CIBRAANIYADA Chapter 7

For English

Read CIBRAANIYADA Chapter 7 Online

Read CIBRAANIYADA Chapter 7 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of CIBRAANIYADA in the New Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of CIBRAANIYADA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

CIBRAANIYADA 7

Cutub 7

1. Malkisadaqan, oo Saalem boqorka u ahaa, wadaadkii Ilaaha ugu sarreeyana ahaa, wuxuu la kulmay Ibraahim oo ka soo noqday layntii boqorrada, wuuna barakeeyey.

2. Oo Ibraahim wuxuu isagii wax kasta ka siiyey toban meelood oo meel. Malkisadaq hortii waxaa magiciisii lagu fasiray, Boqorka Xaqnimada, dabadeedna, Boqorka Saalem, oo ah Boqorka Nabadda.

3. Aabbe ma lahayn, hooyona ma lahayn, abtirsiinyona ma lahayn, oo isagoo aan lahayn bilowga maalmaha ama dhammaadka nolosha laakiin loo ekaysiiyey Wiilka Ilaah, ayuu weligiis wadaad sii ahaanayaa.

4. Haddaba ka fiirsada ninkanu siduu u weynaa, kan Ibraahim oo madaxda awowayaashii ahi meeltobnaad ka siiyey boolidii.

5. Oo runtii kuwii qoladii Laawi oo helay shuqulka wadaadnimada waxay haystaan amar ay dadka kaga qaataan meeltobnaadka sida sharcigu leeyahay, kuwaas waxaa weeye walaalahood in kastoo ay kuwanu ka yimaadeen xanjaadka Ibraahim.

6. Laakiin kii aan iyaga ku abtirsanin ayaa wuxuu Ibraahim ka qaatay meeltobnaadyo, oo barakeeyey kii ballamada loo qaaday.

7. Laakiin muranla'aan kan yar waxaa barakeeya kan ka wanaagsan.

8. Oo halkan waxaa meeltobnaadyada qaata dadka dhinta, laakiin halkaas mid loo markhaati furay inuu nool yahay.

9. Waxaa la odhan kara, Laawiga meeltobnaadyada qaataana, Ibraahim meeltobnaadyo ayuu ku bixiyey.

10. Waayo, isagu weli xanjaadkii aabbihiis buu ku jiray kolkii Malkisadaq la kulmay.

11. Haddaba haddii kaamilnimo ku jirtay wadaadnimadii Laawi, waayo, iyada ayuu dadku sharciga ka hoos helaye, maxaa weli loogu baahnaa in wadaad kale ka kaco derejadii Malkisadaq oo aan lagu magacaabin derejadii Haaruun?

12. Waayo, wadaadnimada markii la beddelo waa lagamamaarmaan in sharcigana la beddelo.

13. Waayo, kii waxyaalahan laga sheegay waa qolo kale oo aan nin meeshii allabariga ka shaqeeyey ka iman.

14. Waa cad dahay in Sayidkeennu ka soo baxay Yahuudah, oo ah qolo aan Muuse kaga hadlin wax wadaaddo ku saabsan.

15. Oo weliba aad bay u sii cad dahay, haddii wadaad kale oo Malkisadaq u egi kaco,

16. kii aan wadaad lagaga dhigin sharciga abtirsiinyada xagga jidhka, laakiin xagga xoogga nolosha aan dhammaadka lahayn.

17. Waayo, isaga waxaa loogu markhaati furay, Adigu weligaaba wadaad baad tahay Sidii derejadii Malkisadaq.

18. Waayo, amarkii hore waxaa loo buriyey itaaldarradiisii iyo faa'iidola'aantiisii,

19. maxaa yeelay, sharcigu waxba ma uu kaamilin. Oo waxaa la keenay rajo ka wanaagsan oo aynu Ilaah ugu dhowaanno.

20. Oo isagu dhaarla'aan wadaad kuma uu noqon.

21. Iyagu dhaarla'aan bay wadaaddo ku noqdeen, laakiin isagu wuxuu ku noqday dhaarta kan ku yidhi, Rabbigu waa dhaartay, kana soo noqon maayo, Adigu weligaaba wadaad baad tahay.

22. Oo sidaasuu Ciise ku noqday dammiinka axdiga ka wanaagsan.

23. Iyaguna waxay noqdeen wadaaddo tiro badan, maxaa yeelay, dhimashada ayaa ka joojisay inay sii jiraan:

24. Isaguse wuxuu haystaa wadaadnimadiisa aan beddelmi karin, waayo, weligiis buu sii jirayaa.

25. Sidaas daraaddeed dhammaan buu u badbaadin karaa kuwa Ilaah ugu dhowaada isaga, maxaa yeelay, isagu weligiis waa nool yahay si uu ugu duceeyo iyaga.

26. Waayo, wadaad sare oo caynkan ahu waa inagu habboonaa, mid quduus ah oo aan khiyaano iyo wasakh toona lahayn, oo dembilayaasha ka soocan, oo samooyinka laga sarraysiiyey,

27. kan aan u baahnayn inuu maalin walba allabari u bixiyo sida wadaaddadii sare, kolka hore dembiyadiisa aawadood, dabadeedna kuwa dadka aawadood; tan mar keliya ayuu sameeyey markuu isbixiyey.

28. Waayo, sharcigu niman itaaldaran ayuu wadaaddo sare ka dhigaa, laakiin hadalka dhaarta oo sharciga ka dambeeyey wuxuu ka dhigaa Wiil weligiis kaamil ah.

About CIBRAANIYADA Chapter 7

Read CIBRAANIYADA Chapter 7 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of CIBRAANIYADA in the New Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: CIBRAANIYADA
Chapter: 7
Testament: New Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading CIBRAANIYADA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading CIBRAANIYADA Chapter 7 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is CIBRAANIYADA Chapter 7?

CIBRAANIYADA Chapter 7 is part of the Book of CIBRAANIYADA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete CIBRAANIYADA Chapter 7 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdiga Cusub

  1. MATAYOS Chapter 1
  2. MATAYOS Chapter 16
  3. MATAYOS Chapter 5
  4. MATAYOS Chapter 10
  5. MATAYOS Chapter 6
  6. MATAYOS Chapter 15
  7. MATAYOS Chapter 14

Explore More from cibraaniyada

  1. CIBRAANIYADA Chapter 3
  2. CIBRAANIYADA Chapter 11
  3. CIBRAANIYADA Chapter 9
  4. CIBRAANIYADA Chapter 13
  5. CIBRAANIYADA Chapter 2
  6. CIBRAANIYADA Chapter 12
  7. CIBRAANIYADA Chapter 1

Related Chapters & Readings

  1. TAARIIKHDII KOW Chapter 19
  2. AYUUB Chapter 35
  3. TIRINTII Chapter 12
  4. LUUKOS Chapter 12
  5. BILOWGII Chapter 49
  6. BOQORRADII KOWA Chapter 7
  7. SABUURRADII Chapter 135
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *