Read TIRINTII Chapter 33 Online
Read TIRINTII Chapter 33 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TIRINTII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of TIRINTII and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
TIRINTII 33
Cutub 33
1. Reer binu Israa'iil sodcaalladoodii waa kuwan markay gacanta Muuse iyo Haaruun koox koox ugaga soo bexeen dalkii Masar.
2. Oo Muuse wuxuu amarka Rabbiga ugu qoray bixitimmadoodii sidii sodcaalladoodu ahaayeen, oo sodcaalladoodii sidii bixitimmadoodu ahaayeen waa kuwan.
3. Oo bishii kowaad maalinteedii shan iyo tobnaad ayay Racmeses ka guureen. Habeenkii Kormaridda maalintii ka dambaysay ayay reer binu Israa'iil gacan sarraysa ku bexeen iyadoo Masriyiintii oo dhammu ay u jeedaan,
4. intii Masriyiintu ay aasayeen curadyadoodii uu Rabbigu ku dhex laayay oo dhan. Oo ilaahyadoodiina Rabbigu xukummo buu ku soo dejiyey.
5. Oo reer binu Israa'iil Racmeses bay ka guureen, oo waxay degeen Sukod.
6. Oo Sukodna way ka guureen, oo waxay degeen Eetaam oo ku taal cidlada darafkeeda.
7. Oo haddana Eetaam bay ka guureen, oo waxay dib ugu noqdeen Fiihaahiirod oo ku hor taal Bacal Sefoon; kolkaasay degeen Migdol horteeda.
8. Oo Haxiirod horteedana way ka guureen, oo badday dhex mareen oo waxay gaadheen cidlada, oo cidladii Eetaam ayay saddex maalmood socodkood ku dhex socdeen, kolkaasay Maaraah degeen.
9. Oo Maaraahna way ka guureen, oo waxay yimaadeen Eelim, oo Eelim waxaa ku yiil laba iyo toban ilood oo biyo ah iyo toddobaatan geed oo timir ah, kolkaasay halkaas degeen.
10. Oo haddana Eelim way ka guureen, oo waxay degeen Badda Cas agteeda.
11. Oo Badda Cas way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidlada Siin la yidhaahdo.
12. Oo cidladii Siinna way ka guureen, kolkaasay degeen Daafqaah.
13. Oo Daafqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Aaluush.
14. Oo Aaluushna way ka guureen, oo waxay degeen Refiidiim, meeshaas oo aan lahayn biyo ay dadku cabbaan.
15. Oo Refiidiimna way ka guureen, oo waxay dhex degeen cidladii Siinay.
16. Oo cidladii Siinayna way ka guureen, kolkaasay degeen Qibrood Xatawaah.
17. Oo Qibrood Xatawaahna way ka guureen, kolkaasay degeen Xaseerood.
18. Oo Xaseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Ritmaah.
19. Oo Ritmaahna way ka guureen, oo waxay degeen Rimmon Feres.
20. Oo Rimmon Feresna way ka guureen, oo waxay degeen Libnaah.
21. Oo Libnaahna way ka guureen, oo waxay degeen Risaah.
22. Oo Risaahna way ka guureen, oo waxay degeen Qeheelaataah.
23. Oo Qeheelaataahna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Shefer.
24. Oo haddana Buur Shefer way ka guureen, oo waxay degeen Xaraadaah.
25. Oo Xaraadaahna way ka guureen, oo waxay degeen Maqheelod.
26. Oo Maqheelodna way ka guureen, oo waxay degeen Taxad.
27. Oo Taxadna way ka guureen, oo waxay degeen Terax.
28. Oo Teraxna way ka guureen, oo waxay degeen Mitqaah.
29. Oo Mitqaahna way ka guureen, oo waxay degeen Xashmonaah.
30. Oo Xashmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Mooseerood.
31. Oo Mooseeroodna way ka guureen, oo waxay degeen Bini Yacaqaan.
32. Oo Bini Yacaqaanna way ka guureen, oo waxay degeen Xor Haggidgaad.
33. Oo Xor Haggidgaadna way ka guureen, oo waxay degeen Yaatbaataah.
34. Oo haddana Yaatbaataah way ka guureen, oo waxay degeen Cabronaah.
35. Oo Cabronaahna way ka guureen, oo waxay degeen Cesyoon Geber.
36. Oo Cesyoon Geberna way ka guureen, oo waxay degeen cidladii Sin (taasoo ah Qaadeesh).
37. Oo Qaadeeshna way ka guureen, oo waxay degeen Buur Xor oo ku taal dalka reer Edom darafkiisa.
38. Markaasaa wadaadkii Haaruun ahaa wuxuu Buur Xor ku fuulay amarka Rabbiga, oo halkaasuu ku dhintay sannaddii afartanaad bishii shanaad maalinteedii kowaad markay reer binu Israa'iil dalkii Masar ka soo bexeen dabadeed.
39. Haaruunna markuu Buur Xor ku dhintay wuxuu jiray boqol iyo saddex iyo labaatan sannadood.
40. Oo boqorkii Caraad oo reer Kancaan ahaa oo degganaa xagga koonfureed ee dalka reer Kancaan wuxuu maqlay in reer binu Israa'iil soo socdaan.
41. Oo waxay ka guureen Buur Xor, kolkaasay degeen Salmonaah.
42. Oo Salmonaahna way ka guureen, oo waxay degeen Fuunon.
43. Oo Fuunonna way ka guureen, oo waxay degeen Obod.
44. Oo Obodna way ka guureen, oo waxay degeen Ciyee Hacabaariim, oo ku taal soohdinta dalka Moo'aab.
45. Oo Ciyiimna way ka guureen, oo waxay degeen Diibon Gaad.
46. Oo Diibon Gaadna way ka guureen, oo waxay degeen Calmoon Diblaatayimaah.
47. Oo Calmoon Diblaatayimaahna way ka guureen, oo waxay degeen buuraha Cabaariim oo Neboo ku hor yaal.
48. Oo haddana buurihii Cabaariim way ka guureen, oo waxay degeen bannaanka dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhow ee Yerixoo ka soo hor jeeda.
49. Oo haddana waxay degeen Webi Urdun agtiisa tan iyo Beytyeshimood iyo xataa tan iyo Aabeel Shitiim oo ku yaal bannaanka dalka Moo'aab.
50. Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii dalka Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,
51. Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun gudubtaan oo aad dalka Kancaan gashaan,
52. waa inaad dadka dalka deggan oo dhan hortiinna ka eridaan, oo aad dhagaxyadooda sawirrada ah oo dhan wada baabbi'isaan, oo aad sanamyadooda la shubay oo dhan wada burburisaan, oo aad meelahooda sarsare oo dhan wada dumisaan.
53. Markaas waa inaad dalka hanti ahaan u qaadataan oo aad iska dhex degtaan; waayo, dalka idinkaan idin siiyey inaad lahaataan.
54. Oo dalka waa inaad qabiil qabiil saami ugu dhaxashaan. Inta badan waxaad siisaan dhaxalka badan, oo inta yarna waxaad siisaan dhaxalka yar. Oo meel alla meeshii nin saami ugu dhaco halkaas isagaa iska lahaanaya, oo sida qabiilooyinkii awowayaashiin yihiin waa inaad u dhaxashaan.
55. Laakiinse haddaydnan dadka dalka deggan hortiinna ka eryin, markaas kuwii aad daysaan waxay idinku noqon doonaan sidii wax indhihiinna muda, iyo sidii qodxan dhinacyada idinkaga jira, oo waxay idinku dhibi doonaan dalka aad deggan tihiin.
56. Oo sidii aan ku talaggalay inaan iyaga ku sameeyo ayaan idinka idinku samayn doonaa.
About TIRINTII Chapter 33
Read TIRINTII Chapter 33 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TIRINTII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: TIRINTII
Chapter: 33
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading TIRINTII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading TIRINTII Chapter 33 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is TIRINTII Chapter 33?
TIRINTII Chapter 33 is part of the Book of TIRINTII in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete TIRINTII Chapter 33 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from Tirintii
- TIRINTII Chapter 6
- TIRINTII Chapter 21
- TIRINTII Chapter 5
- TIRINTII Chapter 16
- TIRINTII Chapter 34
- TIRINTII Chapter 3
- TIRINTII Chapter 17