iyo toddoba iyo afartan sannadood.
29. Wakhtigii Israa'iil dhiman lahaana waa soo dhowaaday, markaasuu wiilkiisii Yuusuf u yeedhay, oo wuxuu ku yidhi, Haddaba haddii aad raalli iga tahay, waan ku baryayaaye, gacantaada bowdadayda hoos geli, oo si raxmad leh oo daacad ah igu la dhaqan. Haddaba waan ku baryayaaye, Masar ha igu aasin,
30. laakiinse meydkaygu ha la jiifo awowayaashay; waa inaad Masar iga qaaddaa oo aad igu aastaa meeshii lagu aasay awowayaashay. Markaasuu isna yidhi, Waan yeeli doonaa sidaad igu tidhi.
31. Markaasuu ku yidhi, Ii dhaaro, isna wuu u dhaartay. Markaasaa Israa'iil sariirta madaxeedii ku foororsaday.
About BILOWGII Chapter 47
Read BILOWGII Chapter 47 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BILOWGII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: BILOWGII
Chapter: 47
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading BILOWGII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading BILOWGII Chapter 47 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is BILOWGII Chapter 47?
BILOWGII Chapter 47 is part of the Book of BILOWGII in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete BILOWGII Chapter 47 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from Bilowgii
- BILOWGII Chapter 44
- BILOWGII Chapter 34
- BILOWGII Chapter 11
- BILOWGII Chapter 20
- BILOWGII Chapter 21
- BILOWGII Chapter 38
- BILOWGII Chapter 27