Read TIRINTII Chapter 35 Online
Read TIRINTII Chapter 35 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TIRINTII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of TIRINTII and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
TIRINTII 35
Cutub 35
1. Markaasaa Rabbigu Muuse kula hadlay bannaankii Moo'aab oo Webi Urdun u dhowaa ee Yerixoo ka soo hor jeeday, oo wuxuu ku yidhi,
2. Waxaad reer binu Israa'iil ku amartaa inay dhaxalkooda hantida ah reer Laawi ka siiyaan magaalooyin ay degaan, oo magaalooyinkaas agagaarkooda ku wareegsanna reer Laawi siiya.
3. Oo magaalooyinka iyagaa lahaanayaan inay degaan, agagaarkooduna waxay u ahaan doonaan lo'dooda, iyo alaabtooda, iyo xoolahooda oo dhan.
4. Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan agagaarkooda ha laga bilaabo magaalo kasta derbigeeda, oo dibadda ha uga baxo kun dhudhun oo hareeraheeda ku wareegsan ah.
5. Oo magaalada dibaddeeda waa inaad ka qiyaastaan xagga bari laba kun oo dhudhun, dhanka koonfureedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka galbeedna waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, dhanka woqooyina waa inaad ka qiyaastaan laba kun oo dhudhun, oo magaaladuna dhexda ha ahaato. Oo intaasaa iyaga u ahaan doonta agagaarka magaalooyinka.
6. Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan waxay ahaan doonaan lixda magaalo oo magangalka ah oo aad siin doontaan si uu gacankudhiigluhu ugu cararo, oo kuwaas mooyaane waxaad kaloo iyaga siisaan laba iyo afartan magaalo.
7. Oo magaalooyinka aad reer Laawi siin doontaan oo dhammu waxay ahaan doonaan siddeed iyo afartan magaalo, oo waxaad siin doontaan iyaga iyo agagaarkoodaba.
8. Oo waxa ku saabsan magaalooyinka aad reer Laawi hantida uga siin doontaan reer binu Israa'iil waa sidan, waa inaad kuwii badan magaalooyin badan ka qaaddaan, kuwii yarna waa inaad magaalooyin yar ka qaaddaan, oo mid waluba dhaxalkiisii uu dhaxlay magaalooyinkiisa reer Laawi wax ha ka siiyo.
9. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi,
10. Reer binu Israa'iil la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad Webi Urdun dhaaftaan oo aad gashaan dalka Kancaan,
11. waa inaad doorataan magaalooyin idiin ahaada magaalooyin aad magan gashaan, si uu gacankudhiigluhu qof kama' u dilaa halkaas ugu cararo.
12. Oo magaalooyinkaasu waxay idiin ahaan doonaan meel aad ka magan gashaan kan aardoonka ah, si uusan gacankudhiigluhu u dhiman intuusan shirka hortiisa xukun isu soo taagin.
13. Oo magaalooyinka aad bixin doontaan waxay idiin ahaan doonaan lix magaalo oo magangal ah.
14. Oo Webi Urdun shishadiisa waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, dalka Kancaanna waa inaad ka bixisaan saddex magaalo, oo iyagu waa inay ahaadaan magaalooyin magangal ah.
15. Oo lixdaas magaalo waxaa magangeli doona reer binu Israa'iil iyo shisheeyaha iyo qariibka iyaga dhex deggan, si uu ku alla kii qof kama' u dilaa ugu cararo.
16. Laakiinse hadduu wax bir ah ku dhufto, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.
17. Oo hadduu ku dhufto dhagax uu gacanta ku haysto oo qof u dhiman karo, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.
18. Amase hadduu ku dhufto hub qori ah oo uu gacanta ku haysto oo qof u dhiman karo, oo uu sidaas ku dhinto, markaas isagu waa gacankudhiigle, oo gacankudhiiglaha hubaal waa in la dilaa.
19. Oo aardoonka dhiigga doonayaa qudhiisu ha dilo gacankudhiiglaha. Markuu isaga helo ha dilo.
20. Oo hadduu nacayb aawadiis u riixdo, ama intuu u gabbado uu wax ku tuuro, oo uu markaas dhinto,
21. amase hadduu cadownimo aawadeed gacanta ugu dhufto, oo uu sidaas ku dhinto, kii wax ku dhuftay hubaal waa in la dilaa, waayo, isagu waa gacankudhiigle, oo aardoonka dhiigga doonayaa gacankudhiiglaha ha dilo markuu helo.
22. Laakiinse hadduu kama' u riixo isagoo aan cadownimo ku jirin, amase uu wax ku tuuro isagoo aan u gabban,
23. amase hadduu ku dhufto dhagax qof u dhiman karo, oo isagoo aan arkayn uu ku tuuro, oo uu sidaas ku dhinto, oo hadduusan cadowgiis ahayn ama uusan waxyeelladiisa doondoonayn,
24. markaas kii wax dilay iyo kan ah aardoonka dhiigga doonayo, shirku waa inuu ugu kala garsooraa sida xukummadanu yihiin.
25. Oo shirku waa inuu gacankudhiiglaha ka samatabbixiyaa gacanta kan ah aardoonka dhiigga doonayo, oo shirku waa inuu isaga ku celiyaa magaaladiisii uu magangalay, oo uu ku cararay, oo isagu waa inuu halkaas degganaado jeer uu dhinto wadaadka sare oo lagu subkay saliiddii quduuska ahayd.
26. Laakiinse gacankudhiigluhu mar kasta ha ahaatee hadduu ka gudbo soohdinta magaaladiisii uu magangalay oo uu ku cararay,
27. oo markaas kii ahaa aardoonka dhiigga doonayo uu ka helo meel dibadda ka ah soohdinta magaaladiisii uu magangalay, kolkaas kii ahaa aardoonka dhiigga doonayo hadduu gacankudhiiglaha dilo, isagu ma ahaan doono mid dhiig qaba,
28. waayo, waxaa isaga waajib ku ahaa inuu iska joogo magaaladiisii uu magangalay ilamaa uu wadaadka sare dhinto, laakiinse markuu wadaadka sare dhinto gacankudhiigluhu waa inuu markaas dabadeed ku noqdo dalkiisii hantida u ahaa.
29. Oo waxyaalahanu waa inay qaynuun xukun ah degmooyinkiinna oo dhan idiinku ahaadaan ab ka abkiin.
30. Ku alla kii qof dila, gacankudhiiglaha waa in la dilaa markii lagu marag furo, laakiinse qofnaba yaan lagu dilin markhaati keliya maragfurkiis.
31. Oo weliba waa inaydaan innaba furan nafta gacankudhiigle dhimasho lagu xukumay, laakiinse hubaal waa in la dilaa.
32. Oo weliba waa inaydaan furan kii ku cararay magaaladiisa magangalka ah, si uu ugu noqdo oo uu u dego dalkiisa ilamaa uu wadaadka sare dhinto.
33. Dalka aad deggan tihiin waa inaydaan nijaasayn, waayo, dhiigu dalka waa nijaaseeyaa, oo dalka dhiiggii lagu dhex daadshay wax loogu kafaaro gudi karo lama arko, dhiigga kii daadshay mooyaane.
34. Oo waa inaydaan nijaasayn dalka aad dhex deggan tihiin, oo anna aan dhexdiisa degganahay, waayo, aniga Rabbiga ahu waxaan dhex degganahay reer binu Israa'iil.
About TIRINTII Chapter 35
Read TIRINTII Chapter 35 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of TIRINTII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: TIRINTII
Chapter: 35
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading TIRINTII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading TIRINTII Chapter 35 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is TIRINTII Chapter 35?
TIRINTII Chapter 35 is part of the Book of TIRINTII in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete TIRINTII Chapter 35 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from Tirintii
- TIRINTII Chapter 22
- TIRINTII Chapter 36
- TIRINTII Chapter 7
- TIRINTII Chapter 8
- TIRINTII Chapter 6
- TIRINTII Chapter 5
- TIRINTII Chapter 21