BILOWGII Chapter 28

For English

Read BILOWGII Chapter 28 Online

Read BILOWGII Chapter 28 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BILOWGII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of BILOWGII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

BILOWGII 28

Cutub 28

1. Isxaaqna wuxuu u yeedhay Yacquub, wuuna u duceeyey, oo wuxuu ku amray, oo ku yidhi, Waa inaadan naag ka guursan gabdhaha reer Kancaan.

2. Kac oo xagga Fadan Araam tag, iyo xagga gurigii Betuu'el oo ah hooyadaa aabbeheed; oo halkaas naag ka guurso gabdhaha Laabaan oo ah hooyadaa walaalkeed.

3. Oo Ilaaha Qaadirka ahu ha ku barakeeyo, oo ha ku badiyo, oo ha ku tarmiyo, inaad noqotid dad faro badan,

4. oo ha ku siiyo barakadii Ibraahim, adiga iyo farcankaaga kula joogaba, inaad dhaxashid dalka aad qariibka ku tahay, oo Ilaah Ibraahim siiyey.

5. Isxaaqna Yacquub wuu diray: oo wuxuu u kacay Fadan Araam xagga Laabaan, ina Betuu'el kii reer Suuriya, oo ahaa Rebeqah walaalkeed tii ahayd Yacquub iyo Ceesaw hooyadood.

6. Ceesawna wuxuu arkay in Isxaaq u duceeyey Yacquub oo u diray Fadan Araam, inuu halkaas naag ka guursado, iyo inuu markuu u duceeyey amray, oo ku yidhi, Waa inaadan naag ka guursan gabdhaha reer Kancaan;

7. iyo in Yacquub addeecay aabbihiis iyo hooyadiis, oo uu u kacay xagga Fadan Araam.

8. Oo Ceesaw wuxuu arkay inaanay gabdhaha reer Kancaan ka farxin aabbihiis Isxaaq.

9. Markaasuu Ceesaw wuxuu u kacay xagga Ismaaciil, oo wuxuu naagihii uu qabay ku daray Mahalad gabadhii Ismaaciil ina Ibraahim, taas oo ahayd Nebayod walaashiis, si ay naagtiisii u noqoto.

10. Yacquubna waa ka tegey Bi'ir Shebac, oo wuxuu u kacay xagga Haaraan.

11. Oo meel buu gaadhay oo halkaasuu habeenkii oo dhan joogay, maxaa yeelay, qorraxdu way dhacday, markaasuu qaaday mid ka mid ah dhagxantii meeshaas, oo barkaday, halkaasuuna jiifsaday si uu u seexdo.

12. Wuuna riyooday, oo riyadiisii wuxuu ku arkay sallaan dhulka qotoma oo caaraddiisiina samada gaadhay, wuxuuna arkay malaa'igihii Ilaah oo ku koraya, kuna soo degaya.

13. Oo bal eeg, Rabbigaa isdul taagay, oo yidhi, Waxaan ahay Rabbiga ah Ilaaha awowgaa Ibraahim, iyo Ilaaha Isxaaq. Dhulka aad ku jiifto, waxaan siin doonaa adiga iyo farcankaaga.

14. Farcankaaguna wuxuu noqon doonaa sida ciidda dhulka, oo waxaad ku firdhi doontaan tan iyo galbeed, iyo bari, iyo tan iyo woqooyi, iyo koonfur: oo adiga iyo farcankaagay qabiilooyinka dhulka oo dhammu ku barakoobi doonaan.

15. Oo bal eeg, waan kula jiraa, meel alla meeshii aad tagtidna waan kugu dhawri doonaa, dalkanna mar kalaan kugu soo celin doonaa; waayo, anigu kaa tegi maayo ilaa aan sameeyo wixii aan kugula hadlay.

16. Markaasuu Yacquub ka toosay hurdadiisii, oo wuxuu yidhi, Hubaal Rabbigaa halkan jooga, mana aan ogayn.

17. Wuuna cabsaday, oo wuxuu yidhi, Meeshanu cabsi badanaa! Tanu meel kale ma aha, gurigii Ilaah mooyaane, tanuna waa iriddii samada.

18. Yacquubna aroor horuu kacay, oo wuxuu qaaday dhagaxii uu barkaday, oo sidii tiir buu u qotomiyey, kolkaasuu saliid ku dul shubay.

19. Meeshaas magaceediina wuxuu u bixiyey Beytel: laakiinse markii hore magaalada magaceedu wuxuu ahaa Luus.

20. Yacquubna nidar buu nidray, oo wuxuu yidhi, Haddii Ilaah ila jiro, oo uu jidkan aan socdo igu dhawro, oo uu i siiyo wax aan cuno, iyo dhar aan xidho,

21. oo aan aniga oo nabad qaba ku soo noqdo gurigii aabbahay, markaas Rabbigu wuxuu ii noqon doonaa Ilaah,

22. oo dhagaxan aan sidii tiir u qotomiyey, wuxuu noqon doonaa guriga Ilaah: oo wax alla wixii aad i siisidna hubaal meel tobnaadka adigaan ku siin doonaa.

About BILOWGII Chapter 28

Read BILOWGII Chapter 28 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of BILOWGII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: BILOWGII
Chapter: 28
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading BILOWGII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading BILOWGII Chapter 28 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is BILOWGII Chapter 28?

BILOWGII Chapter 28 is part of the Book of BILOWGII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete BILOWGII Chapter 28 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Bilowgii

  1. BILOWGII Chapter 20
  2. BILOWGII Chapter 40
  3. BILOWGII Chapter 30
  4. BILOWGII Chapter 19
  5. BILOWGII Chapter 11
  6. BILOWGII Chapter 8
  7. BILOWGII Chapter 14

Related Chapters & Readings

  1. XAAKINNADA Chapter 19
  2. YEREMYAAH Chapter 35
  3. YASHUUCA Chapter 22
  4. BOQORRADII KOWA Chapter 8
  5. LAAWIYIINTII Chapter 9
  6. TIRINTII Chapter 25
  7. TAARIIKHDII KOW Chapter 11
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *