TIRINTII Chapter 13

For English

Read TIRINTII Chapter 13 Online

Read TIRINTII Chapter 13 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TIRINTII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of TIRINTII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

TIRINTII 13

Cutub 13

1. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,

2. War waxaad dirtaa niman soo basaasa dalka reer Kancaan oo aan reer binu Israa'iil siinayo, oo qabiil walba waa inaad nin ka dirtaan, oo mid kastaaba ha ahaado amiir iyaga ku jira.

3. Markaasaa Muuse iyagii ka diray cidladii Faaraan sidii amarkii Rabbigu ahaa, oo kulligood waxay ahaayeen rag reer binu Israa'iil madax u ahaa.

4. Oo magacyadoodiina kuwan bay ahaayeen: qabiilkii reer Ruubeen waxaa ka tegey Shammuuca ina Sakuur.

5. Oo qabiilkii reer Simecoonna Shaafaad ina Xori.

6. Oo qabiilkii reer Yahuudahna Kaaleeb ina Yefunneh.

7. Oo qabiilkii reer Isaakaarna Yigaal ina Yuusuf.

8. Oo qabiilka reer Efrayimna Hoosheeca ina Nuun.

9. Oo qabiilkii reer Benyaamiinna Faltii ina Raafuu.

10. Oo qabiilkii reer Sebulunna Gaddii'eel ina Soodii.

11. Oo qabiilkii reer Yuusuf oo ah reer Manasehna Gaddii ina Suusii.

12. Oo qabiilkii reer Daanna Cammii'eel ina Gemallii.

13. Oo qabiilkii reer Aasheerna Setuur ina Miikaa'eel.

14. Oo qabiilkii reer Naftaalina Naxbii ina Waafsii.

15. Oo qabiilkii reer Gaadna Ge'uu'eel ina Maakii.

16. Intaasu waa magacyadii nimankii Muuse u diray inay dalka soo basaasaan. Markaasaa Muuse wuxuu Hoosheeca ina Nuun u bixiyey Yashuuca.

17. Markaasaa Muuse iyagii u diray inay dalkii reer Kancaan soo basaasaan, oo wuxuu iyagii ku yidhi, Jidkan koonfureed xaggiisa u kaca oo buuraha fuula.

18. Oo waxaad soo fiirisaan dalku siduu yahay, iyo dadka degganu inay xoog badan yihiin iyo inay itaal yar yihiin, iyo inay tiro yar yihiin iyo inay tiro badan yihiin,

19. iyo dalka ay deggan yihiin siduu yahay inuu wanaagsan yahay iyo inuu xun yahay, iyo magaalooyinka ay deggan yihiin siday yihiin, inay xerooyin deggan yihiin iyo inay qalcado xoog badan ku jiraan,

20. iyo siduu dalku yahay inuu barwaaqaysan yahay iyo in kale, iyo inuu dhir leeyahay iyo in kale. Haddaba dhiirranaada oo dalka midhihiisa keena. Oo wakhtiguna wuxuu ahaa xilliga uu canabka hore bislaado.

21. Haddaba iyagii way tageen oo waxay soo basaaseen dalkii tan iyo cidlada Sin iyo ilaa Rexob oo ku taal meesha Xamaad laga galo.

22. Oo waxay tageen xagga koonfureed, oo yimaadeen Xebroon; oo Axiiman iyo Sheeshay iyo Talmay oo reer Canaaq ahaa ayaa halkaas degganaa. (Oo Xebroon waxaa la dhisay goor toddoba sannadood ka horraysa intaan la dhisin Socan oo Masar ku taal.)

23. Oo haddana waxay yimaadeen dooxadii Eshkol, oo halkaasay ka goosteen laan rucub canab ahu ku yaal, oo waxay ku qaadeen ul laba nin u dhexaysa, waxayna keeneen midho rummaan iyo berde ah.

24. Oo meeshaas magaceeda waxaa la odhan jiray Eshkol, rucubkii canabka ahaa oo ay reer binu Israa'iil halkaas ka goosteen aawadiis.

25. Oo markay afartan maalmood dalkii soo basaaseen dabadeed ayay ka soo noqdeen.

26. Markaasay tageen oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa'iil oo dhan ugu yimaadeen cidladii Faaraan iyo tan iyo Qaadeesh, oo iyagii iyo ururkii oo dhan war bay u keeneen, oo waxay soo tuseen midhihii dalka.

27. Oo Muuse bay u warrameen oo waxay ku yidhaahdeen, Annagu dalkii aad noo dirtay waan gaadhnay, oo hubaal wuxuu la barwaaqaysan yahay caano iyo malab, oo midhihiisiina waa kuwan.

28. Habase yeeshee dadka dalka degganu waa xoog badan yihiin, oo magaalooyinkuna deyrar bay leeyihiin, waana waaweyn yihiin, oo weliba waxaannu halkaas ku soo aragnay reer Canaaq.

29. Oo reer Camaaleq waxay deggan yihiin dalka xaggiisa koonfureed, oo reer Xeed iyo reer Yebuus iyo reer Amorna waxay deggan yihiin buuraha, oo reer Kancaanna waxay deggan yihiin badda agteeda iyo Webi Urdun dhinaciisa.

30. Markaasaa Kaaleeb dadkii ku aamusiiyey Muuse hortiisa, oo wuxuu ku yidhi, War haddiiba ina keena, aynu dalka qabsannee, waayo, innagu waynu karaynaa inaynu ka adkaanno.

31. Laakiinse nimankii isaga raacay waxay yidhaahdeen, War innagu dadkaas kuma kici karno, waayo, way inaga xoog badan yihiin.

32. Oo iyagu dalkii ay soo basaaseen ayay reer binu Israa'iil war xun uga keeneen, oo waxay yidhaahdeen, Dalka aannu dhex marnay oo soo basaasnay waa dal cuna dadka deggan, oo dadkii aannu ku aragnay oo dhammuna waa dad aad u dhaadheer.

33. Oo waxaannu halkaas ku aragnay dad waaweyn oo xoog badan oo ah reer Canaaq oo ka yimid dadkii waaweynaa oo xoogga badnaa. Waxaannu isula yaraannay sida kabajaan oo kale, oo hortoodana sidaas oo kalaannu ku ahayn.

About TIRINTII Chapter 13

Read TIRINTII Chapter 13 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TIRINTII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: TIRINTII
Chapter: 13
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading TIRINTII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading TIRINTII Chapter 13 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is TIRINTII Chapter 13?

TIRINTII Chapter 13 is part of the Book of TIRINTII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete TIRINTII Chapter 13 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from Tirintii

  1. TIRINTII Chapter 2
  2. TIRINTII Chapter 28
  3. TIRINTII Chapter 25
  4. TIRINTII Chapter 22
  5. TIRINTII Chapter 21
  6. TIRINTII Chapter 1
  7. TIRINTII Chapter 23

Related Chapters & Readings

  1. TAARIIKHDII KOW Chapter 26
  2. WACDIYAHII Chapter 4
  3. TIRINTII Chapter 23
  4. MUUJINTII Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 16
  6. LAAWIYIINTII Chapter 3
  7. YEXESQEEL Chapter 42
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *