GABAYGII SULAYM Chapter 8

For English

Read GABAYGII SULAYM Chapter 8 Online

Read GABAYGII SULAYM Chapter 8 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of GABAYGII SULAYM in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of GABAYGII SULAYM and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

GABAYGII SULAYM 8

Cutub 8

1. Haddaad ahaan lahayd walaalkay Oo naasihii hooyaday nuugay, Markaan dibadda kaa helaba waan ku dhunkan lahaa. Oo innaba layma quudhsadeen.

2. Waan ku soo kaxayn lahaa oo waxaan ku gelin lahaa guriga hooyaday, Wax baadna i bari lahayd. Oo waxaan ku cabsiin lahaa khamriga xawaashka leh Ee biyaha rummaankayga laga sameeyey.

3. Gacantiisa bidix madaxaygay ka hoosayn lahayd, Oo gacantiisa midigna way isku kay duubi lahayd.

4. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, waxaan idinku dhaarinayaa Inaydaan jacayl kicin, ama aydaan toosin, Ilaa uu doono.

5. Waa tuma tan cidlada ka soo baxaysa, Ee gacaliyeheeda ku tiirsanu? Waxaan kaa soo kiciyey geed tufaax ah hoostiis. Halkaasaa hooyadaa kugu foolatay, Oo halkaasay tii ku dhashay kugu foolatay.

6. Qalbigaaga korkiisa ii dhig sida shaabad oo kale, oo gacantaada korkeeda ii dhig sida shaabad oo kale, Waayo, jacaylku wuxuu u xoog badan yahay sida geeri oo kale, Oo masayrkuna wuxuu u nac weyn yahay sidii She'ool oo kale. Belbelkiisu waa sida belbel dab ah, Oo waa ololka ugu wada kulul ee Rabbiga.

7. Biyo badanu jacayl ma demin karaan, Oo daadadkuna innaba ma qarqin karaan. Haddii nin damco inuu jacayl soo siisto maalka gurigiisa oo dhan, Haddana dhammaan waa la quudhsan lahaa.

8. Annagu waxaannu leennahay walaal yar, Oo aan innaba naaso lahayn. Haddaba bal maxaannu walaashayo u samayn doonnaa Maalintii iyada guur loo soo doonto?

9. Hadday derbi tahay waxaannu korkeeda ka dhisi doonnaa munaarad lacag ah, Oo hadday albaab tahayna waxaannu iyada ku hareerayn doonnaa alwaaxyo kedar ah.

10. Anigu waxaan ahay derbi, oo naasahayguna waa sida munaaradaha oo kale. Oo markaas waxaan hortiisa ku ahaa sidii mid nabad heshay.

11. Sulaymaan beercanab buu Bacal Hamoon ku lahaa; Oo beercanabkii wuxuu ka kireeyey kuwa dhawra, Oo midkood kastaaba wuxuu midhaheeda uga keeni jiray kun xabbadood oo lacag ah.

12. Beercanabkayga ah kan aan iska leeyahay, hortayduu ku yaal, Haddaba Sulaymaanow, adigu waxaad heli doontaa kun, Kuwa midhihiisa dhawraana laba boqol.

13. Taada beeraha dhexdooda degganay, Rafiiqyadaadu waxay dhegaystaan codkaaga, Haddaba, bal i maqashii.

14. Gacaliyahaygow, dhaqso, Oo waxaad ahaataa sida cawl ama deer qayrab ah Oo buuraha dhirta udgoon kor jooga.

About GABAYGII SULAYM Chapter 8

Read GABAYGII SULAYM Chapter 8 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of GABAYGII SULAYM in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: GABAYGII SULAYM
Chapter: 8
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading GABAYGII SULAYM. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading GABAYGII SULAYM Chapter 8 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is GABAYGII SULAYM Chapter 8?

GABAYGII SULAYM Chapter 8 is part of the Book of GABAYGII SULAYM in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete GABAYGII SULAYM Chapter 8 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from gabaygii-sulaym

  1. GABAYGII SULAYM Chapter 2
  2. GABAYGII SULAYM Chapter 3
  3. GABAYGII SULAYM Chapter 4
  4. GABAYGII SULAYM Chapter 1
  5. GABAYGII SULAYM Chapter 7
  6. GABAYGII SULAYM Chapter 5
  7. GABAYGII SULAYM Chapter 6

Related Chapters & Readings

  1. ISHACYAAH Chapter 66
  2. CIBRAANIYADA Chapter 4
  3. ISHACYAAH Chapter 48
  4. FALIMAHA RASUUL Chapter 5
  5. DAANYEEL Chapter 11
  6. SABUURRADII Chapter 18
  7. ISHACYAAH Chapter 61
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *