GABAYGII SULAYM Chapter 5

For English

Read GABAYGII SULAYM Chapter 5 Online

Read GABAYGII SULAYM Chapter 5 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of GABAYGII SULAYM in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of GABAYGII SULAYM and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

GABAYGII SULAYM 5

Cutub 5

1. Walaashayay, aroosaddaydiiyey, beertaydii waan soo dhex galay. Malmalkaygiina dhirtaydii udgoonayd baan la gurtay, Oo awlalladaydii shinniyeed iyo malabkaygiina waan cunay, Khamrigaygii iyo caanahaygiina waan cabbay, Saaxiibbadayow, wax cuna, Wax cabba, gacaliyayaalow, aad u cabba.

2. Anigu waan hurday, laakiinse qalbigaygu waa soo jeeday. Waxaan maqlay codkii gacaliyahayga oo albaabka garaacaya, isagoo leh, Walaashayay, taan jeclahayay, qoolleydaydiiyey, tayda sanay, iridda iga fur, Waayo, madaxayga waxaa ka buuxa dharab, Oo timahaygana waxaa qoyay dhibicyihii habeennimada.

3. Dharkaygii waan iska bixiyey, bal sidee baan u xidhaa? Oo cagahaygiina waan maydhay, bal sidee baan u wasakheeyaa?

4. Gacaliyahaygii wuxuu gacantiisii ka soo dusiyey daloolkii albaabka, Oo qalbigaygu isaguu u dhaqaaqay.

5. Waxaan u sara joogsaday inaan gacaliyahayga iridda ka furo, Oo gacmahaygana waxaa ka daadanayay malmal, Farahaygana malmalku Wuxuu kaga tiftifqay qataarkii albaabka.

6. Gacaliyahaygii waan ka furay, Laakiinse gacaliyahaygii wuu iska noqday, wuuna tegey. Naftaydii markuu hadlay way naxday. Isagaan doondoonay, laakiinse waan heli kari waayay. Waan u dhawaaqay, laakiinse innaba iima uu jawaabin.

7. Oo waardiyayaashii magaalada dhex warwareegayay ayaa i helay Wayna i garaaceen oo i dhaawaceen. Oo kuwii derbiyada dhawrayay ayaa garbasaartaydii iga qaaday.

8. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Waxaan idinku dhaarinayaa, haddaad gacaliyahaygii aragtaan, U sheega inaan caashaq la buko.

9. Gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Taada naagaha ugu qurxoonay? Bal gacaliyahaagu muxuu gacaliye kale dheer yahay, Waadigaa sidan noo dhaarinayee?

10. Gacaliyahaygu waa cad yahay oo waa casaan. Waana kan toban kun ugu wanaagsan.

11. Madaxiisu waa sida dahab saafi ah, Oo timihiisuna waa sida cawbaar, oo waxay u madow yihiin sida tuke oo kale.

12. Indhihiisu waa sida indho qoolley oo durdur biya ah ag joogta, Oo caano lagu maydhay oo si qumman loo dhigay.

13. Dhabannadiisu waa sida beer dhir udgoon ah iyo sida ubaxyo carfa. Oo bushimihiisuna waa sida ubaxshooshanno uu malmal ka tiftifqayo.

14. Gacmihiisu waa sida kaatummo dahab ah oo berullos lagu dhejiyey, Oo jidhkiisuna waa sida foolmaroodi oo dhalaalaya oo safayr lagu sharraxay.

15. Lugihiisu waa sida tiirar marmar ah, oo lagu qotomiyey saldhigyo dahab saafiya ah, Oo muuqashadiisuna waa sida Buur Lubnaan oo kale, oo wuxuu u qurxoon yahay sida geedaha kedarka oo kale.

16. Afkiisu aad iyo aad buu u macaan yahay, oo isaga dhammaantiis waa mid aad loo jecel yahay. Gabdhaha reer Yeruusaalemow, Kaasu waa gacaliyahayga, waana saaxiibkayga.

About GABAYGII SULAYM Chapter 5

Read GABAYGII SULAYM Chapter 5 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of GABAYGII SULAYM in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: GABAYGII SULAYM
Chapter: 5
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading GABAYGII SULAYM. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading GABAYGII SULAYM Chapter 5 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is GABAYGII SULAYM Chapter 5?

GABAYGII SULAYM Chapter 5 is part of the Book of GABAYGII SULAYM in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete GABAYGII SULAYM Chapter 5 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEXESQEEL Chapter 3
  2. YEREMYAAH Chapter 1
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 4
  5. YEXESQEEL Chapter 24
  6. YEXESQEEL Chapter 5
  7. YEXESQEEL Chapter 15

Explore More from gabaygii-sulaym

  1. GABAYGII SULAYM Chapter 4
  2. GABAYGII SULAYM Chapter 6
  3. GABAYGII SULAYM Chapter 2
  4. GABAYGII SULAYM Chapter 8
  5. GABAYGII SULAYM Chapter 3
  6. GABAYGII SULAYM Chapter 1
  7. GABAYGII SULAYM Chapter 7

Related Chapters & Readings

  1. LUUKOS Chapter 3
  2. YEREMYAAH Chapter 10
  3. XAGGAY Chapter 1
  4. MARKOS Chapter 4
  5. AYUUB Chapter 5
  6. SABUURRADII Chapter 58
  7. RUUD Chapter 3
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *