TIRINTII Chapter 19

For English

Read TIRINTII Chapter 19 Online

Read TIRINTII Chapter 19 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TIRINTII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of TIRINTII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

TIRINTII 19

Cutub 19

1. Markaasaa Rabbigu Muuse iyo Haaruun la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2. Kanu waa qaynuunkii sharciga Rabbigu idinku amray oo uu idinku yidhi, Reer binu Israa'iil la hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Noo keena qaalin lo'aad oo cas oo aan bar iyo iin lahayn oo aan weligeed harqood la saarin.

3. Oo waxaad iyada siisaan wadaadka Elecaasaar ah, oo isagu iyada ha geeyo xerada dibaddeeda, oo hortiisa waa in lagu gowracaa.

4. Oo markaas wadaadka Elecaasaar ahu waa inuu dhiiggeeda farta ku qaadaa, oo uu dhiiggeeda toddoba jeer ku rusheeya xagga teendhada shirka horteeda.

5. Oo waa in qaalinta hortiisa lagu gubaa. Haraggeeda, iyo hilibkeeda, iyo dhiiggeeda, iyo uuskeedaba waa in la wada gubaa.

6. Oo markaas waa in wadaadku soo qaadaa qoryo ah geed kedar la yidhaahdo, iyo husob, iyo wax guduud ah, oo waa inuu ku dhex tuuro dabka qaalintu ku gubanayso.

7. Oo markaas wadaadku dharkiisa ha maydho, oo jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas ka dib xerada ha soo galo, oo tan iyo fiidkii wadaadku nijaas buu ahaan doonaa.

8. Oo kii qaalinta gubona dharkiisa biyo ha ku maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo isna tan iyo fiidkii nijaas buu ahaan doonaa.

9. Oo markaas nin daahir ahu ha soo ururiyo qaalinta dambaskeedii, oo meel xerada dibaddeeda oo nadiif ah ha dhigo, oo shirka reer binu Israa'iil ha lagu dhigo biyaha nijaasta daahiriya; waayo, iyadu waa dembi qurbaankiis.

10. Oo kii dambaska qaalinta soo ururiyaana dharkiisa ha maydho, oo tan iyo fiidkiina nijaas buu ahaan doonaa, oo taasu waa inay reer binu Israa'iil iyo shisheeyaha la degganba u ahaataa qaynuun weligiis jira.

11. Oo kii qof meyd ah taabta intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa.

12. Oo kaasu waa inuu maalinta saddexaad isku daahiriyaa, oo maalinta toddobaad isagu daahir buu ahaan doonaa; laakiinse haddaanu maalinta saddexaad isdaahirin, markaas maalinta toddobaad daahir ma uu ahaan doono.

13. Oo ku alla kii qof dhintay meydkiis taabta oo aan isdaahirin, kaasu wuxuu nijaaseeyaa Rabbiga taambuuggiisa, oo qofkaasu wuu ka go'i doonaa reer binu Israa'iil, maxaa yeelay, isaga laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya, oo isagu nijaas buu ahaan doonaa, oo nijaasnimadiisa ayaa weli saaran.

14. Oo tanu waa sharciga markii nin teendho ku dhex dhinto. Mid kasta oo teendhada soo gala, iyo mid kasta oo teendhada ku jirayba, intii toddoba maalmood ah ayay nijaas ahaan doonaan.

15. Oo weel kasta oo furan oo aan lahayn dabool ku xidhan waa nijaas.

16. Oo ku alla kii berrin bannaan ku soo taabta qof seef lagu dilay, ama meyd, ama laf dad, ama qabri, intii toddoba maalmood ah ayuu nijaas ahaan doonaa.

17. Oo nijaasta aawadeed waa in loo qaadaa dambaska qurbaankii dembiga oo la gubay, oo biyo socda waa in weel lagula shubaa,

18. oo markaas waa in qof daahir ahu geed husob ah soo qaadaa, oo uu biyaha daraa, oo kolkaas ha ku rusheeyo teendhada, iyo weelasha oo dhan, iyo dadkii halkaas joogay, iyo kii taabtay lafta, ama qofka la dilay, ama meydka, ama qabriga.

19. Oo qofka daahirka ahu waa inuu maalinta saddexaad iyo maalinta toddobaad ku rusheeyaa kii nijaas ah, oo maalinta toddobaad waa inuu isaga daahiriyaa, markaas dharkiisana ha maydho, jidhkiisana biyo ha ku maydho, oo markaas fiidkii daahir buu ahaan doonaa.

20. Laakiinse qofka nijaasta ah, oo aan isdaahirin, qofkaasu shirka dhexdiisa waa in laga gooyaa, maxaa yeelay, wuxuu nijaaseeyey Rabbiga meeshiisii quduuska ahayd, oo waa nijaas oo laguma rushayn biyaha nijaasta daahiriya.

21. Kaasu wuxuu iyaga u ahaanayaa qaynuun weligiis jira, oo kii rusheeyo biyaha nijaasta daahiriyana waa inuu dharkiisa maydhaa, oo kii biyaha nijaasta daahiriya taabtaana nijaas buu ahaan doonaa tan iyo fiidkii.

22. Oo wax alla wixii uu qofka nijaasta ahu taabtana nijaas bay ahaan doonaan, oo qofkii taabtaana tan iyo fiidkii nijaas buu ahaan doonaa.

About TIRINTII Chapter 19

Read TIRINTII Chapter 19 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TIRINTII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: TIRINTII
Chapter: 19
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading TIRINTII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading TIRINTII Chapter 19 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is TIRINTII Chapter 19?

TIRINTII Chapter 19 is part of the Book of TIRINTII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete TIRINTII Chapter 19 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Tirintii

  1. TIRINTII Chapter 30
  2. TIRINTII Chapter 2
  3. TIRINTII Chapter 7
  4. TIRINTII Chapter 4
  5. TIRINTII Chapter 31
  6. TIRINTII Chapter 22
  7. TIRINTII Chapter 15

Related Chapters & Readings

  1. YASHUUCA Chapter 6
  2. SABUURRADII Chapter 20
  3. TIITOS Chapter 2
  4. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 14
  5. TIRINTII Chapter 33
  6. BOQORRADII LABA Chapter 13
  7. TAARIIKHDII KOW Chapter 13
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *