SAMUU’EEL KOWAA Chapter 29

For English

Read SAMUU'EEL KOWAA Chapter 29 Online

Read SAMUU’EEL KOWAA Chapter 29 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SAMUU’EEL KOWAA in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SAMUU’EEL KOWAA and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

SAMUU'EEL KOWAA 29

Cutub 29

1. Haddaba reer Falastiin waxay ciidammadoodii oo dhan ku soo ururiyeen Afeeq, oo reer binu Israa'iilna waxay soo ag degeen ishii ku tiil Yesreceel.

2. Oo saraakiishii reer Falastiinna way soo gudbeen iyagoo ah boqol boqol iyo kun kun, oo Daa'uud iyo raggiisiina iyagoo Aakiish la socda ayay soo daba galeen.

3. Markaasaa amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Kuwan Cibraaniyada ahu maxay halkan ka samaynayaan? Aakiishna wuxuu amiirradii reer Falastiin ku yidhi, War kanu sow ma aha Daa'uud oo ahaa addoonkii boqorka reer binu Israa'iil ee Saa'uul ah, oo ila joogay maalmahan iyo sannadahanba, oo aanan innaba xumaan ka helin tan iyo maalintii uu ii yimid ilaa maantadan?

4. Laakiinse amiirradii reer Falastiin aad bay ugu cadhoodeen, markaasay amiirradii reer Falastiin ku yidhaahdeen, War ninkan celi, si uu ugu noqdo meeshiisii aad u dooratay, oo yuusan dagaalka noo raacin, waaba intaasoo intaannu dagaalka ku jirno uu col noo noqdaa, waayo, ninkanu bal muxuu sayidkiisii kula heshiin karaa? Sow ma aha nimankan madaxyadooda?

5. Kanu sow ma aha Daa'uud kii ay gabay isugu celceliyeen, iyagoo cayaaraya, oo leh, Saa'uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa'uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun?

6. Markaasaa Aakiish Daa'uud u yeedhay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye, adigu waad qummanayd, oo markaynu ciidanka dhex soconnay siibixiddaada iyo soogeliddaaduba hortayda way ku wanaagsanaayeen, waayo, ilaa maalintii aad ii timid iyo maantadan la joogo innaba xumaan kuguma aanan arkin; habase yeeshee saraakiishu raalli kaama aha.

7. Sidaas daraaddeed iska noqo, oo nabad ku tag, yaadan saraakiisha reer Falastiin calool xumayne.

8. Markaasaa Daa'uud wuxuu Aakiish ku yidhi, War maxaan sameeyey? Oo xumaanmaad igu aragtay anoo addoonkaaga ah intii aan kula joogay iyo ilaa maantadan, oo maxaa laygu diiday si aanan u tegin oo aanan ula diririn cadaawayaashaada, boqorow sayidkaygiiyow?

9. Markaasaa Aakiish Daa'uud ugu jawaabay, Anigu waan ogahay inaad hortayda ku wanaagsan tahay, oo waxaad iila mid tahay malaa'ig Ilaah, habase yeeshee amiirradii reer Falastiin waxay yidhaahdeen, Isagu dagaalka noo raaci maayo.

10. Haddaba aroor hore adiga iyo sayidkaaga addoommadiisii oo kula socdaaba kaca; oo aroortii markaad kacdaan oo waagu idiin baryo, taga.

11. Markaasaa Daa'uud iyo raggiisiiba aroor hore keceen, si ay subaxdii u tagaan, oo ay ugu noqdaan dalkii reer Falastiin. Oo kuwii reer Falastiinna kor bay ugu sii baxeen xagga Yesreceel.

About SAMUU'EEL KOWAA Chapter 29

Read SAMUU’EEL KOWAA Chapter 29 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SAMUU’EEL KOWAA in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: SAMUU’EEL KOWAA
Chapter: 29
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SAMUU’EEL KOWAA. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading SAMUU’EEL KOWAA Chapter 29 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is SAMUU'EEL KOWAA Chapter 29?

SAMUU’EEL KOWAA Chapter 29 is part of the Book of SAMUU’EEL KOWAA in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete SAMUU’EEL KOWAA Chapter 29 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from samuu'eel-kowaa

  1. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 28
  2. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 5
  3. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 20
  4. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 30
  5. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 14
  6. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 9
  7. SAMUU’EEL KOWAA Chapter 18

Related Chapters & Readings

  1. SAMUU’EEL LABAA Chapter 20
  2. ISHACYAAH Chapter 50
  3. SABUURRADII Chapter 41
  4. TAARIIKHDII LAB Chapter 16
  5. SABUURRADII Chapter 140
  6. BAXNIINTII Chapter 15
  7. SABUURRADII Chapter 6
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *