Read MATAYOS Chapter 14 Online
Read MATAYOS Chapter 14 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MATAYOS in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of MATAYOS and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
MATAYOS 14
Cutub 14
1. Waagaas taliye Herodos ayaa warkii Ciise maqlay,
2. oo wuxuu midiidinyadiisii ku yidhi, Kanu waa Yooxanaa Baabtiisaha. Kuwii dhintay ayuu ka soo sara kacay, sidaa darteed shuqulladan xoogga leh waa ku dhex jiraan oo shaqaynayaan.
3. Waayo, Herodos baa Yooxanaa qabtay oo intuu xidhay ayuu u xabbisay, walaalkiis Filibos naagtiisii Herodiya aawadeed.
4. Waayo, Yooxanaa wuxuu ku yidhi, Xalaal kuuma aha inaad haysatid,
5. oo goortuu doonay inuu dilo, dadkii badnaa ayuu ka baqay, maxaa yeelay, waxay u haysteen sidii nebi oo kale.
6. Goortii maalintii la xusuustay dhalashadii Herodos timid, gabadhii Herodiya ayaa dadkii dhexdiisa ku cayaartay, oo Herodos ayay ka farxisay.
7. Kolkaasuu dhaar ku ballanqaaday inuu siiyo wixii ay weyddiisatoba.
8. Iyadoo hooyadeed hore ula soo talisay ayay tidhi, Halkan xeedho igu soo sii madaxa Yooxanaa Baabtiisaha.
9. Boqorkii waa calool xumaaday, laakiin dhaarihiisii iyo kuwii la fadhiyey aawadood ayuu ku amray in la siiyo.
10. Markaasuu cid diray oo Yooxanaa xabsigaa madaxa lagaga gooyay.
11. Madaxiisiina waxaa lagu keenay xeedho, oo gabadhii la siiyey, iyaduna hooyadeed bay u keentay.
12. Markaasaa xertiisii timid, oo meydkiisay qaadeen oo aaseen, kolkaasay tageen oo Ciise u warrameen.
13. Ciise goortuu taas maqlay, ayuu halkaas doonni kaga soo noqday, oo meel cidla ah ayuu keligiis tegey. Dadkii badnaana goortay warkaas maqleen, ayay magaalooyinka lug kaga soo raaceen.
14. Goortuu degay ayuu dad badan arkay, wuuna u naxariistay, oo kuwoodii bukay ayuu bogsiiyey.
15. Goortii makhribkii la gaadhay ayaa xertiisii u timid oo ku tidhi, Meeshu waa cidlo, wakhtigiina waa dhammaaday, haddaba dadka dir si ay tuulooyinka u tagaan oo cunto u soo iibsadaan.
16. Laakiin Ciise wuxuu ku yidhi, Uma ay baahna inay tagaan, idinku siiya waxay cunaan.
17. Waxay ku yidhaahdeen, Halkan waxba kuma hayno shan kibsood iyo laba kalluun maahee.
18. Markaasuu wuxuu ku yidhi, Halkan iigu keena.
19. Kolkaasuu dadkii badnaa ku amray inay cawska ku fadhiistaan. Isaguna wuxuu qaaday shantii kibsood iyo labadii kalluun, oo intuu cirka eegay ayuu barakeeyey oo kibistii kala jejebiyey oo xertiisii siiyey, xertiina dadkii badnaa bay siiyeen.
20. Dhammaantood way wada cuneen oo ka dhergeen, oo waxay soo gureen jajabkii hadhay oo laba iyo toban dambiilood ka buuxa.
21. Kuwii cunayna waxay ku dhowaayeen shan kun oo nin oo aan naagaha iyo carruurtu ku jirin.
22. Kolkiiba wuxuu xertiisii ku amray inay doonnida fuulaan oo ay hortiis tagaan dhanka kale, intuu dadkii badnaa dirayo.
23. Goortuu dadkii badnaa diray ayuu keligiis buurta fuulay inuu ku tukado, oo goortii makhribka la gaadhay keli ahaantiis ayuu halkaas joogay.
24. Doonniduse durba wax badan ayay dhulka ka fogaatay oo hirarku waa dhibeen, waayo, dabaysha ayaa ka gees ahayd.
25. Wakhtiga gaadhkii afraad oo habeenka ayuu u yimid isagoo badda ku dul socda.
26. Oo xertiisii goortay arkeen isagoo badda ku dul socda, way nexeen oo waxay yidhaahdeen, Waa muuqasho, oo baqdin bay la qayliyeen.
27. Markiiba Ciise waa la hadlay oo ku yidhi, Kalsoonaada, waa aniga ee ha baqina.
28. Markaasaa Butros u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, haddaad tahay adiga, igu amar inaan biyaha kuugu dul imaado.
29. Wuxuu ku yidhi, Kaalay. Oo Butros markuu doonnida ka degay ayuu biyaha ku dul socday inuu Ciise u tago.
30. Laakiin goortuu dabayshii arkay ayuu baqay, oo markuu bilaabay inuu dego ayuu qayliyey oo ku yidhi, Sayidow, i badbaadi,
31. oo markiiba Ciise gacantiisuu u taagay oo qabtay oo ku yidhi, Rumaysadyare yahow, maxaad u shakiday?
32. Oo markay doonnida fuuleen, dabayshu waa joogsatay.
33. Kuwii doonnida ku jirayna way caabudeen isaga, oo waxay ku yidhaahdeen, Runtii, waxaad tahay Wiilka Ilaah.
34. Oo markay gudbeen waxay yimaadeen dalka Gennesared.
35. Oo nimankii halkaas degganaa goortay garteen isaga, waxay cid u direen dalkaas ku wareegsan oo dhan, oo waxay u keeneen kuwa buka oo dhan,
36. oo waxay ka baryeen inay faraqa maradiisa keliya taabtaan, oo kuwii taabtayna way bogsadeen.
About MATAYOS Chapter 14
Read MATAYOS Chapter 14 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of MATAYOS in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: MATAYOS
Chapter: 14
Testament: New Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading MATAYOS. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading MATAYOS Chapter 14 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is MATAYOS Chapter 14?
MATAYOS Chapter 14 is part of the Book of MATAYOS in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete MATAYOS Chapter 14 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdiga Cusub
- MATAYOS Chapter 1
- MATAYOS Chapter 5
- MATAYOS Chapter 16
- MATAYOS Chapter 6
- MATAYOS Chapter 10
- MATAYOS Chapter 15
- MATAYOS Chapter 12
Explore More from matayos
- MATAYOS Chapter 18
- MATAYOS Chapter 9
- MATAYOS Chapter 4
- MATAYOS Chapter 3
- MATAYOS Chapter 25
- MATAYOS Chapter 5
- MATAYOS Chapter 19