Read CIBRAANIYADA Chapter 1 Online
Read CIBRAANIYADA Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of CIBRAANIYADA in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of CIBRAANIYADA and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
CIBRAANIYADA 1
Cutub 1
1. Ilaah wuxuu waagii hore siyaalo badan oo kala duduwan awowayaasheen kula hadlay nebiyadii,
2. laakiin maalmahan ugu dambaystooda wuxuu inagula hadlay Wiilkiisa uu ka dhigay kan wax walba dhaxla, kan uu duniyooyinkana ku sameeyey.
3. Oo isagu waa dhalaalka ammaantiisa iyo u-ekaanta ahaantiisa, oo wax walba wuxuu ku hayaa erayga xooggiisa, oo goortuu daahirinta dadka dembiyadooda sameeyey dabadeed ayuu wuxuu fadhiistay Weynaha xagga sare midigtiisa,
4. isagoo aad uga wanaagsan malaa'igaha siduu u dhaxlay magac ka sii wanaagsan kooda.
5. Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi, Adigu waxaad tahay Wiilkayga, Maantaan ku dhalay? Oo weliba, Waxaan isaga u noqon doonaa Aabbe, Oo isaguna wuxuu ii noqon doonaa Wiil?
6. Oo weliba, markuu curadka dunida dhex keenayay, wuxuu yidhi, Malaa'igaha Ilaah oo dhammu isaga ha caabudeen.
7. Oo xagga malaa'igahana wuxuu ka yidhi, Wuxuu malaa'igihiisa ka dhigaa dabaylo, Kuwa u adeegana dab ololkiis.
8. Laakiin Wiilka wuxuu ka yidhi, Carshigaagu, Ilaahow, waa weligiis iyo weligiis; Oo usha qummanaantuna waa usha boqortooyadaada.
9. Adigu xaqnimada waad jeclayd, dembigana waad necbayd, Sidaas daraaddeed Ilaaha Ilaahaaga ahi wuxuu kuugu subkay Saliidda farxadda, oo kuwa ku weheliyana wuu kaa sarraysiiyey.
10. Oo, Adigu Rabbiyow, bilowgii dhulkaad aasaastay, Samooyinkuna waa shuqullada gacmahaaga,
11. Iyagu way baabbi'i doonaan, adiguse waad sii jiraysaa; Oo kulligood sida dhar bay u duugoobi doonaan,
12. Oo sida go' baad u laallaabi doontaa, Sida dhar bayna u beddelmi doonaan; Adiguse sidaadii uun baad tahay Sannadahaaguna ma dhammaan doonaan.
13. Malaa'igihii tee buu marnaba ku yidhi, Midigtayda fadhiiso Ilaa aan cadaawayaashaada cagahaaga hoostooda geliyo?
14. Miyaanay kulligood ahayn ruuxyo kaalmeeya oo loo soo diray inay shuqul u qabtaan kuwa badbaadada dhaxli doona?
About CIBRAANIYADA Chapter 1
Read CIBRAANIYADA Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of CIBRAANIYADA in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: CIBRAANIYADA
Chapter: 1
Testament: New Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading CIBRAANIYADA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading CIBRAANIYADA Chapter 1 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is CIBRAANIYADA Chapter 1?
CIBRAANIYADA Chapter 1 is part of the Book of CIBRAANIYADA in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete CIBRAANIYADA Chapter 1 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdiga Cusub
- MATAYOS Chapter 1
- MATAYOS Chapter 5
- MATAYOS Chapter 16
- MATAYOS Chapter 6
- MATAYOS Chapter 10
- MATAYOS Chapter 15
- MATAYOS Chapter 14
Explore More from cibraaniyada
- CIBRAANIYADA Chapter 4
- CIBRAANIYADA Chapter 7
- CIBRAANIYADA Chapter 6
- CIBRAANIYADA Chapter 8
- CIBRAANIYADA Chapter 13
- CIBRAANIYADA Chapter 12
- CIBRAANIYADA Chapter 3