ESTEER Chapter 5

For English

Read ESTEER Chapter 5 Online

Read ESTEER Chapter 5 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ESTEER in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of ESTEER and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

ESTEER 5

Cutub 5

1. Haddaba maalintii saddexaad Esteer baa gashatay dharkeedii boqornimada, oo waxay soo istaagtay guriga boqorka barxaddiisa dhexe, taasoo ka soo hor jeedday guriga boqorka; oo boqorkuna wuxuu ku fadhiyey carshigiisii boqornimada oo ku dhex yiil guriga boqornimada, wuxuuna ka soo hor jeeday iridda guriga laga soo galo.

2. Oo markii boqorkii arkay Boqorad Esteer oo barxadda dhex taagan ayuu raalli ka noqday iyada, oo boqorkiina wuxuu Esteer ku soo fidiyey ushii dahabka ahayd oo gacantiisa ku jirtay. Markaasaa Esteer soo dhowaatay oo taabatay usha dusheedii.

3. Kolkaasuu boqorkii ku yidhi, Boqorad Esteeray, maxaad doonaysaa? Oo maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa lagu siinayaaye.

4. Kolkaasaa Esteer waxay tidhi, Boqorow, hadday kula wanaagsan tahay, maanta adiga iyo Haamaanba kaalaya martiqaadka aan u diyaariyey.

5. Markaasaa boqorkii wuxuu yidhi, Haamaan haddiiba ha dhaqsado, si loo yeelo waxay Esteer tidhi. Oo sidaas daraaddeed boqorkii iyo Haamaanba waxay yimaadeen martiqaadkii ay Esteer u diyaarisay.

6. Oo intii martiqaadkii khamriga la joogay ayuu boqorkii Esteer ku yidhi, Baryadaadu waa maxay? Maxaad i weyddiisanaysaa? Xataa hadday boqortooyada badhkeed tahay waa laguu yeelayaaye.

7. Markaasaa Esteer jawaabtay oo tidhi, Baryadayda iyo weyddiisashadaydu waxay tahay,

8. Boqorow, haddaad raalli iga tahay, oo aad ku faraxdid inaad ii samaysid waxaan kaa baryay, oo aad yeeshid waxaan ku weyddiistay, haddaba adiga iyo Haamaan kaalaya martiqaadka aan idiin diyaarin doono, oo aniguna berri baan yeelayaa sidaad tidhi, boqorow.

9. Markaasaa Haamaan maalintaas wuxuu dibadda u baxay isagoo faraxsan oo qalbiga ka rayraynaya. Laakiinse Haamaan markuu arkay Mordekay oo jooga boqorka iriddiisa, oo aan isaga u istaagin, una gariirin, ayuu Mordekay aad iyo aad ugu cadhooday.

10. Habase ahaatee Haamaan wuu isceliyey oo gurigiisuu tegey. Markaasuu u cid dirsaday oo u yeedhay saaxiibbadiis iyo naagtiisii Seresh.

11. Markaasaa Haamaan wuxuu iyagii uga sheekeeyey ammaanta maalkiisa, iyo badnaanta carruurtiisa, iyo kulli derejadihii boqorku isaga u dalliciyey oo dhan, iyo sidii boqorku ugu wada sarraysiiyey boqorka amiirradiisa iyo addoommadiisa oo dhan.

12. Oo Haamaan weliba wuxuu kaloo yidhi, Xataa boqoradda Esteer ninna uma ay oggolaan inuu boqorka u soo raaco martiqaadkii ay diyaarisay aniga mooyaane; oo weliba berrina anigoo boqorka la jira ayay i martiqaadday.

13. Laakiinse waxaas oo dhammu waxba ii tari maayaan intaan arkayo Yuhuudiga Mordekay oo boqorka iriddiisa fadhiya.

14. Markaasaa naagtiisii Seresh iyo saaxiibbadiis oo dhammu waxay ku yidhaahdeen, Ha la sameeyo qori wax lagu deldelo oo dhererkiisu konton dhudhun yahay, oo subaxda waxaad boqorka ku tidhaahdaa, Mordekay meeshaas ha lagu deldelo. Oo markaas dabadeed adigoo faraxsan boqorka martiqaadka u raac. Kolkaasaa hadalkaasu ka farxiyey Haamaan; oo wuxuu amray in meeshii deldelaadda la sameeyo.

About ESTEER Chapter 5

Read ESTEER Chapter 5 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of ESTEER in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: ESTEER
Chapter: 5
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading ESTEER. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading ESTEER Chapter 5 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is ESTEER Chapter 5?

ESTEER Chapter 5 is part of the Book of ESTEER in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete ESTEER Chapter 5 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from esteer

  1. ESTEER Chapter 6
  2. ESTEER Chapter 2
  3. ESTEER Chapter 9
  4. ESTEER Chapter 1
  5. ESTEER Chapter 4
  6. ESTEER Chapter 3
  7. ESTEER Chapter 8

Related Chapters & Readings

  1. MIIKAAH Chapter 3
  2. SABUURRADII Chapter 83
  3. SHARCIGA KUNOQO Chapter 8
  4. YASHUUCA Chapter 18
  5. BAXNIINTII Chapter 12
  6. MARKOS Chapter 3
  7. FILIBOY Chapter 4
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *