Read TAARIIKHDII KOW Chapter 24 Online
Read TAARIIKHDII KOW Chapter 24 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TAARIIKHDII KOW in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of TAARIIKHDII KOW and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
TAARIIKHDII KOW 24
Cutub 24
1. Oo kooxihii reer Haaruunna waa kuwan. Wiilashii Haaruun waxay ahaayeen Naadaab, iyo Abiihuu, iyo Elecaasaar, iyo Iitaamaar.
2. Laakiinse Naadaab iyo Abiihuuba aabbahood way ka hor dhinteen, oo carruurna ma ay lahayn, haddaba sidaas daraaddeed hawshii wadaadnimada waxaa samayn jiray Elecaasaar iyo Iitaamaar.
3. Oo Daa'uud oo ay la jiraan Saadooq oo ahaa reer Elecaasaar iyo Axiimeleg oo ahaa reer Iitaamaar ayaa iyagii u kala qaybiyey sidii hawshoodu kala ahayd.
4. Oo reer Elecaasaar waxaa laga dhex helay niman madax ah oo ka badan intii reer Iitaamaar laga helay, oo iyagii sidanaa loo kala qaybiyey, reer Elecaasaar waxaa ku jiray lix iyo toban nin, oo qolooyin madax u ah, oo reer Iitaamaarna waxaa ku jiray siddeed, sidii qolooyinkoodu kala ahaayeen.
5. Oo sidanaa iyagii saami loogu kala qaybiyey, oo caynba caynkii kale waa lagu daray, waayo, waxaa jiray amiirro meesha quduuska ah, iyo amiirro Ilaah oo ahaa reer Elecaasaar iyo reer Iitaamaar labadaba.
6. Oo Shemacyaah ina Netaneel oo karraanigii ahaa, oo ahaa reer Laawi ayaa iyagii ku hor qoray boqorkii, iyo amiirradii, iyo wadaadkii Saadooq, iyo Axiimeleg ina Aabyaataar, iyo madaxdii qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi ahaa, in reer loo qaado reer Elecaasaar, reerna loo qaado reer Iitaamaar.
7. Haddaba saamigii kowaad wuxuu u soo baxay Yehooyaariib, kii labaadna Yedacyaah,
8. kii saddexaadna Haarim, kii afraadna Secoriim,
9. kii shanaadna Malkiiyaah, kii lixaadna Miyaamin,
10. kii toddobaadna Haqoos, kii siddeedaadna Abiiyaah,
11. kii sagaalaadna Yeeshuuca, kii tobnaadna Shekaanyaah,
12. kii kow iyo tobnaadna Eliyaashiib, kii laba iyo tobnaadna Yaaqiim,
13. kii saddex iyo tobnaadna Xufaah, kii afar iyo tobnaadna Yeshebe'aab,
14. kii shan iyo tobnaadna Bilgaah, kii lix iyo tobnaadna Immeer,
15. kii toddoba iyo tobnaadna Xeesiir, kii siddeed iyo tobnaadna Hafisees,
16. kii sagaal iyo tobnaadna Fetaxyaah, kii labaatanaadna Yexesqeel,
17. kii kow iyo labaatanaadna Yaakiin, kii laba iyo labaatanaadna Gaamuul,
18. kii saddex iyo labaatanaadna Dalaayaah, kii afar iyo labaatanaadna Macasyaah.
19. Kaasu wuxuu ahaa qaynuunkii ay u kala qaybsanaayeen oo ay hawshooda ku qaban jireen, inay gurigii Rabbiga ku soo galaan qaynuunkii iyaga lagu soo dhiibay awowgood Haaruun, sidii Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa'iil uu isaga ku amray.
20. Oo reer Laawi intii hadhayna waxaa ka mid ahaa kuwan, wiilashii Camraam waxaa ka joogay Shuubaa'eel, wiilashii Shuubaa'eelna waxaa ka joogay Yexdeyaah.
21. Reer Rexabyaahna waxaa wiilashii Rexabyaah ka joogay Yishyaah oo madax ahaa.
22. Reer Isehaarna waxaa ka joogay Shelomoo, wiilashii Shelomoodna waxaa ka joogay Yaaxad.
23. Wiilashii Xebroonna waxaa ka joogay Yeriyaah oo madax ahaa, iyo Amaryaah oo ahaa kii labaad, iyo Yaxasii'eel oo ahaa kii saddexaad, iyo Yeqamcaam oo ahaa kii afraad.
24. Wiilashii Cusii'eelna waxaa ka joogay Miikaah, wiilashii Miikaahna waxaa ka joogay Shaamiir.
25. Oo Miikaah walaalkiisna wuxuu ahaa Yishyaah, wiilashii Yishyaahna waxaa ka joogay Sekaryaah.
26. Wiilashii Meraariina waxaa ka joogay Maxlii iyo Mushii, wiilashii Yacasiyaahna waxaa ka joogay Benoo.
27. Wiilashii Meraariina, waxaa reer Yacasiyaah ka joogay Benoo, iyo Shoham, iyo Sakuur, iyo Cibrii.
28. Reer Maxliina waxaa ka joogay Elecaasaar, oo aan waxba wiilal lahayn.
29. Reer Qiishna waxaa ka joogay ina Qiish, oo ahaa Yeraxme'eel.
30. Reer Mushii waxaa ka joogay Maxlii, iyo Ceeder, iyo Yeriimood. Kuwaasu waxay ahaayeen reer Laawi siday qolooyinkoodu kala ahaayeen.
31. Oo kuwanu iyana waxay riteen saami sidii walaalahood reer Haaruun ay yeeleen oo kale, oo waxay ku hor riteen Boqor Daa'uud, iyo Saadooq, iyo Axiimeleg, iyo kuwii madaxda u ahaa qolooyinkii wadaaddada iyo reer Laawi. Kan qolooyinkii madaxda u ahaa waxaa lagala mid dhigay sida kuwa walaalkiisa yar.
About TAARIIKHDII KOW Chapter 24
Read TAARIIKHDII KOW Chapter 24 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TAARIIKHDII KOW in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: TAARIIKHDII KOW
Chapter: 24
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading TAARIIKHDII KOW. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading TAARIIKHDII KOW Chapter 24 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is TAARIIKHDII KOW Chapter 24?
TAARIIKHDII KOW Chapter 24 is part of the Book of TAARIIKHDII KOW in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete TAARIIKHDII KOW Chapter 24 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from taariikhdii-kow
- TAARIIKHDII KOW Chapter 21
- TAARIIKHDII KOW Chapter 16
- TAARIIKHDII KOW Chapter 2
- TAARIIKHDII KOW Chapter 25
- TAARIIKHDII KOW Chapter 13
- TAARIIKHDII KOW Chapter 22
- TAARIIKHDII KOW Chapter 6