WACDIYAHII Chapter 1

For English

Read WACDIYAHII Chapter 1 Online

Read WACDIYAHII Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of WACDIYAHII in the Old Testament. Browse every verse with easy chapter navigation, continue to the next chapter, or explore the complete Book of WACDIYAHII and the Holy Bible online.

Choose a Chapter

WACDIYAHII 1

Cutub 1

1. Kuwanu waa erayadii wacdiyihii ahaa ina Daa'uud oo Yeruusaalem boqorka ku ahaa.

2. Wacdiyuhu wuxuu leeyahay, Waa wax aan waxba tarayn, waa wax aan waxba tarayn, wax waluba waa wax aan waxba tarayn.

3. Bal maxaa faa'iido ah oo nin ka hela hawshiisa uu qorraxda hoosteeda ku hawshoodo oo dhan?

4. Qarni baa taga, oo qarni kalena wuu yimaadaa, laakiinse dhulku weligiisba wuu waaraa.

5. Oo qorraxduna way soo baxdaa, oo haddana way dhacdaa, oo waxay ku degdegtaa meeshii ay ka soo baxdo.

6. Dabayshu waxay tagtaa xagga koonfureed, oo haddana waxay u soo rogmataa xagga woqooyi, oo had iyo goorba way wareegtaa, oo dabayshu waxay ku soo noqotaa wareeggeedii.

7. Webiyaasha oo dhammu waxay ku shubmaan badda, oo weli badduna ma buuxsanto, oo webiyaashu meeshii ay ku socdaan ayay haddana ku sii socdaan.

8. Wax kastaaba waa daal miidhan, dadku ma sheegi karo innaba. Ishu wax arag kama dheregto, dhegtuna waxmaqlid kama buuxsanto.

9. Wixii hore u jiri jiray waa waxa dibna u jiri doona, oo wixii la sameeyeyna waa waxa hadda ka dib la samayn doono, oo inta qorraxda ka hoosaysana wax cusub laguma arko.

10. Miyey jiraan wax la odhan karo, Bal eeg, waxanu waa cusub yihiine? Way jiri jireen tan iyo waayihii inaga horreeyey.

11. Waxyaalihii hore lama xusuusto, oo waxyaalaha iman doonana innaba laguma xusuusan doono kuwa dabadeed iman doona.

12. Anigan wacdiyaha ahu boqor baan reer binu Israa'iil ugu ahaa Yeruusaalem.

13. Oo waxaan qalbigayga oo dhan u soo jeedshay inaan doono oo xigmad ku baadho waxyaalaha samada hoosteeda lagu sameeyo oo dhan. Dhibaatadan kulul ayaa Ilaah binu-aadmigu u siiyey inay ku hawshoodaan.

14. Shuqullada qorraxda hoosteeda lagu sameeyo oo dhan waan arkay, oo bal eeg, dhammaantood waa wax aan waxba tarayn iyo dabagalka dabaysha oo kale.

15. Wixii qalloocan lama toosin karo, oo wixii dhimmanna lama tirin karo.

16. Qalbigaygaan la hadlay, oo waxaan ku idhi, Bal eeg, anigu waxaan helay xigmad ka sii badan tii kuwii hortaydii Yeruusaalem u talin jiray oo dhan, oo qalbigaygu aad buu u arkay xigmad badan iyo aqoon dheer.

17. Waxaan qalbigayga siiyey inaan xigmad ogaado iyo inaan waalli iyo nacasnimo ogaado, oo waxaan gartay inay taasuna tahay dabagalka dabaysha oo kale.

18. Waayo, xigmaddii badan caloolxumo badan baa ku jirta, oo kii aqoon korodhsadaana murug buu sii korodhsadaa.

About WACDIYAHII Chapter 1

Read WACDIYAHII Chapter 1 online from the Holy Bible. This chapter is part of the Book of WACDIYAHII in the Old Testament. Continue reading with the chapter navigation above or explore the complete book.

Book Information

Book: WACDIYAHII
Chapter: 1
Testament: Old Testament

How to Read this Chapter

Use the Previous and Next Chapter buttons to continue reading WACDIYAHII. You can also adjust the font size for comfortable reading and browse other books of the Bible using the navigation links.

https://www.youtube.com/watch?v=rzsT_Q3KLzE

More Resources

Continue Reading the Bible

Continue reading WACDIYAHII Chapter 1 and explore every book, chapter and verse of the Holy Bible. Use the navigation links above and below to move through the Scriptures with ease.

Frequently Asked Questions

What is WACDIYAHII Chapter 1?

WACDIYAHII Chapter 1 is part of the Book of WACDIYAHII in the Holy Bible.

Can I read this chapter online?

Yes. You can read the complete WACDIYAHII Chapter 1 online for free with easy chapter navigation.

More Chapters from Axdigii Hore

  1. YEREMYAAH Chapter 1
  2. YEXESQEEL Chapter 3
  3. YEXESQEEL Chapter 1
  4. YEXESQEEL Chapter 12
  5. YEXESQEEL Chapter 10
  6. YEXESQEEL Chapter 8
  7. YEXESQEEL Chapter 5

Explore More from wacdyahii

  1. WACDIYAHII Chapter 6
  2. WACDIYAHII Chapter 2
  3. WACDIYAHII Chapter 5
  4. WACDIYAHII Chapter 3
  5. WACDIYAHII Chapter 4
  6. WACDIYAHII Chapter 9
  7. WACDIYAHII Chapter 11

Related Chapters & Readings

  1. BAXNIINTII Chapter 38
  2. ISHACYAAH Chapter 61
  3. YUUDAS Chapter 1
  4. GALATIYA Chapter 2
  5. TAARIIKHDII KOW Chapter 20
  6. YEREMYAAH Chapter 45
  7. MATAYOS Chapter 10
Share Your Love

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *