Read SHARCIGA KUNOQO Chapter 13 Online
Read SHARCIGA KUNOQO Chapter 13 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SHARCIGA KUNOQO in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of SHARCIGA KUNOQO and the Holy Bible online.
Choose a Chapter
SHARCIGA KUNOQO 13
Cutub 13
1. Hadduu dhexdiinna ka kaco nebi ama mid riyooyin ku riyooda, oo uu idin tuso calaamad ama yaab,
2. oo calaamadda amase yaabku haddu rumoobo oo la arko wixii uu idinkula hadlay isagoo leh, Ina keena aynu ilaahyo kale raacnee oo aynu iyaga u adeegnee kuwaas oo aydaan aqoonin,
3. waa inaydaan dhegaysan erayada nebigaas ama riyaalowgaas, waayo, Rabbiga Ilaahiinna ahu wuu idin tijaabinayaa inuu ogaado bal inaad Rabbiga Ilaahiinna ah ka jeceshihiin qalbigiinna oo dhan iyo naftiinna oo dhan iyo in kale.
4. Waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah raacdaan oo ka cabsataan, oo waa inaad amarradiisa xajisaan oo codkiisa addeecdaan, waana inaad isaga u adeegtaan oo ku hadhaan.
5. Oo nebigaas ama riyaalowgaas waa in la dilaa, maxaa yeelay, wuxuu ku hadlay wax ku caasinimo ah Rabbiga Ilaahiinna ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar oo idinka soo furtay gurigii addoonsiga, si uu idiinka leexiyo jidkii Rabbiga Ilaahiinna ahu idinku amray inaad ku socotaan. Oo sidaas waa inaad shar dhexdiinna uga saartaan.
6. Oo haddii walaalkaa oo ah wiilkii hooyadaa, ama wiilkaaga, ama gabadhaada, ama naagtaada laabta kaaga jiifta, ama saaxiibkaaga sida naftaada kula mid ahu uu si qarsoodi ah kugu sasabo oo uu ku yidhaahdo, Ina keen aynu u adeegno ilaahyo kale kuwaasoo aadan aqoon, adiga iyo awowayaashaa toona,
7. ee ah ilaahyada dadyowga hareerihiinna ku wareegsan ha ahaadeen kuwa kuu dhow ama kuwa kaa fog ee jooga dunida geesteed iyo xataa tan iyo geesteeda kale,
8. kaas waa inaadan la heshiin, oo isaga ha dhegaysan, hana u nixin, hana u tudhin, hana qarin isaga,
9. laakiinse kaas hubaal waa inaad dishaa, oo gacantaadu ha ahaato tan ugu horraysa oo isaga disha, dabadeedna dadka oo dhammu ha u gacan qaadeen.
10. Oo waa inaad dhagxisaa si uu u dhinto, maxaa yeelay, wuxuu damcay inuu kaa fogeeyo Rabbiga Ilaahaaga ah oo idinka soo bixiyey dalkii Masar iyo gurigii addoonsiga.
11. Oo reer binu Israa'iil oo dhammu way maqli doonaan, wayna cabsan doonaan, oo mar dambe ma ay samayn doonaan shar la mid ah sida kan idinku dhex jira oo kale.
12. Oo haddaad wax ka maqashaan mid ka mid ah magaalooyinka Rabbiga Ilaahiinna ahu idiin siinayo inaad degtaan,
13. iyadoo la leeyahay, Dad waxmatarayaal ah baa dhexdiinna ka baxay oo waxay jiiteen dadkii magaaladooda degganaa, iyagoo leh, Ina keena oo aynu u adeegno ilaahyo kale, kuwaasoo aydaan aqoon,
14. markaas waa inaad weyddiisaan oo baadhaan, oo aad iyo aad u haybisaan, oo bal eeg, haddii taasu run tahay, oo ay tahay wax hubaal ah, in karaahiyada caynkaas ah dhexdiinna lagu sameeyey,
15. markaas dadka magaaladaas deggan hubaal waa inaad seef ku laysaan, oo dhammaanteed waa inaad wada baabbi'isaan, oo kulli waxa magaaladaas ku jira iyo xoolaheedaba seef ku laaya.
16. Oo alaabteeda dhaca ah oo dhanna waxaad ku soo ururisaan jidka dhexdiisa, oo waa inaad Rabbiga Ilaahiinna ah dhammaan u gubtaan magaalada iyo alaabteeda oo dhanba, oo weligeed waxay ahaan doontaa tuulmo, oo mar dambena lama dhisi doono.
17. Oo gacantiinna yaanay waxba kaga hadhin alaabta xaaraanta ah, in Rabbigu ka soo noqdo cadhadiisii kululayd, oo uu siduu awowayaashiin ugu dhaartay idiinku naxariisto, oo idiinku naxo, oo idiin tarmiyo,
18. markaad dhegaysataan Rabbiga Ilaahiinna ah codkiisa, inaad xajisaan amarradiisa aan maanta idinku amrayo oo dhan, oo aad samaysaan waxa ku qumman Rabbiga Ilaahiinna ah hortiisa.
About SHARCIGA KUNOQO Chapter 13
Read SHARCIGA KUNOQO Chapter 13 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of SHARCIGA KUNOQO in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.
Book Information
Book: SHARCIGA KUNOQO
Chapter: 13
Testament: Old Testament
How to Read this Chapter
Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading SHARCIGA KUNOQO. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.
More Resources
Continue Reading the Bible
Continue reading SHARCIGA KUNOQO Chapter 13 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.
Frequently Asked Questions
What is SHARCIGA KUNOQO Chapter 13?
SHARCIGA KUNOQO Chapter 13 is part of the Book of SHARCIGA KUNOQO in the Holy Bible.
Can I read this chapter online?
Yes. You can read the complete SHARCIGA KUNOQO Chapter 13 online for free with easy chapter navigation.
More Chapters from Axdigii Hore
- YEREMYAAH Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 3
- YEXESQEEL Chapter 1
- YEXESQEEL Chapter 12
- YEXESQEEL Chapter 10
- YEXESQEEL Chapter 8
- YEXESQEEL Chapter 5
Explore More from Sharciga Kunoqo
- SHARCIGA KUNOQO Chapter 12
- SHARCIGA KUNOQO Chapter 34
- SHARCIGA KUNOQO Chapter 29
- SHARCIGA KUNOQO Chapter 32
- SHARCIGA KUNOQO Chapter 27
- SHARCIGA KUNOQO Chapter 8
- SHARCIGA KUNOQO Chapter 1