CIBRAANIYADA Chapter 2

For English

Read CIBRAANIYADA Chapter 2 Online

Read CIBRAANIYADA Chapter 2 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of CIBRAANIYADA in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of CIBRAANIYADA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

CIBRAANIYADA 2

Cutub 2

1. Taa aawadeed waa inaynu aad u dhegaysanno waxaynu maqalnay waaba intaasoo ay inaga fakadaan.

2. Waayo, haddii hadalkii malaa'iguhu ku hadleen xaqiiq ahaa, oo kii kasta oo xadgudub iyo caasinimo sameeyey uu helay abaalgud xaq ah,

3. sidee baynu u baxsan doonnaa haddaynu dayacno badbaadintan weyn oo Rabbigu kolkii hore ku hadlay oo kuwii maqlayna inoo xaqiiqeeyeen?

4. Ilaahna wuxuu ugu marag furay calaamooyin iyo yaababba, iyo xoogag kala duduwan, iyo hadiyado Ruuxa Quduuska ahu u qaybiyey siduu doonayay.

5. Waayo, dunida iman doonta oo aynu ka hadalno malaa'igaha kama uu hoosaysiin.

6. Laakiin mid baa meel ka marag furay isagoo leh, Bal waa maxay dadku oo aad u xusuusataa isaga? Ama wiilka aadanaha, oo aad u soo booqataa?

7. Waxaad isaga wax yar ka hoosaysiisay malaa'igaha. Waxaanad taaj uga dhigtay ammaan iyo murwad, Oo waxaad ka sarraysiisay shuqullada gacmahaaga,

8. Wax walbana cagihiisaad ka hoosaysiisay. Isagoo wax walba isaga ka hoosaysiiyey, wax uu dhaafay oo aanu isaga ka hoosaysiinini ma jiraan, laakiin imminka weli ma aragno wax walba oo isaga laga hoosaysiiyey.

9. Laakiin waxaynu aragnaa Ciise, kan wax yar malaa'igaha laga hoosaysiiyey, isagoo xanuunka dhimashada aawadiis ammaan iyo murwad taaj loogu geliyey inuu nimcada Ilaah dhimashada ugu dhadhamiyo qof walba.

10. Waayo, waa u ekayd kan wax walba u yihiin, oo wax walba ka yimaadeen, markuu carruur badan ammaan u keeno, inuu bilaabaha badbaadadooda xanuun ku kaamilo.

11. Waayo, kan quduus ka dhiga iyo kuwa quduus laga dhigaaba kulli mid keliya ayay ka yimaadaan; taas aawadeed isagu kalama xishoodo inuu iyaga ugu yeedho walaalo,

12. isagoo leh, Magacaaga waxaan u sheegi doonaa walaalahay, Oo ururka dhexdiisa ayaan kugu ammaani doonaa.

13. Oo haddana, Isagaan aamini doonaa, oo haddana, Bal eega, aniga iyo carruurta Ilaah i siiyey.

14. Carruurtu waxay qayb ka heleen jidh iyo dhiig, taas aawadeed isaguna sidaas oo kale ayuu uga qayb qaatay, inuu dhimasho ku baabbi'iyo kii xoogga dhimashada lahaa, oo ah Ibliiska,

15. iyo inuu furo kulli kuwii cimrigoodii oo dhan addoonnimo ugu hoos jiray cabsida dhimashada.

16. Waayo, runtii, ma uu qaadan suuradda malaa'igaha, wuxuuse qaatay tan dhashii Ibraahim.

17. Haddaba waxaa isaga u ekayd inuu wax walba ugu ekaado walaalihiis, inuu wadaad sare oo naxariis iyo aamin badan leh u noqdo xagga waxyaalaha Ilaah, si uu cadhotir ugu noqdo dembiyada dadka.

18. Waayo, isaga qudhiisu wuu xanuunsaday isagoo la jirrabay, taas aawadeed wuu karaa inuu caawiyo kuwa la jirrabo.

About CIBRAANIYADA Chapter 2

Read CIBRAANIYADA Chapter 2 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of CIBRAANIYADA in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: CIBRAANIYADA
Chapter: 2
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading CIBRAANIYADA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading CIBRAANIYADA Chapter 2 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is CIBRAANIYADA Chapter 2?

CIBRAANIYADA Chapter 2 is part of the Book of CIBRAANIYADA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete CIBRAANIYADA Chapter 2 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdiga Cusub

  1. MATAYOS Chapter 1
  2. MATAYOS Chapter 5
  3. MATAYOS Chapter 16
  4. MATAYOS Chapter 6
  5. MATAYOS Chapter 10
  6. MATAYOS Chapter 15
  7. MATAYOS Chapter 14

Explore More from cibraaniyada

  1. CIBRAANIYADA Chapter 9
  2. CIBRAANIYADA Chapter 4
  3. CIBRAANIYADA Chapter 8
  4. CIBRAANIYADA Chapter 13
  5. CIBRAANIYADA Chapter 11
  6. CIBRAANIYADA Chapter 5
  7. CIBRAANIYADA Chapter 3

Related Chapters & Readings

  1. MATAYOS Chapter 21
  2. SABUURRADII Chapter 74
  3. TAARIIKHDII KOW Chapter 24
  4. YASHUUCA Chapter 9
  5. BILOWGII Chapter 26
  6. CIBRAANIYADA Chapter 13
  7. MAAHMAAHYADII Chapter 19
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *