LAAWIYIINTII Chapter 9

For English

Read LAAWIYIINTII Chapter 9 Online

Read LAAWIYIINTII Chapter 9 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of LAAWIYIINTII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of LAAWIYIINTII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

LAAWIYIINTII 9

Cutub 9

1. Oo maalintii siddeedaad ayaa Muuse u yeedhay Haaruun iyo wiilashiisii, iyo odayaashii reer binu Israa'iil,

2. oo wuxuu Haaruun ku yidhi, Waxaad keentaa dibi yar oo ah qurbaan dembi, iyo wan ah qurbaan la gubo oo aan innaba iin lahayn, oo iyaga Rabbiga hortiisa ku bixi.

3. Oo reer binu Israa'iilna la hadal oo waxaad ku tidhaahdaa, Waxaad keentaan orgi ah qurbaan dembi, iyo weyl iyo wan oo labadooduba gu jiraan oo aan innaba iin lahayn oo qurbaan la gubo ah.

4. Oo dibi iyo wanna waxaad u keentaan qurbaanno nabaadiino in Rabbiga hortiisa allabari ahaan loogu bixiyo, iyo qurbaan hadhuudh ah oo saliid lagu daray, waayo, maanta ayaa Rabbigu idiin muuqan doonaa.

5. Oo iyana waxay teendhadii shirka horteeda keeneen wixii Muuse amray, markaasay dadkii ururkii oo dhammu soo dhowaadeen oo Rabbiga hortiisa istaageen.

6. Markaasaa Muuse wuxuu yidhi, Waxanu waa wixii Rabbigu idinku amray inaad samaysaan, oo waxaa idiin muuqan doona Rabbiga ammaantiisa.

7. Kolkaasaa Muuse wuxuu Haaruun ku yidhi, Meesha allabariga u dhowow, oo waxaad bixisaa qurbaankaaga dembiga iyo qurbaankaaga la gubo, oo nafsaddaada kafaaraggud u samee, iyo weliba dadka aawadiis, oo waxaad bixisaa dadka qurbaankiisii oo iyaga kafaaraggud ugu samee sidii Rabbigu amray.

8. Sidaas daraaddeed ayuu Haaruun u soo dhowaaday meeshii allabariga, oo wuxuu gowracay weylkii isaga nafsaddiisa u ahaa qurbaanka dembiga.

9. Oo wiilashii Haaruun ayaa isagii u keeneen dhiiggii, oo isna fartiisii ayuu dhiiggii daray oo wuxuu mariyey geesihii meesha allabariga, oo dhiigga intiisii kalena wuxuu ku ag shubay salkii meesha allabariga.

10. Laakiinse xaydhii, iyo kelyihii, iyo xuubkii laga soo gooyay beerkii qurbaanka dembiga wuxuu ku dul gubay meesha allabariga sidii Rabbigu Muuse ku amray.

11. Oo hilibkii iyo haraggiina wuxuu ku gubay meel xerada dibaddeeda ah.

12. Oo haddana wuxuu gowracay neefkii qurbaanka la gubo ahaa, markaasaa wiilashii Haaruun waxay isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

13. Oo haddana waxay isagii u keeneen neefkii qurbaankii la gubo oo cad cad ah iyo madaxii neefka, oo isna wuxuu ku dul gubay meesha allabariga.

14. Markaasuu biyo ku maydhay uurkujirtii iyo addimmadii, oo wuxuu ku dul gubay qurbaankii la gubayay oo meesha allabariga saarnaa.

15. Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii dadka, oo wuxuu soo waday ridii dadka u ahayd qurbaankii dembiga, wuuna gowracay oo u bixiyey dembi aawadiis, siduu kan hore yeelay.

16. Oo haddana wuxuu keenay neefkii qurbankii la gubo ahaa, oo si qaynuunka waafaqsan ayuu u bixiyey.

17. Oo haddana wuxuu keenay qurbaankii hadhuudhka, markaasuu cantoobo muggeed ka qaaday oo ku dul gubay meesha allabariga, kaasoo ka gooni ah qurbaankii la gubayay oo subaxnimada.

18. Oo weliba wuxuu gowracay dibigii iyo wankii ahaa allabariga qurbaannada nabaadiinada ah oo dadka aawadiis loo bixinayay; oo markaasay wiilashii Haaruun isagii u keeneen dhiiggii, oo isna wuxuu ku dul rusheeyey hareeraha meesha allabariga.

19. Markaasay keeneen baruurtii dibiga iyo tii wanka, iyo badhidii, iyo xaydhii gudaha ku duubnayd, iyo kelyihii, iyo xuubkii beerka.

20. Markaasay baruurtii saareen sakaarradii, oo isna baruurtii buu ku dul gubay meeshii allabariga.

21. Kolkaasaa Haaruun Rabbiga hortiisa qurbaan la ruxruxo ugu ruxruxay sakaarradii iyo bowdadii midig, sidii Muuse amray.

22. Markaasaa Haaruun gacmihiisii ku soo taagay dadka xaggiisii, oo wuu u duceeyey iyagii; markaasuu ka soo degtay bixintii uu bixinayay qurbaankii dembiga, iyo qurbaankii la gubayay, iyo qurbaannadii nabaadiinada.

23. Markaasay Muuse iyo Haaruun teendhadii shirka galeen, oo haddana way ka soo bexeen oo dadkii u duceeyeen; kolkaasaa ammaantii Rabbigu dadkii oo dhan u muuqatay.

24. Oo Rabbiga hortiisa waxaa ka yimid dab, oo meesha allabariga dusheedii ayuu ku baabba'saday qurbaankii la gubayay iyo baruurtii, oo dadkii oo dhammuna markay taas arkeen ayay qayliyeen oo wejigooda u dheceen.

About LAAWIYIINTII Chapter 9

Read LAAWIYIINTII Chapter 9 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of LAAWIYIINTII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: LAAWIYIINTII
Chapter: 9
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading LAAWIYIINTII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading LAAWIYIINTII Chapter 9 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is LAAWIYIINTII Chapter 9?

LAAWIYIINTII Chapter 9 is part of the Book of LAAWIYIINTII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete LAAWIYIINTII Chapter 9 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from laawiyiintii

  1. LAAWIYIINTII Chapter 7
  2. LAAWIYIINTII Chapter 3
  3. LAAWIYIINTII Chapter 22
  4. LAAWIYIINTII Chapter 2
  5. LAAWIYIINTII Chapter 24
  6. LAAWIYIINTII Chapter 19
  7. LAAWIYIINTII Chapter 17

Related Chapters & Readings

  1. SABUURRADII Chapter 22
  2. WACDIYAHII Chapter 5
  3. TAARIIKHDII KOW Chapter 18
  4. YEXESQEEL Chapter 17
  5. SHARCIGA KUNOQO Chapter 21
  6. TIRINTII Chapter 31
  7. YOO’EEL Chapter 1
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *